Warbixinta Qaramada Midoobey: Sababaha Somaliland Iyo Soomaaliya Sii Kala Fogeeyey, Alshabaab Oo Ka Faa’iidaysanaysa Xiisadda Tukaraq Iyo Colaaddii Ceel-Afweyn.

0
102

Hargeysa (Kaafimedia)- Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ayaa warbixin uu kaga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo uu 30kii bishii siddeedaad u gudbiyey golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey, waxa uu si warbixinihiisii hore ka duwan, aad ugu soo hadalqaaday arrimo khuseeya Somaliland gudaheeda iyo Somaliland iyo Soomaaliya dhexdooda.

 

Warbixintan ayaa uu xoghayaha guud ee QM ku sheegay in ay ka hadlayo waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee Soomaaliya ka dhacay intii u dhexeysay 25kii Abriil illaa 22kii Ogos 2018 ka.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey marka uu warbixintiisan kaga hadlayey arrimaha Siyaasadda, waxa uu qodobka siddeedaad ku sheegay in horumar aad u yar laga sameeyey dadaala la doonayo in dib loogu bilaabo wada hadalladii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya. Isaga oo xusaya sababaha ay Somaliland iyo Soomaaliya ku sii kala fogaadeenna, waxa uu sheegay;

– Wareejintii ay hay’adda caalamiga ah ee dulimaadyada rayidka ah, ICAO maamulidda hawada Soomaaliya ku wareejisay dawladda Federaalka Soomaaiya, 30-kii Juun, kaddibna xarunta maamulka laga soo raray Nairobi ee la keenay Muqdisho.

– Warqaddii ay dawladda Federaalka Soomaaliya u qortay deeqbixiyeyaasha ee ay ku diidaysay barnaamijka hab-macaamilka gaarka ah ‘Specail Arrangement’ ee ay Somaliland deeqda qaybteeda ku heli jirtay.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in qorshaha hab-macaamika gaarka ah la bilaabay sannadkii 2013 ka, si loo xaqiijiyo in xaddi cayiman oo ka mid ah caawimada dunidu siinayso Soomaaliya si gaar ah loogu qoondeeyo Somaliland. Laakiin waxa uu xoghayuhu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo khudbaddiisii munaasabadda 1-da Julaay, uu mar kale ku celiyey baaqiisii ahaa in wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya la bilaabo.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe, Antonio Guterres  warbixintiisa qayb uu cinwaan uga dhigay, taageeridda dadaallada nabadaynta iyo dawlad dhiska, marka uu ka hadlayo dhinaca nabadgelyada waxa uu  qodobka 11 ku sheegay xiisadda aadka u sarraysa ee gobalka Sool ugu dhexeysa Somaliland iyo maamulgobaleedka Puntland. “Isku dhacyo ciidan ayaa sababay khasaare kala duwan iyo barakaca 15 kun oo rayid ah” ayaa uu Guterres ku yidhi warbixinta. Isaga oo intaas ku sii daray in xaaladdu ay aad khatar u tahay, maadaama oo ay labada dhinacba sida uu sheegay ciidamo aad u badan deegaanka keenaan, isla markaana warbaahinta isu marinayaan hadallo xaaladda sii hurinaya.

Isla qaybtan waxa uu xoghayaha guud ku sheegay in dibadbaxyo Somaliland ka dhan ahi ay ka dhaceen deegaankaas, “Dibadbaxyo kala duwan oo lagaga soo horjeedo dawladda Somaliland ayaa ka dhacay goballada Sool iyo Sanaag” ayaa uu ku yidhi warbixintan oo uu Geeska Afrika nuqul ka mid ah helay.

Isla mawduucan qodobkiisa 18 waa uu xoghayaha guud ku sheegay in colaadaha qabiilku ay weli ka sii socdaan guud ahaan dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya, isaga oo dhinaca Somaliland si gaar ah uga warramayana waxa uu yidhi, “9-kii bishii shanaad, degmada Ceel-Afweyn ee gobalka Sanaag, ugu yaraan 12 qof ayaa lagu dilay isku dhac u dhexeeyey beesha Biciido ee Habar jeclo iyo beesha Sacad [Yoonis] ee Habar Yoonis” Isaga oo intaas ku daray in madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi uu ka soo saarray baaq nabadeed iyo soo jeedinta in colaaddan wadahadal lagu dembiyo. Laakiin xoghayaha guud warbixintiisa kuma uu sheegin guushii ergadii nabadaynta iyo xukuumadda Somaliland ka gaadheen nabadaynta ee soo afjartay colaaddii labada beelood.

Xoghayaha guud ee QM waxa uu sheegay in gobalka Sool ay ku soo kordhayaan weerarro, gaar ahaan kuwo ah khaarajin cid lagu beegsanayo oo loo malaynayo in ururka Alshabaab ka dambeeyo. Waxa uu sheegay in ay u muuqato in Alshabaab ay ka faa’iidaysanayso xaaladda colaadeed ee deegaanka, “Waxa ay u eegtahay in Alshabaab ay colaadda Tukaraq uga faa’iidaysanayso in ay isku ballaadhiso Somaliland iyo Puntland” ayaa lagu yidhi warbixinta.

Warbixinta xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey waxa kale oo ay ka hadashay kaalinta uu xoghayuhu ka qaatay xallinta iyo ka hortagga colaadaha. Isaga oo sheegay in si loo dembiyo xiisadda Tukaraq ee u dhexeysa Somaliland iyo maamulgobaleedka Puntland uu dadaal u galay wakiilkiisa Soomaaliya ee Michael Keating. “Wakiilkayga gaarka ah ayaa dhowr jeer oo bilihii Meey iyo Juun ah booqashooyin isaga dabqaaday Garoowe iyo Hargeysa. Dadaal lagu soo afjarayo colaadda ayaanu kulamo kala yeeshay madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali ‘Gaas’ iyo ku-xigeenkiisa Cabdikaxiim Cabdullaahi Xaaji Cumar. Halka uu Hargeysana uu arrintan kala xaajooday, madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wasiirradiisa” ayaa ay tidhi warbixinta xoghayaha guud. Iyada oo isla qodobka xiga ku sheegtay in wakiilka xoghayaha guud ee QM Michael Keating uu isku xidhay (Mideeyey) farriinta beesha caalamka ee Somaliland iyo Puntland ku waajahan oo ahayd afar qodob; Xabbadjoojin ay ku jirto in colaadda la soo afjaro, in xidhiidh laga dhex abuuro taliyeyaasha ciidamada ee aagga jooga, in la furo jid bani’aadamnimo oo lagu gaadhi karo barakacayaasha iyo in la bilaabo wadahadallada ay labada dhinac kaga xaajoonayaan kala durkinta ciidamadooda iyo is weydaarsashada ciidamada ay kala hayaan.

Xoghayaha guud waxa uu sheegay in madaxweyne Biixi uu aqbalaad qoraal ah ku ogolaaday soo jeedintan, halka madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas, uu ogolaanshiyo afka ah gaadhsiiyey wakiilka xoghayaha guud ee QM, laakiin haddana uu ka dhego adaygay in uu intaas ka badan ballanqaado illaa loo ballanqaado in Somaliland ay ciidamadeeda kala baxayso Tukaraq.

Mudane Guterres waxa uu sheegay in xafiiskiisa Soomaaliya ee UNSOM iyo urur gobaleedka IGAD ay dabayaaqadii bishii Julaay sameeyeen hindise wadajir ah oo ay dadaal dhexdhexaadineed ku abuurayeen. Wafti ka socda UNSOM iyo IGAD ayaa 7-dii illaa 8-dii Ogos, booqashooyin ay ku tegeen Somaliland iyo Puntland waxa ay madaxda labada dhinac ugu gudbiyeen mabaadii’ aasaas u noqon kara wadahadalka labada dhinac, “Inkasta oo ay labada dhinacba aqbaleen, inta badan ee mabaadii’daas, haddana qodobbada qaar ayaa weli hadhsan, waxa aanay u baahanaysaa wadaxaajood intaas ka badan iyo in la sii faahfaahiyo”

Waxa kale oo uu xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey warbixintiisan kaga hadlay arrimaha bulshada iyo bani’aadamnimad, oo ay ka mid tahay, in xafiiska qaramada Midoobey ee UNSOM uu keenay hindiseyaal lagu horumarinayo sidi iay dumarku uga qaybgeli lahaayeen doorashooyinka baarlamaanka iyo golayaasha deegaanka ee ay tahay in ay Somaliland ka dhacaan bisha saddexaad ee 2019 ka. Waxa aana lagu xusay go’aankii golaha wasiirrada ka soo baxay horraantii bishii Juun ee soo jeedinayey in boqolkiiba 20 kuraasta goleyaashan loo xidho murashaxiinta dumarka. Gacanta ay qaramada Midoobey ka siisay wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha ee Somaliland, martigelinta kulan-aqooneed ku saabsanaa siyaasadda qaranka ee dhalinyarada. Gacanta ay UNSOM iyo UNDP oo iskaashanayaa ka geysteen, tababarro la xidhiidha xuquuqda aadamaha iyo xadgudubyada jinsiga ku salaysan oo la siinayo bulshada iyo in kor loo qaado wacyiga saraakiisha booliiska ee la xidhiidha xeerka booliiska Somaliland. Waxa kale oo ay warbixintu ka hadashay khasaarihii ka hashay duufaantii Sagar.

Ugu dambayntii qodobka 66 ee warbixinta uu xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u gudbiyey golaha ammaanka, waxa uu kaga hadlay xaaladda xuquuqda aadanah. Waxa aanu sheegay in Somaliland lagu xidhay mid ka mid ah madax dhaqameedka dalka. Isaga oo arrimaha xuquuqda sii wadana waxa uu mudane Guterres ku yidhi warbixintiisa, “Saddex talefishan iyo hal wargeys ayaa la mamnuucay, halka mid ka mid ah taleefishannadana shaqada laga joojiyey” Laakiin isaga oo ka hadlaya in aanu wada xumayn warka dhowrista xuquuqda aadanaha iyo xoriyadda hadalka ee Somaliland waxa uu Guterres ku yidhi warbixintiisa uu Geeska Afrika qaybta Somaliland khusaysay soo koobay, “Arrinta togan ee xusidda mudani waa in laba wargeys oo hore loo mamnuucay dib loogu soo celiyey rukhsaddii, iyo in cafis madaxweyne lagu sii daayey gabayaa dumar ah oo saddex sano oo xabsi ah hore loogu xumay”

Xigasho:Geeska

Kaafimedia Hargeisa Office,