Jaaliyadda Reer Washington, DC Oo Fariin Mihiin Ah U Gudbinaya Jaaliyadda

0
68

Ka Socota Jaaliyadda Reer Washington, DC iyo Agagaarkeeda

Sidaad u ogtihiinba waxaa Maraykanka lagu soo casuumay Wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga, Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare. Shir caalimiga ah ee cimiladda adduunka oo sanadkan lagu qabanaayo, San Francisco, California.

Markaa waxaan haddii aynu nahay Jaaliyadda ku dhaqan Washington, DC iyo agagaarkeeda nasiib u yeelanay in Wasiir Marwo Shugri ay ina siin doonto warbixin ku saabsan, wadankii iyo howlaha ay u hayso qarankaba markay ka soo laabato San Farancisco, Insho Allah. Fadlan ka soo qayn gal xalfaddan ay Jaaliyaddo u qaban qaabisay. Haddii aanu nahay Jaaliyaddana aad iyo aadbaan ugu mahadnaqaynaa jaaniskaa ay Marwo Shurgi Jaaliyadda siin doonto.

Waqtigu waa sidan hoos ku qoran.

Sunday September 16, 2018, saacaduna waa 5:00 PM (galabnimo)

Fadlan xiliga noo ilaali.

Meeshu waa:
Hilton Garden Inn
706 West Broad St
Falls Church, VA. 22048

Info: 571-339-7777
**Free Event**

Jamal Yusuf Daroor
Gudoomiyaha Jaaliyadda Washington, DC. USA.