Golaha Wakiillada Oo Waajibkooda Kaga Gutay Xeer Ay Dhawaan Guurtidu Kusoo Celisay Oo In Muddo Ah Miiska U Saarnaa

0
105

Hargaysa(Kaafimedia) Fadhigii Shalay ee golaha wakiilada jamhuuriyadda Somaliland  oo uu shirguddoominayay guddoomiyaha golaha wakiilada   Baashe Maxamed Faarax ayaa Mudanayaashu  waxa ay Cod Gacan taaga ah ku meel mariyeen xeerka qan-daraasyadda qaranka oo mudooyinkii u dambeeyay horyaalay mudanayaasha wakiilada.

Guddoomiyaha golaha wakiilada somaliland Mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa ku dhawaaqay Natiijadda Gacantaaga ay mudanayaasha golaha wakiilada somaliland u sameyeen ansixinta xeerkan qan-daraasyadda qaranka somaliland. “Fadhigan oo ay ka soo xaadireen sagaal iyo afartan mudan ayaa xeerkan waxa cod gacan taaga ku meel mariyay shan iyo afartan mudane afar mudane ayaa ka aamusay guddoomiyahuna muu coday sidaas ayaa uu ku dhaqan galay xeerka qan-daraasyadda qaranka somaliland.

sidaas ayaa uu yidhi guddoomiye Baashe Maxamed Faarax

xeerka qan-daraasyadda qaranka somaliland ayaa waxa hore wax ka badal iyo kaabis ugu soo sameeyay mudanayaasha aqalka golaha guurtidda somaliland,waxaana ay mudanayaasha aqalka golaha wakiilada xeerkan shalay ku ansixiyeen cod aq-labiyad leh.

Kaafimedia Hargeisa Office.