Somaliland Oo Soo Dhaweysay Gogosha Nabadeed Ee JIGJIGA Loo Dhigay Labadii Beelood Ku Dagaalamay Koonfurta Gobolka Sool.

0
30

Hargeysa, 19 Nov, 2018 (Kaafimedia)-Guddoomiyaha Golaha Guurtida JSL Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa soo dhaweeyey gogosha nabadeed dalka Itoobiya loo dhigay labadii Beelood ee walaalaha ahaa ee dhawaan ku diriray deegaanka Dhumay ee Koonfurta Gobolka Sool ee Dalka Somaliland.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida JSL Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ugu horreyn ka hadla

y sida uu arko Gogosha nabada ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya u dhigtay magaalada Jigjiga labadii beelood ee dhawaan ku diriray deegaanka Dhumay ee Koonfurta Gobolka Sool, waxaanu yidhi, “Haddii cid kale gashay oo ay guul ka keenayso raalli ayaanu ka nahay, Jigjiga maahee miyaa bad-weyn loola kaco raalli ayaanu ka nahay, ciddii xal keenaysaba raalli ayaanu ka nahay waananu ka sugaynaa”.

Guddoomiyaha Golaha Guurtidu waxa kale oo uu ka hadlay kaalinta nabadaynta ee Somaliland, “Weftigeenii wuu ku maqan yahay oo waad ogtihiin, dawladiina way ku maqan tahay”. Waxaanu intaasi ku daray heerka wada shaqaynta Xukuumadda iyo Guurtida oo mudanayaasha qaarkood dhaliileen, “Anigu, maan garan gollayaal (Guurti & Xukuumad) kala hadhay ee maalin walba way wada socdaan”.

Saleebaan waxa kale oo uu ka jawaabay in colaadaha soo noq-noqday wax ka qabashadooda in kaalintii Guurtidii ku laheyd ay ka gaabisay oo mudanayaasha qaarkood Shirguddoonka ku eedeeyeen, “Haddii aynu dammin kari weyno oo ay qabaa’ilkii innaga adkaadeen aynu orodka kordhino oo aynu is cannaano waan qaadanayaa, laakiin maanta ka dib waxba lagama qaban ha ii celinina, oo hadda ayaa lagu maqan yahay oo shalay ayaa lagu maqnaa oo ciidammadii ayaa kala dhex fadhiya, waxaanay arrintu ku dhan tahay aan kordhino orodka oo wixii la xukumay hala dhameystiro waa qodob aan qaadan karo, marka laga soo noqdona wefti kalena waynu u diri, balse meesha hadal ma daweeyee waxa loo baahan yahay wax qabad, taana looma hawl yara oo mar kasta waa loo gar naqaa oo way isku soo noqdaan”.

Guddoomiyaha Golaha Guurtidu waxa kale oo uu iftiimiye heerka hubka ay isku adeegsadeen labadii beelood ee walaalaha ahaa ee dhawaan ku diriray deegaanka Dhumay, “Hubka layskula tagey waa afartameeyo Qori oo gaadiid saaran oo aan aheyn kuwo degta lagu qaato ee waa kuwo uu ciidanka oo keliya uu haysan karo”. Ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Guurtida JSL

Kaafimedia Hargeisa