Hoos U Dhac Ku Yimi Falalka dilka iyo kufsiga Ee sanadkan Ka Dhacay Somaliland & Tirada Fal Dembiyeedyada Kale Oo Kor U Kacay Marka Loo Eego Kal Hore.

0
40

“Ciidanka Boolisku waxa ay maanta awood u leeyihiin inay baadhis ku sameeyaan qalabka Electarooniga, waxanay horumar ka gaadheen qaadista faraha…” – Sarreeye gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan

Hargeysa(Kaafimedia):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay xus ballaadhan oo loo sameeyey sanad-guurada 25-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaskii ciidanka Booliska oo shalay ku beegnayd. Munaasibadda xuska 25-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaska ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland oo lagu qabtay xarunta guud ee ciidanka Boolisku ku leeyahay caasimadda Hargeysa, ayaa waxa ka qayb-galay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, taliyaha ciidanka Booliska, Sarreeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan, saraakiisha iyo saraakiil-ku-xigeennada kala duwan ee ciidanka Booliska, diblomaasiyiin ka socday dalalka Somaliland ka caawiya dhinaca tabobarrada ciidamada Booliska, qaar kamid ah golaha wasiirrada, Taliyeyaasha Ciidamada Kala duwan ee dalka, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, madax katirsan axsaabta qaranka, siyaasiyiin iyo marti-sharaf kale, waxana halkaas laga jeediyey hadallo salka ku haya marxaladihii kala duwanaa ee uu ciidanka Boolisku soo maray, guulaha uu gaadhay, hiigsiga horumar ee dhinaca mustaqbalka ah iyo riwaayad la magac baxday qarannimo iyo qabiil kala dheer.

Ugu horrayn taliyaha Hawl-gelinta ciidamada Booliska Somaliland, gaashaanle sare Cabdiqani Ciise Maygaag oo madasha ka hadlay, ayaa si qoto dheer ugu dheeraaday horumarka ay ciidamada Boolisku ku tallaabsadeen iyo doorka lama illaawaanka ah ee ay kaga jiraan nabadda iyo xasilloonida dalka, waxaana uu tilmaamay inay Boolisku si buuxda u hanteen ammaanka guud ee gudaha dalka.

Hoggaanka Hawl-gelinta ciidanka Booliska Somaliland, gaashaanle sare Cabdiqani Ciise Maygaag ayaa warbixinta uu madasha ka jeediyey kku sheegay in sannadkan ay dalka ka dhaceen Sagaal iyo Toban Kun, Lix Boqol iyo Afar iyo Lixdan fal-dambiyeed.

Md. Madaxweyne waxaan halkan kuugu soo gudbinaynaa dhacdooyinkii iyo fal dambiyeedyadii sanadkan dalka ka dhacay iyada oo aanu isbarbar dhigi doono sanadka iyo sanadkii hore dhacdooyinkoodii. Tirada guud ee dembiyada dalka ka dhacay sanadkan, tirada shilalka dalka ka dhacay, falalka kufsiyada, tirada inta qof eek u dhimatay shilalka gaadiidka, inta ku dhaawacantay iyo khasaaraha kale ee ay gaysteen, mukhaadaraadka ay cidianka boolisku gacanta ku soodhigeen iyo caruurta la tuuray iyo iska hor imaadyada dhex maray beellaha gobollada bariga”. Sidaasi ayuu yidhi hogaanka hawlgalintu, waxaanu intaa ku ladhay “noocyada dembiyada dalkeena ka dhcay waxa uu badan labada nooc eek ala ah dembiyada dadka ka dhanka ah sida dilalka, dhaawacyada, farasaarka, kufsiga IWM.dembiyada hantida ka dhanka ah sida tuugada, budhcadnimada, babul khiyaamada, foojariga, dhul boobka IWM.

“sanadkan waxa dalka ka dhacay Sagaal iyo Toban Kun, Lix Boqol iyo Afar iyo Lixdan fal-dambiyeed. Waxa beenoowday 3705 dembi, waxa heshiis lagula baxay 8663 fal dembi, baadhis waxa galay 1700 dembi, maxakamadda waxa la geeyey 5596 dembi, xukun wuxuu ku dhacay 2625 dembi, gar suge ilaa imika waxa ah 2971 eedaysane. Is barbar dhig haddaynu ku samayno fal dembiyeedyadii sanadkii hore ee 2017kii dalka ka dhacay iyo kuwa sanadkan. Sanadkii hore waxa dalka ka dhacay 19110 fal dembiyeed, halka ay sanadkan 2018 dhaceen 19664. Waxaanay sanadkan kor u kaceen 554 dembi, waxana sababay korodhkaas bulshada oo badatay iyo kooxaysiga dhalinyarada dembiyada abaabulan gala iyo iska hor imaadyada beellaha. Tirada dilalka sanadkan dhacay waxa weeye 61 dil, inta qof eek u dhimatayna waa 61, inta gacan ku dhiigle ee la qabtayna waa 55, inta gacanku dhiigle ee la raadinayaana waa 6. Isbarbar dhig haddaynu ku samayno, sanadkii hore waxa dalka ka dhacay 71 dil, halka ay 61 dil, waxaanay sanadkan hoos u dhaceen 10, waxana sababay hawlgalka joogtada ah ee ciidanka boolisku ku jiraan habeen iyo maalinba. Tirada kufsiyada sanadkan dhacay waa 101 kufsi, inta eedaysane ee gashay marka lagu daro hab kufsi wadareed ah waxay noqonayaan 105, inta eedaysane ee la qabtay waa 87, inta eedaysane ee baxsatay balse lagu dabajiraana waa 17, isbabar dhig haddaynu samayno sanadkii hore waxa dalka ka dhacay 148 kufsi, halka ay sanadkan ka dhaceen 101 kufsi. Tirada shilalka gaadiidka ee sanadkan dhacay waa 3457, dhimasho waxay sababeen 161, dhaawac waxay sababeen 2255, khasaare gaadiid waxa noqday 1679, khasaare xoolaadna 118 baa noqday”. Ayuu yidhi hogaanka hawlgalinta ee ciidanka bilaysku.

Taliyaha ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa isaguna si guud u hambalyeeyey ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo hoosta ka xarriiqay inay ciidanku u tafo-xaydan yihiin daminta shaqaaqo kasta oo ammaanka dalka ka dhan ah, waxana uu madaxweynaha ku bogaadiyey sida xilkasnimada leh ee uu madaxweynuhu ugu hagar-baxay dhammaanba baahiyaha kala duwan ee ciidanka Booliska.

Taliyaha ciidanka Boolisku waxa sidoo kale shaaciyey inay kor u qaadeen heerka baadhiseed ee ciidamada Booliska, isla markaana ay leeyihiin awooddii ay ku baadhi lahaayeen nooc kasta oo dambi ah,

“Md. Madaxweyne waajibaadka ciidanka booliska waxaa ka mid ah ilaalinta nabadgalyada shacbiga Somaliland, naftooda, iyo maalkooda. Ilaalinta amaanka hay’adaha caalamiga ah, safaaradaha, ilaha halbowlayaasha dhaqaalaha, kahortagga, baadhista iyo dabagalka dambiyada. Md. Madaxweyne shaqada boolisku kuma koobna ilaalnta amniga oo keliya ee waxa kale oo ay ka qayb qaataan gurmadka aafooyinka dabiiciga ah, ilaalinta iyo ururinta dakhliga qaranka iy difaaca qarankaba. Waxa kale oo aanu wada shaqayn la leennahay ciidamada qalabka sida eek ala duwan, garsoorka, xeer ilaalinta guud iyo dhamaan hay’adaha kala duwan ee dawladda”. Ayuu yidhi taliyaha ciidamada bilayska JSL Sarreeye gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan. “Ciidanka Boolisku waxa ay maanta awood u leeyihiin inay baadhis ku sameeyaan qalabka Electaroonigga, sida moobillada, laabtoobyada iyo guud ahaanba qalabka kale, waxa kale oo ay horumar ka gaadheen qaadista faraha, taas oo keentay inaanay lumi Karin cid kasta oo dambi caadaysatay, waxa kale oo ciidanka Booliska kusoo kordhay Laab casri ah oo lagu baadho raadadka dambiyada” ayuu yidhi taliyaha ciidanka Booliska Somaliland, Sarreeye gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo isaguna munaasibadda sanad-guurada 25-aad ee Aas-aaska ciidanka Booliska hadal kooban ka jeediyey, ayaa ugu horrayn ciidanka ku hambalyeeyey horumarka ay ku tallaabsadeen, isaga oo caddeeyey inuu horumarkaasi gaadhay heer bulshada caalamku ka markhaati kacdo nabadda iyo deggenaanshaha dalka ka jira, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Ciidankeenna Boolisku maanta waxa uu marayaa meel uu dalku ku faano, ummadduna ay ku jeclaato oo uu nabadgelyadii qarankiisa hubiyey, caalamkuna ku majiirto inay Somaliland meel deggen tahay oo ciidan Boolis iyo kala-dambayni ay jirto.”

Madaxweynuhu waxa uu la dardaarmay ciidanka Booliska, waxana uu tilmaamay sifooyinka wanaagsan ee laga rabo iyo sida ay lagama-maarmaanka u tahay inay bulshadu kusoo hirato, “Waxannu doonaynaa inuu booliskeennu noqdo mid ay dadka saaxiib yihiin oo carruurtu marka ay aragto ay ku faraxdo, waxaynnu higsanaynaa oo aynnu doonaynaa inuu Booliskeennu noqdo mid dadka taagta darani ay kusii hirtaan oo aanay ka cararin, waxannu doonaynaa inuu Boolisku noqdo mid ka argagixiya oo ka hortagga dambiilaha iyo qofka fidno-walaha ah,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxana isaga oo ka hadlay baahida loo qabo in Booliska iyo shacabku wada-shaqeeyaan uu intaas ku daray, “Dadweynaha waxa aynnu ka doonaynaa inay Boolis wada noqdaan oo Booliska la shaqeeyaan, taasna waxa aynnu ku hanan karnaa innaga oo dadka iyo Booliskaba wacyigelin xoog ah siinno, qofka Booliska ahina sharciga ayuu metelayaaye, waa inuu dadka baraa inay sharciga jeclaadaan, dadweynuhuna waa inay hiil iyo hooba la garab istaagaan.”

Kaafimedia Hargeisa Office.