Faysal Ali Waraabe Iyo Cabdiraxmaan Ciro: Maxaad Soo Wadaan?

0
40

W/Q: Abdinasir Hassan Muhumed (p#57

Nation003@gmail.com

Aragti aqooneedka (A.A) afka qalaad lagu yidhaa Social Constructivism ayaa nuxurkeedu yahay in qaab nololleedkeenu (dhacdooyinka nololleed, fikirkeena[attitude], hab-dhaqankeena [behaviour], …… ) ay yihiin sida aan inagu u dhisno/nay. Aragti ka mid ah A.A Social Constructivism oo loogu yeedho Logic Appropriateness ayaa iyadna aaminsan inaynaan bani-Adam ahaan inta badan ka taxadirin dhaqdhaqaaqeena waxana hal-kudhag u ah weedhan: , ‘Sida caadiga ah aad ugama taxadarno dhaqdhaqaaqeena.’ Faylasufar Nietzsche oo ka mid ah aasaasayaasha A.A kan waxa uu yidhi , ‘ Waxaan nahay sidii xayn xoolo ah oo ilawday ciday asal ahaan ahaayeen.’Taasi waxay keenta in dadku ay meel dhaw wax ka arkaan, ahmiyadiisa hoos u dhigaan shay muhiim u ah noloshooda, islamarkaana uu la waynaado wax aan muhiimad badan lahayn.

Waxay ahaayeen maalmo daran. Habeenka iyo maalintu ay ka badnaayeen sidooda caadiga ah. Habeenku aad ayuu u dheeraa, cabsi darteed. Maalintu aad ayey u badneyd gaajo iyo haraad dartood. Meel loo cararo may jirin. Qofna qof waxba uma tari kareynin. Waayo qof walba tiisii ayaa cuslaysay. Dadku raxan raxan ayey u dhimanayeen. Dhimashaduna caadi ayey ahayd, xanuunkana hadalkiisaba daa. Gabi ahaanba, ma jirin xaalad nololeed oo bani-Adam ku haboon.

Majirin wax adeeg ah, meel laga dukaansado iyo lacag wax lagu iibsado. Fursada helitaanka biyuhu waxay ahayd eber. May jirin ugu yaraan ceel loo arrooro, xataa dameer, booyad, qasabadna haba soo hadal-qaadin. Ma jirin laydh. May jirin dukaanno, bakhaar, hudheel, maqaaxi iyo iwm. Dugsi, madarsad, atlas iyo jaamacadna meeshaba ha soo dhiganin.

Ma jirin wax ammaan ah. Waxa lagu seexan jiray laguna soo toosi jiray cabsi, gaajo iyo haraad. Qof hadii uu gurigiina ka baxo, tusaale ahaan, aabo oo kale, si uu idiinku qadhaabsi-tago, rajada uu isaga oo nabad qaba oo nool uu ku soo noqon karaa way yarayd. Xaaladdaasi waa tii ay ku noolaayeen dadkii dagaalladii waddanka ka dhacay ku dulqabsadeen guryahooda iyo dagaalku markuu dhamaaday kuwii ugu horeeyey ee dalka ku noo noqay.

May jirin waxaas oo dhan ee nolosha kaabaha u ah ee aan kor ku soo sheegnay. Xaaladuna sidaa ayey ahayd. Gaar ahaan dalka markii lagu soo noqday, may jirin daarahan dhaadheer ee aad aragtaan, ee gaadhay xataa in wiish loo raaco gudahooda, waxaan ka ahayn guryo dundunsan. Oo dul qaawan. Oo albaabo iyo daaqado aan lahayn. Oo tiin iyo geedo ka dhex bexeen. May jirin wado laami ah oo fayaw oo bannaan. Dhaqdhaqaaqa qofku uu yaraa. Oo qof walba socodkiisa waxa xadidi jiray burbruka dhulka soo gaadhay, waddo la’aanta iyo cabsi. Waayo waxa badnaa ilaa mudo dilka mooyaanta iyo daydaynimada. Hoos u soo dag. Ma jirin wargeys, idaacad iyo TV lagu caweeyaa.

Waxyaabaha xasuusta igu reebay ee xiligaa la arki karayey waxay ahaayeen: xabadaha madaafiicda qarxi waayey, qumaca iyo qolfida rasaasta kala duwan sida ta beebeega, kaaraha, jiibka, baroonka, baasukaha, garneylka, shilkaha, suuga, pm-ka, iyo kuwa yaryarba; kaare ama beebee gubtay, bambooyinka sida FM-ta, miino aasan iyo mid daasan. Waxaan xasuustaa, inta jeer ee aan miino garaacay ee aniga oo ku ciyaaraya ay igu qarxiweyday, laakiin qayrkey ku qaraxday.

Dib ugu noqo bilawgi dagaalka. Aniga iyo jiilkeyga, waxa lanala qaxay anagoo la na sido. Anigu dhabarka hooyo waan ka waynaa. Awowgey ayaa tunka igu siday. Sanqadhaha kala duwan ee rasaasta sida Biif, dhaw, dhac-dhac-dhac, jaf, ayay dhagahayga ku soo dhacaysay, iyada oo ay dhagta agteeda, dhinacayga, madaxayga, hareerahayga ay marayso. Maxaan arkey oon ku dul kufay mayd badan oo tawafay, mid la gawracay iyo mid xabadi ku dhacdayba. Maxay dad badan nagala hadhay rasaastu. Dadkii iigu dhawaa ee aan ku waayey waxa ka mid ahaa adeerkey aabo la dhashay iyo abtigay hooyaday la dhashay. Teydaaba fududde, imisa qayrkay ah ayaa ku waayey hooyooyinkood, aabayaashood, ama qoyskooda oo dhan. Dagaaladii 1988, 1991 iyo 1994.

Taariikhda aan ka sheekeeyey waxa garanaya qofkii soo arkay. Cimri ahaan way jireen, laakiin tolow, Cabdiraxmaan Ciro, Faysal Ali waraabe oo ah hogaamiyayaasha xisbiyada mucaaradka iyo Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ah madaxweynaha J. Somaliland halkey joogeen barigaas? Sadexdooda, kii ogaa wixii la soo maray waa midka ugu damqashada badan marka ay timaado lexejeclada qaranka Somaliland. Waayo waxa uu nala wadaagaa taariikhdu dalku soo maray oo dhamaystiran.

Jiilkii dhashay xiligaas 1988, 1991 iyo 1994  waa dhalin yarada maanta ee ay ugu weynyihiin dada 29 sano jirka ah iyo kuwa 27 jirsaday. Waddanka dadka ku nool tirada ugu badani waa dhalinyaradaas oo aan ku qiyaasi karo 70%. May soo arag xiligii masiibada iyo xaaladi nololeed ee colaada, ee qaxa, barakaca, qoxootiga rafaadka iyo silica ahayd. Taa macnaheedu waxa weeyi shacabka reer Soomaaliland 70% ma garan karaan dhibaatada dagaalka iyo colaadu keeni karaan.

Jiilkaa dhashay xiligaas iyo kuwa maanta galalay xiliga dhalinyarnimada waxa saamayn ku yeeshay noloshooda dagaaladaas waddanku soo maray.  Umay helin nasiib inay helaan nolol u diyaarsan ama ku haboon xiliga dhalinyarnimada ee ay ku jiraan oo ah xiliga ugu xaasaasisan looguna baahida badan yahay. Waxay la kulmeen nolol adag: aqoonsi la’aan si ay u gartaan cida ay yihiin iyo sharaftii qarannimo sida baasaboor, shahaado jaamacadeed iyo waddan la aqoonsan yahay oo ay sheegtaan. La’aanta waxbarasho tayo leh oo la goyn karo, shaqo la’aan si ay wax u iibsan karaan iyo waxyaaba kale oo badan.

Taasi waxay keentay in noloshu ay ku noqoto cadaab. Sidaa daraadeedna waxay isku gureen baddaha si ay u tahriibaan oo u raadsadaan nolol tan dhaanta. Inta dalka ku soo hadhay kama dareen duwana kuwa waddankooda uga tahriibay nolol xumada. Uma kala cada kala duwaanashaha xaalada nololeed ee maanta ay ku nool yihiin iyo xaalada colaadeed ee imaan karta hadii dagaal dhoco oo ay maanta Somaliland burburto.

Dadkii waaweynaa ee reer magaalka ahaa intoodii nooleyd, durba way ilaaween taariikhdii waddanku soo maray. Waxa maskaxda iyo maanka ka qaaday qabyaalad. Qabyaaladuna dugsi male waxay dumiso mooyaane. Maagaalooyinkii waxa soo buuxiyey dadkii baadiyaha ka soo guuray oo iyaguna dagaaladii hore ee dhacay aan waayo-aragnimo ka haysan. Halkan waxa soo taagan culimada intooda badan iyo wadaadada oo aan nidaamka dawliga ee maanta (dimoqraadiyada) saluugsan, oo iyaguna mar uun sugaya inay jaanis u helaan xukunka waddanka.

Waxa iyaguna xukunka hunguraynaya waayadan dambe dabaqada salaadiinta iyo hogaamiye dhaqameedyada. Waxa isbadal wayn oo wax u dhimay dalka ka dhacay geeska Afrika. Bariga waddanka aag dagaal ayaa ka furan. Waxa kordhay awoodii Soomaaliya ee is hortaaga horusocodka Somaliland, oo iyadna dhibteeda leh. Waxaas oo dhibaatooyin ah oo is biirsaday waxay nugleeyeen awoodii jiritaanka iyo mustaqbalka umadnimada dadka reer Soomaaliland.

Waxaan uga socdaa midaas, waddan la yabyabayo, miinada intaa leegna ku rakiban tahay, ayey hogaamiyaasha mucaaradkuna, Faysal Cali Waraabe iyo C.raxmaan Ciro dab ku shidayaan. Faysal iyo Cirooy, ma jirto awood kale oo aad ugu hanjabtaan (mid dhaqaale, mid caannimo iyo sharafeed, sharciyad aad dad-weynaha ka haysataa) oo aan ka ahayn inaad kicisaan dhalinyartaa aad xaalkooda ka soo waramay, inaad adeegsataan inta baadiyaha ka soo guurtay oo aan waayo aragnimo u lahayn colaad qaran, iyo inaad hub ka dhigataan inta qabiilku madax maray ee ilawday wixii shalay la soo maray dhibaato iyo halaag.

Waxa iga dardaaran ah, labada hogaamiye, in laga qaado baasaboorada ajanabiga ah, laguna amro inay ubadkooda iyo xaasaskoodana dalka ku soo celiyaan iyagana laga xareeyo baasaboorada wadamada kale ay ka haystaan. Waxaan markhaati ka ahay in wixii dhaca ee xumaan ah ay masuul ka yihiin labada xisbi hogaamiye. Waxaan dhiirigalinaya in la taageero, laguna ixtiraamo shaqadiisa madaxweynaha Jamburiyadda Sl, Muuse Biixi Cabdi, iyo madaxweyne kasta oo dalka soo mara, inta uu ku shaqaynayo  dastuurka. Waxaan ka horjeedaa, in la hoos loo dhigo, la xaasido, la hor ordo, ….. iyo in la dhibo. Aniga oo aan cidna qabiil ku taageerayn kuna mucaaridayn, waxaan halkan ka cadeynayaa inaan ixtiraam u hayno madaxwaynahayaga Mudane Muuse biixi kuna taageersanahay siyaasadiisa. Waxaan cambaaraynayaa siyaasada indho la’aanta, qabyaalada, hunguriga, iyo xaasidka ku dhisan ee labada hogaamiye.

Kaafimedia Hargeisa office.