Aragtida Wasiirka Cusub Ee Arrimaha dibeddu Ka Qabo Waajibaadka Wasaaradda & Qorshaha Isaga U Yaalla.

0
87

Hargeysa, 16 Noofambar, 2018 (Kaafimedia) – Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa Shalay Xilkaa kala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaraddaasi Dr. Sacad Cali Shire oo loo beddelay Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL.

Munaasibad lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Magaalada Hargeysa isla-markaana ay ka qayb-galeen Diblumaasiyiin shisheeye, Madaxda Hay’adaha Ajaanibka ah ee Dalka ku sugan, Wasiirro iyo Marti-sharaf kale, ayaa Wasiir Faratoon uu ka jeediyey hadal dheer oo ku saabsan waajibaadka Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, waxaanu caddeeyay siyaasadda uu ku shaqayn doono.

Wasiir Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Saddexdii Maalmood ee u dambeeyay waxa aad iigu badnayd maxaa ka filaysaa meesha, waxaan u haystaa in aanan meel Cidlo ah oo madhan aanan u imanin, waxaan u imid Wasaarad dhismaysey muddo 27 Sannadood ah, wasaarad ay u kala dambeeyeen khuburo badan, dublamaasiyiin badan, Waxgarad iyo Wasiirro iga khibrad badan, shaqaale khibrad leh oo dibed iyo gudahaba jooga, maaha meel Cidlo ah, waxaan qabaa hawsha ay qabteen iyo Xogta ay hayaan Qolyaha iga horreeyay ay aad u faro badan tahay, ayna taallo, waxaanu qabanayno aanu iyadu ku sallaynayno oo aanu hawsha halkii ka sii wadayno, wixii cusub ee nagu soo kordhaa waa meesheeda, laakiin waxaan qabaa inay xogtii taallo oo Dariiqii la mari lahaa uu jeexan yahay, intaas oo sannadood la waday imikana meeshii ugu sarraysay la gaadhsiiyey.”

Wasiir Faratoon oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay “Wasaaradda Arrimaha dibedda fikirka keliya ee dadku ka qabaan waa inay Ictiraaf keento, haddii Wasaaraddu Ictiraaf ku dhawaaqdo oo ay keentana shaqadeedu way qabatay, laakiin inta aanay Ictiraafkaa keenin waxba may qabanin, laakiin Anigu waxaan qabaa Fikrad taa ka duwan oo ah Wasaaradda Arrimaha dibeddu waxay u taagan tahay in laga midho-dhaliyo dhammaan danaha Somaliland ee dibedda iyo xidhiidhada Somaliland la leedahay Adduunka. Ictiraafka hala gaadho wakhtigiisa, laakiin waxa jira dano badan oo la miisaan ah (Ictiraafka) oo ay tahay in laga shaqeeyo oo la gaadho, si ay Somaliland u horumarto, fikraddaasi waatii aan hore u qabey, taas ayaanuna ku shaqaynaynaa Aniga iyo inta ila shaqaynaysaa..”ayuu yidhi.

Kaafimedia Hargeisa Office.