Somaliland: Hay’ad ka Digtay In Golaha Wakiilladu Ansixiyaan Xeer Booliiska U Fasaxaya Inay Rasaas Nool Dadka U Adeegsadaan.

0
112

Hargeysa, 16 Noofambar, 2018 (Kaafimedia) – Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadamaha ee HRC oo Fadhigeedu yahay Magaalada Hargeysa, ayaa ka digtay in Golaha Wakiilladu ansixiyaan Wax ka beddel lagu sameeyay Xeerka Booliiska.

Hay’adda HRC, ayaa sheegtay in Xeerka Booliiska oo hore Golaha Wakiilladu u ansixiyeen uu dhigayo in la abuuro Xarun Booliska looga caban karo oo Dadweynuhu u gudbin karaan Cabashooyinka ay Ciidanka ka qabaan iyo inaan Ciidanku Dadka iska xidhi Karin amar Maxkamadeed la’aan, balse Xukuumaddu dib ugu soo celisay Xeerkaasi Golaha Wakiillada, si Xeerkaa loogu sameeyo Wax ka beddel Booliska awood u siinaya inay Dadka Mudaharaadyada sameeya toogtaan ama xidhaan iyagoon amar Maxkamadeed haysan, sidaasi darteed ayaa HRC waxay ku baaqday in Wakiilladu diidaan inay ansixiyaan Xeerkaasi.

Sidaana waxay ku sheegtay War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Hay’addaasi Guuleed Axmed Jaamac (Dafac), kaasi oo isagoo dhamaystiran u qornaa sidan “Xarunta Xuquuqal Insaanka ee Somaliland waxaay ugu baaqaysaa Golaha Wakiiladu inuu diido soo jeedinta wax-ka-bedelka Xeerka Booliiska.

Guddida Arimaha Gudaha ee Golaha Wakiiladu waxay 13kii November 2018 u soo gudbiyeen Golaha wax ka beddel lagu sameeyey xeerkii booliiska ee dhowaan madaxwaynuhu saxeexay. Waxa la filayaa in Goluhu u codayn doono maalinta sabtida ah ee 17ka November.

Xeerka Booliiska waxa Golaha Wakiiladu cod aqlabiyad wayn oo saddex meelood oo laba ah uu ku ansixiyay 3da December 2017 isaga oo laalay soo jeedin hore oo Madaxayne xigeenkii hore dib ugu soo celiyay Golaha. Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ayaa xeerka saxeexay 26 December 2017.

Ansixinta xeerku waxay ahayd talaabo dhinaca horumarka loo qaaday sababta oo ah Xeerku wuxuu abuurayaa gudi madax banaan oo looga caban karo Booliiska, isla-markaana wuxuu awood u siiyay maxkamadaha caadiga ah inay qaadaan dacwadaha ka dhanka ah Booliiska. Sidoo kale Xeerku wuxuu mamnuucay in Boolilisku u adeegsado xabad nool dad aan hubaysnayn.

Tan iyo markii la saxeexay, xeerka lama dhaqangelin.

Wax ka beddelka cusubi wuxuu hoos keenayaa booliiska maxkamadda militariga, wuxuuna baabiinayaa gudida madaxa banaan ee looga caban karo booliiska, isago oo ogolaanaya in booliisku xabad nool isticmaali karo, xidhi karona dadka isaga oo aan haysan amar garsoore.

Wax ka beddelka cusub ee ay dawladdu hadda soo jeedisay waa mid jebinaya dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo halbeegyada caalamiga ah. Difaacayaasha xuquuqal insaanku waxay u arkaan wax ka beddelka cusub inuu yahay isku day la doonayo in looga dhigo Booliiska hay’ad sharciga ka saraysa oo aan cidina xisaabin.

Booliisku maaha hay’ad militari mana aha in la ogolaado in laga dhigo militari. Sanado badan ayaa loo halgamayay sidii loo heli lahaa xeer u noqda aasaas dib u habayn haboon oo lagu sameeyo booliiska. Markii Xeerkii la ansixiyay, dawladdu waxay diiday inay dhaqangeliso xeerkii, haddana waxay soo gudbisay wax ka beddel kakan.

Xaruntu waxay ka codsanaysaa xubnaha Golaha Wakiilada inay diidaan wax ka beddelka Xeerka oo ay la saftaan dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, isku xukunka sharciga iyo xuquuqal shacabka reer Somaliland ee soo doortay.”

Kaafimedia