Madaxweyne Biixi iyo Somaliland: Qaran vs. Qabiil

0
50

Kadib markii loo doortay madaxweynaha J.Sl mudane Muuse Biixi Cabdi, dalku waxa uu galay xaalad cusub oo taban. Marka laga yimaado xaalada Siyaasada arrimaha dibedda oo ay soo wajahday isbadallo siyaasadeed oo ka dhacay gobolka bariga Africa oo dhibaato laxaadle soo gaadhsiiyey meeqaamkii Somaliland ka taagneyd caalamka , waxa Iyana khatar ku jirta tii arrimaha gudaha. Waxaad moodaa in waxyaabo badan oo muhiim u ah jiritaaanka qaranku ay  bilaabeen inay dib u noqdaan, taas oo ay ka mid tahay isku xidhnaantii bulshada (social integration). Iyada oo marmarka qaar aad is odhananyso waddankuba burbur ayuu qarka u saaran yahay. Hadaba maxaa u sabab ah? Ma madaxweynahaa ayey wax ka qaldan yihiin, mise meel kale ayay wax ka socdaan? Maxaa u gaar u ah xukumadda Muuse Biixi oo ay kaga duwan tahay xukumaddii hore oo sabab u noqon kara xaaladda kakan ee uu waddanku galay?

Hadii aan dhaliilo madaxweynaha, inta taageersan ayaa xanaaqaysa, oo inta ka horjeeda ayaa ku farxaysa. Hadii aan ka weeciyo dhaliishana, inta ka horjeeda ayaa ka xumaanaysa. Hadana waxa jira, bulsho dhexdhexaad ah oo ay u muuqato ahmiyadda ay nolosha bani-Aadamka u leedahay qaranimadu. Dagaalkii ayaa bilaabmay! Waa dagaal ay Soomaalidu caado u leedahay. Waa dagaal u dhexeeya Soomaalida iyo dalaayada wada-nooshaha umaddeed. Si kale hadaan u dhigo, waa dagaal u dhexeeya Soomaalida iyo qaranimadda.

Qaranimo iyo qabiil meel ma wada yimaadaan. Qarannimo waa iskukeenis iyo mideyn umadeed si loo wadaago nolol dhamaystiran oo isku filaansho. Qabiil waa qaybin iyo qoqob umadeed si loogu tartamo wixii kheyraad dhexyaala qabiilada, iyada oo midba midka uu ka xoog weyn yahay haraati iskaga reebayo. Labadaa ayaa dagaalamaya. Waa qaran iyo qabiil. Qaranku waxa uu rabaa inuu qarameeyo (nationalization) qabiilka. Qabiilkuna waxa uu rabaa inuu qabiileeyo (tribalization) qaranka.

Qaranimadu waa mid aad u qiimo badan sidaa darteed, ma sahlana hanashadeedu. Awooda iyo go’aanku waa hal meel kaliya oo la doortay oo ay tahay inay ka awood badnaato cid kasta oo kale oo xuduudeeda ku dhex sugan. Awood u leh, inay qaabayso qaab nololeedka (lifestyle) iyo  fikirka (attitude) bulshadaas. Awood u leh inay ilaaliso xuquuqda shaqsiga sida qofka naftiisa, maalkiisa, xoriyadiisa iwm. U igman dhismaha horumarka cidii dirsatay iyada oo laga shaqaynayo ilaalinta amaanka, kobcinta dhaqaalaha, horumarinta waxbarashada, caafimaadka, siyaasada, iyo xaqiijinta joogtaynta nidaamka umadnimo ama dawladnimo.

Qabiilku waa fikir hoose marka loo eego qaran oo mideeya koox, ka sunta kooxdaas inta kale, balantiisu tahay in uu iska difaaco kooxaha (qabiiladda) kale, buuggiisa aanay ka maqneyn in uu weerar qaado si uu u dhoco kooxaha kale ee ka itaalka yar. Isku duuduub oo waa kooxo midba dantiisa goonida ah wato. Malaha siyaadsad horumarsan oo wax ka tari karta wada noolaanshaha iyo is dhexgalka bulsho. Waa hab dhaqan isgaashaan buureysi oo bilaabmay xiliyadii ugu horeeyey ee bani-Aadamka (kumanaan sano ka hor) sida xiliyadii ugaadhsiga iyo qadhaabsiga. Si kale hadaan u dhigo, waa dawlado yaryar oo cawaan ah oo ku dhex yaala waddan yar oo curdin ah.

Waa khatar, looga faa’iideysan karo siyaabo qaldan oo liddi ku ah dawladnimada casriga ee maanta aan haysano. Waxaa adeegsada kooxo badan oo bulshada ka mid ah. Waa siyaasiyiinta si ay danahooda u gaadhaan. Waa sida Cabdiraxmaan ciro, gud. Xisbiga WADANI iyo Faysal Ali Waraabe, gud. Xisbiga UCID. Waxay cugatay ayay ka cabaadaa. Doorasho ayey galeen. Waa laga guulaystay. May hambalyeyn. Umadii oo marka horeba la isku yabyabayey ayey kala qaybiyeen. Intey ka gudbeen qabiilaysi ayey siyaasad bariyeyn iyo galbeedeyn ah isticmaaleen. Madaxweynihii la doortay ayey u hanjabayaan. Xamasta, caruurta, iyo wax ma garatada ayey ku kicinayaan. Waxaan laga filayn ayey la yimaadeen. Waxay qayb wayn ka yihiin sababaha keenay in wax badani dib u noqdaan.

Waxa hub ka dhigta kuwa raba inay baad ka qaadaan dawlada. Waa hogaamiya dhaqameedyada, oo ah kaabe qabiillada, sida boqorrada, sulaadiinta, caaqillada iwm. Todobaadkii 1aad ee bishan 11aad, 2018, ayey ahayd markii ay hogaamiya dhaqameedyo ka soo jeeda Bariga Soomaaliland ay ku dhawaaqeen inaanay la shaqayn doonin xukumada Soomaaliland  hadii aanay danahooda u fulinin. Waa niman ka hadlaya hungurigooda iyo danahooda gaarka, oo ku hadlaya afka umad baaba’san oo nolol adag ku nool.

Hab dhaqanka labada gudoomiye ee xisbiyada mucaaradka, baaqa hogaamiya dhaqameedyada ka soo jeeda Bari, iyo dareenada aan ku dhisneyn cilmiga, caqliga iyo diinta Islaamka ee ay qabaan qabiilada qaarkood waa calaamado sheegaya dagaal. Waxa bilawga dagaalkii Qaranka iyo qabiilka, sidii caadada u ahayd Soomaalida. Shakhsiyaad dhawr ah oo Bariga Soomaaliland ka soo jeeda ayaan waydiiyey su’aal ah, ‘waa maxay sababta aad ugu kacsan tihiin madaxweyne Biixi.’ Waxay ka sinaayeen laba arrimood oo ah in ay tahay in uu madaxweynuhu soo booqdo gobolada bariga, maadaama uu madaxweyne u yahay umada Soomaaliland oo dhan. Iyo arrin labaad oo ah in ay tahay in madaxweynuhu furo albaabka madaxtooyada. Markaan sii waydiiyey maxaad uga jeedaan hadalkaasna, iigu jawaabay hadal macnihiisu ahaa waa in uu qasnadaha furo, oo dadkii ay madaxdii ka horeysayba wax siin jirtay uu siiyo.

Arrinta 1aad ee ay soo bandhigeen, waa wax macquul ah in lagu doodo, laakiin aan u  muuqanin wax qaran loo dumiyo ama lagu andacoodo gooni-goosi iwm. Waa mid labaad oo cadaynaysa in ay dagaalamayaan qaran iyo qabiil. Mida labaad ee ay soo bandhigeen, waa arrin cadeynaysa Iyana in qabiilku rabo inuu baad ka qaado qaranka. Sida saxda ah hadaan u dhigo, qabiilka oo dhan wax ma gaadhayaane, waa baada jeebka in uu ku shubto rabaa waa shakhsiyo ay u afduuban yihiin qabiiladoodu. Waxaan xasuusta rayi dad-waynihu qabaan oo ah in Faysal Cali Waraabe, marka dawladu wax u dhiibtana uu aamuso, marka wax loo dhiibi waayana uu mucaarad adag isku badalo.

Waxaynu ognahay in qabiilku waligiiba sidaa ahaa. Qabiilku maanta ma uu dhalan. Maxaa is badalay? Sidaan kuu sheegay waxa dagaalamaya qaran iyo qabiil. Madaxweyne Biixi waxa uu dhaxlay Somaliland nooc ah. Soomaaliland uu ka adkaaday qabiilku. Nooc dawladnimo u eeg laakiin aan ahayn. Nooc dadku la qabsadeen oo ah dawladnimo macnaheedu lumay. Dawladnimo diciif ah oo ay ku shaqaystaan, shakhsiyaad wakiilo u ah qabiillada. Nooc dawladnimo, qabiilku hogaanka u hayo, maalo, baado, ku tagri falo.

Madaxweynayaashii isaga ka horeyey, waxay ahaayeen kuwo qabiilku ka awood badan yahay. Muuse waxa uu muuqdaa iskala wayn qabiilka. Waxa kaliya ee taas lagu badalan karaana waa qaran. Waa shakhsi ay ku wayn tahay dhisme iyo horumarin qaran. Waxa noola muuqdaa qof rabaa inuu dhiso qaran awood badan. Wuxuu rabaa inuu qabto wixii loo igmaday ee ay ahayd in ay qabato dawladi. Waxa uu wadaa waxa loo yaqaano qaramayn (nationalization) iyo hay’addayn (institutionalization). Waxa uu doonayaa in uu baabiyo qabiileyn (tribalization) iyo shakhsiyeynta xilalka dawaliga (personalization of governmental authority).

Taasi waxay ka cadhaysiisay qabiilkii iyo shakhsiyaadkii ku adeeganayey dawliadnimada, waayo qabiil iyo qaranimo meel ma wada iman karaan. Markasta oo hal talaabo horey loo qaado qaranimo, waxa hoos u dhacaya qabiilka, qabiilkuna ma rabo in uu hoos u dhoco. Waxa uu rabaa inuu isagu taliyo, oo ku taliyo ilaalinta dantiisa, iyo duudsiga danaha iyo nolosha qabiilada kale.

Shacabka Soomaalida ah ee reer Soomaalilanow, waxba idiin tari kari maayaan madax idin raali galisa. Waayo ma haysataan hab dhaqan nololeed oo wanaagsan oo ku haboon nidaamka wada-noolaanshaha umadnimo. Qaran ma nihin ee waxaan anahay dadyow kala qoqoban oo qaybsan oo waxaad u qaybsan tihiin qabiilo kibirsan oo iska wada horjeeda. Garanmaysaan macnaha dawladnimadu leedahay. Garan maysaan waxaad doonaysaan, hadana waad dhibaataysan tihiin, oo abaaro, fakhri baahsan, shaqo la’aan, waxbarasho xumo, caafimaad daro, waddo xumo, iyo dayac badan ayaan qabnaa. Eek a daaya madaxda daacadda ah ee raba inay wax idiin qabtaan amarka, aflagaadada, iyo mucaaraddada aan macnaha ku dhisneyn.

Marka laga yimaado ilaalinta nabadgalyadeena, waxaynu ugu baahanahay dawladnimo sida ubadku ugu baahan yihiin waalid haga. Edbiya, kala dhexdhexaadiya, wax bara, qalad iyo sax u kala sheega, ilaa ay gaadhsiiyaan heer ay ubadkuna hanan karaan masuuliyada ubad kale. Qaranka waxaan u dhisanay in uu ina mideeyo, isku dan ahaano-baahiyaheena anuu midna gaarkiisa u awoodin wada raadsano sida amni, ganacsi xor ah, waxbarasho-isku manhaj, caafimaad, waddooyin, biyo, baasaboor iwm, iskana kaashano difaaca cadawga dibada.

Hay’adaha waxaan u samaysanay in ay ina qorqoraan, ina hagaan, si looga baxo in marba qofkii joogaa uu dabcigiisa, shakhsiyadiisa, inagu hogaamiyo-taasi oo meesha ka saaraysa dan guud. Si ay I noogu suurto gasho hadafyadii aan ka lahayn dawladnimada, aan ku taageerno madaxweynaheena codka lagu doortay horumarinta dalka. Aan ku ixtiraamno in uu inoo shaqeeyo, mudo xileedkiisa kooban, inta uu dastuurka ku dhaqmayo.

W/Q Abdinasir Xassan Muxumed

Nation003@gmail.com

Kaafimedia Hargeisa Office.