Wasaarada Shaqa-galinta iyo Arimaha Bushada Maxaa Ka Qaldan?

0
34

Hargeisa (Kaafimedia):-Koox Shaqaale ah Oo Uu Hor kacaayey Agaasimaha Guud Ee Wasaaradaasi Maxamed ilka Case Ayaa 30 Caruur Darbi-jiif ah Gaadhsiiyey Koodhadh iyo Funaanado Huudhaydh ah Timahana Ka Xiray

Agaasimaha Iyo Shaqaalihiisa Ayaa Sidoo Kale Dalbaday 5 Tvii Oo Madax Banaan Oo Uu ugu Tala Galay in ayay Bulshada Gaadhsiiyaan Gargaarka Faraha Guudkooda ah Ee uu U Fidiyey Darbijiifta Dooxa Hargaysa

Lacagta Ku Baxday Adeega Loo Sameeyey Caruurtaasi Darbijiifka ah Sidaan Xoghoose Ku Helay Wasaarada Labada Jawaan Ee Koodhadhka iyo Funaanadaha Waa 150$ Qadada iyo Nin Raysle ah Oo ay Soo Kaxaysteena isu Gayn Waxaa Laygu Sheegay 100$

Isu Gayn Waa Waa 250$ Doller

Bal U Fiirso 5ta-Tv Ee Ay Soo kiraysteen Tv-kasta Waxaa Uu Ku Soo Kiraystay 100$ Isu Gayn Lacagta Tv-yadu Waa 500$ Doller

“Qiimaynta Bulshadaan U Daayey ‘

Socdaal Agaasimaha iyo Shaqaalihiisa Oo Ka Koobnaa Bas Caasi iyo Afar Gaadhi Oo Kuwa Raaxada ah Bal Qiyaas Lacagta Ay isticmaalayaan Wakhtigaa kooban Ee Ay Shaqadaa Fulinayaa!!!

Sidee Ayuu Ahaa Muuqalka iyo Xaalada Darbi jiifku ?

Caruurtii Halkaasi Goobjooga ahaa Oo dhamaantood Ka Koobnaa Wiilal Tiradooduna ahayd 30 Da’adoodana Aan Ku Qiyaasay inta U Dhaxaysa 12 iLaa 19 jir Waxaa Dushooda ka Muuqday Tiif iyo Daranyo Baahsan
Waxaanu Mid Waliba Gacanta Ku Haystay Caagad Xabag (Maandooriye ah) Oo Uu Nuugaayey

Sidee Ayuu Ahaa Adeega Tima jaristu Caafimaad ahaan?

Tima jaruhu Waxa Uu sitay Fiishtii Laydhka iyo Mid Cagafta Timaha ah Oo Uu Dhamaatood Ugu Wada Xiiraayey Caruurta Qaarkood Waxay Madaxa Ku Lahaayeen Canbaar

Qaarkalana Waxaa madaxa kaga Yaalay Oo Ka Muuqday Dakharo Dhiig leh Dhamaantood se Wuu ugu Wada Xiiraayey

Waxaanu Tima jaraha Ka Dalbanay inuu Ka Daayo Waayo Xanuuno Ay Canbaartu Ugu Yartahay Ayay Ku Kala Qaadayaane Hadii Aanad ijiino kale haysan Ugu Yaraan Markuu Mid Ugu Xiirtaba Cagafta Afkeeda Gubo Si Jeermisku Uga dhinto

Waxaanu noogu jawaabay Waar Madaxoodu Waa Wada Uskaga Oo Waxba kala Qaadi maayaan Waanu iska Sii Watay Hawshiisii Loo Soo Dalbaday

Balyaabkan Eega !!!

Wasaaradu Shaqooyinka Ay Qaranka U Hayso Waxaa Ka Mid ah Daryeelida iyo Ka Warhaynta Dadka Danyarta ah iyo Kuwa jilicdasan Een Haysan Cidii Noloshooda Damaanad Qaadi Lahayd

Hase Ahaatee Waxaa Muuqata in Agaasimaha Guuud Masuuliyadii iyo Waajibaadkii Dastuuriga Ahaa Uu uga Faaiidaysanaayo Dano Gaar ah iyo Iska Dhaadhicin Aan Loo Baahnayn.

Suxufi:Yusuf Dool,

Kaafimedia Hargeisa Office.