Shirka Iskaashiga Afrika Iyo Shiinaha Ayaa Ka Ka Furmay Beijing Iyo Qodobadda Diiradda La Saarey .

0
71

Beijing  (Kaafimedia) – Waxaa magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha ka furmay Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee (FOCAC) oo ay sanadkan ka qeyb galayaan madaxda 53 dal oo Afrikaan ah.

Madaxweynaha Shiinaha ee dalkiisa uu martigelinayo shirka Xi Jinping, ayaa furay shirka Axadda Maanta, waxaana ka qeyb galaya Madaxweynayaasha dalalka Afrika.

Wuxuu sheegay Madaxweyne Xi Jinping, in Shiinaha iyo Afrika ay leeyihiin iskaashi dhinacyo badan leh, isagoo rejo wanaagsan ka muujiyay midh-dhalka qodobbada la isku afgarto ee ka soo baxa shirka “Waannu ixtiraamnaa Afrika, waannu jecel nahay Afrika, waanna taageernaa Afrika..” ayuu yidhi, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha Xi Jinping oo khudbad dheer ka jeediyey furitaanka shirkaasi.

Shirka oo labo maalmood socon doona ayaa inta uu socdo waxaa diiradda lagu saarayaa iskaashiga ganacsiga iyo maalgashiga, hiigsiyada cusub ee iskaashiga dhaqaale, iyo dedaallada lagu xoojinayo xidhiidhka u dhexeeya Shiinaha iyo dalalka Afrika.

Sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay ee Ganacsiga iyo Horumarka ee UNCTAD, ganacsiga ka dhaxeeya Shiinah iyo Afrika waxa uu sannadkii 2000 ahaa $10 bilyan, balse 17 sano kadib waxa uu gaadhay wax ka badan 20 laab tiradaas oo ah $200 bilyan oo doolar.

Waxaa jira welwel ah in Shiinaha uu deymaynayo Afrika iyada oo aanan la haynin wax qorshe cad ah oo deymaha la iskaga bixinayo.

Sida uu sheegay sanduuqa lacagta Adduunka ee IMF, boqolkiiba 40% dalalka Afrika waa kuwa aad ugu itaal daran in ay iska bixiyaan deymaha. Waxaana jirta in deymo badan oo hore Afrika loo siiyay ay iska bixin wayday.

Balse ninka lagu magacaabo Akinwumi Adesina oo ah dhaqaaleyahan ka tirsan Bangiga Horumarinta Afrika (ADB), ayaa sheegay “Maalgashiga Shiinaha waa mid aad loogu baahan yahay, Shiinuhuna waa saaxiibka ugu wanaagsan ee ay Afrika leedahay.” Ayuu yidhi.

Intii aanu Shirku furmin ka hor, wasiirka arrimaha dibedda Shiinaha Wang Yi ayaa yidhi “Shirkani waa kii ugu balaadhnaa ebed ee dunida ka qabsooma..” .

Kaafimedia Hargeisa Office.