Xisbiga WADDANI Oo Xukuumadda Ku Dhaliilay Dagaal Beeleedyada Soo Noqnoqda Baaq Nabadeedna U Diray Beelaha Reer Sool.

0
108

Hargeysa, September 10, 2018- (Kaafimedia)- Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa si adag xukuumadda ugu dhaliilay colaadda beelaysan ee ka soo noqnoqota Gobolada Bari ee Somaliland oo ay ku sheegeen in aanay xukuumaddu dadaalkii loo baahnaa ka galin waxna ka qaban oo ay ku dhaliilan tahay halka ay sidoo kale Madaxda xisbiga WADDANI baaq nabadeed oo culus u direen beelaha walaalaha ah ee toddobaadkan isku dilay Koonfurta Gobolka Sool.

Shir-saxaafadeed baaq nabadeed ah oo ay Hogaanka sare ee Xisbiga WADDANI Hargeysa ku qabteen ayay ku sheegeen arrimo badan oo la xidhiidha nabadda gobolada Bari iyo wax ka qabasho la’aanta xukuumadihii kala dambeeyey ee xisbiga KULMIYE halka ay beelaha walaalaha ah ee reer Sool ugu baaqeen in ay degdeg xabbadda u joojiyaan nabaddana qaataan.

Ugu horrayn Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga WADDANI Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo arrintaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Waxaanu baaq nabadeed u diraynaa beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamay Gobolka Sool ee dhibaatada weyni kala gaadhay. Marka ugu horraysa waxaanu Ilaahay uga baryaynaa in uu dadkiii geeriyooday u naxariisto intooda dhaawacana u booga dhagayo oo caafimad sareecan ah siiyo. Labada beelood ee walaalaha ah ee muddo dagaalkoodu soo noqnoqday waxa uu xisbiga WADDANI u dirayaa baaq nabadeed oo aanu ku leenahay colaadda ha la joojiyo. Waa la ogyahay dagaalkani waxa uu bilaabmay xilli hore oo 2004 ku siman. Waanu soo noqnoqday muddo dhawr iyo toban sanadood ah. Waa la isku yimid oo hawl badan baa laga galay, waa laga heshiiyey muddadii koobnayd ee colaaddaasi laga nastay waxaa martay neecow caafimaad oo weyn dadka deegaankaasi. Dadka intii dhimatay soo noqon mayso inta nool in loo taliyo ayaa mudan oo lagama maarmaan ah, waxa kale oo aanu mahad u soo jeedinaynaa odayaasha iyo wax-garadka Gobolka Sool gaar ahaan Culimada Magaalada Laascaanood oo arrintaa gurmad degdeg ah ka galay, aad iyo aad ayaanu ugu ammaanaynaa”.

Dhinaca kale Siyaasi Xuseen Axmed Caydiid oo isna ka mid ah madaxda xisbiga WADDANI oo arrintan ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Waxaan leeyahay Xukuumadaha KULMIYE ee kala dambeeyey farbaa ku godan, shalay bay Ceel Afweyn ahayd oo inta goor ee ay soo noqotay aan ognahay, maanta ayaa taa Koonfurta Laascaanood laga hadlayaa oo iyadana inta goor ee ay soo noqotay laga hadlayaa. Waxaan qabaa in ay halkaa ka jirto dhaliil uu maamulku leeyahay”. Auu yidhi Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid.

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay oo baaqan diray Xildhibaano iyo siyaasiyiin kale oo ka tirsan xisbiga WADDANI waxaana ugu dambayn shirkan saxaafadeed ee baaqa ah soo gunaanaday Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxaanu yidhi: “Waxaan ku baaqayaa in colaadda iyo xabadda la joojiyo oo nabadayn aanay wax shuruud ahi ku xidhnayn la hir galiyo si loo badbaadiyo inta hadhay loona abuuro jawi nabadeed oo lagu soo celiyo wada noolaanshihii, walaalnimadii iyo deganaanshihii, midna waan la qabaa odayaashu sida ay yidhaahdeen oo dagaalkaa soo noqnoqday ee tobanka sano ka badan soo noqnoqonayay waa dhaliil markaa kaasina waxaan leeyahay oo aan Ilaahay ka rajaynayaa in aanu innagu soo noqon. Mahadnaqa waan la qabaa odayaasha iyo garaadada iyo wax-garadka Gobolka Sool ee gurmadka koowaad sameeyey, nabaddu waxa ay u baahan tahay in la adkeeyo oo la xidho, waxaana adkayn kara nabadda qaranimada. Doorkaa xukuumadda ayaa leh. Waxa loo baahan yahay door adag oo lagu nabadaynayo in ay xukuumaddu ka qaadato oo cid kasta oo nabadda wax u dhimaysa tallaabo adag laga qaado dhinaca uu doonoba haka soo jeedee. Waxa aan qabaa ma rag li’in, ma garaado li’in, ma culimo li’in markaa arrintaasi waxa ay u baahan tahay in loo dhammeeyo si degdeg ah. Imika ayaynu ka soo baxnay nabaddii Ceel Afweyn oo wakhti badan innaga qaadatay nabadaynteedu markaa meel kale in ay innagu furanto waxa ay ahayd runtii wax aan la filayn. War naxdin badan buu ahaa, war xanuun badan buu ahaa, waxaanan ku soo gunaanadayaa baaq nabadeed oo aan halkan ka soo jeedinayno” ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Kaafimedia Hargeisa Office,