Golaha Wakiillada Oo Ka Doodaya In Adeegsiga Rasaasta Nool Laga Saaro XEERKA BOOLISKA

0
28

Hargeysa, 26 Noofambar, 2018 (Kaafimedia) – Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Shalay guda-galay Dood adag oo ay ku yeelanayaan Xeerka Booliska, kaasi oo ay hore u ansixiyeen, balse Xukuumaddu dib ugu soo celisay, si looga saaro qodobbo ay Xukuumaddu salluugtay.

  • Xeerkan oo markii hore Golaha Wakiilladu ansixiyeen isagoo ay ku jiraan Qodobbo Mamnuucaya in Booliisku Rasaas nool u adeegsadaan Shacabka, ayaa Xukuumaddu doonaysaa in Xeerka laga saaro Qodobbada uu kaasi ka mid yahay, isla-markaana dib loo ansixiyo.

Xildhibaannada ka qayb-galay dooddii Shalay ee golaha Wakiillada ayaa qaarkood soo jeediyeen in Xeerka laga saaro Qodobka Mamnuucaya in Booliisku Rasaas nool u adeegsado Shacabku hadduu sameeyo Mudaharaaddo, halka Xildhibaanno kalena soo jeediyeen in sidiisa lagu daayo.

Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid oo ka mid ah Mudanayaasha Doodda ka qayb-galay ayaa yidhi  “Guri ay aheyd in Waaran lagu galo haddii  Waaran la’aan lagu galo waa fal-damiyeed uu Boolisku sameeyay iyo ku xad gudbid, Markaa Ciqaabihii ka dhalanayey xeerkii waajibiniyey kee buu noqonayaa…”

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan-dheere) ayaa isaguna soo jeediyey “Hadduu Boolisku wax qabanayo wixii isagoo Gacmaha kula jira lagu qabto mooyaane, wax alaale iyo wixii kale waxay u baahan yihiin in Maxkamadi goyso Waarankiisa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Qodobka 16-aad, farqaddiisa 7-aad oo ah Farqadda Mab’da ahaan hoggaaminaysa qodobkan haddii laga saaro waxa buraya ujeeddadii qodobkaa, markaa yaan laga saarin Farqaddaa 7-aad oo ah ‘Boolisku xabbad nool uma adeegsan karaan Dad aan hubaysnayn, hadday dhacdayna waxa masuul ka ah Ciddii amarkaa bixisay.”

Mudane kale oo ka mid ah Golaha Wakiillada ayaa isaguna dooddiisu u dhignayd sidan “Annagu ma odhan karno Shacabka Xabbad nool ha lala dhaco, Dastuurkuna wuxuu dammaanad qaaday inaan Qofka la dilli karin, la xidhi karin, haddiise la yidhaahdo Dadka Xabbad nool ha lala dhaco, taasi waxay gef ku tahay Dastuurkeena iyo Xuquuqda Aadamaha ee caalamiga ah, waxaanan aaminsanahay in Ciddii sidan Xeerkan u soo dhigtay inuu diyaar u yahay gabood-fal Xuquuqda Aadamaha, markaa waxaan soo jeedinayaa in sidii hore ee uu saxda ku ahaa lagu daayo…”ayuu yidhi.

Xeerkan ayaa ka mid xeerar uu hore Golaha Wakiilladu u ansixiyey, isla markaana uu saxeexay Madaxweyne Muuse Biixi, sidaasi awgeedna uu haddana muddo yar ka dib loogu soo celiyey Golaha Wakiillada.

Kaafimedia