Guddoomiyaha Guurtida Oo Ka Hadlay Doorka Warbaahintu Qaranka Ugu Jirto

0
30

Hargeysa, 26 Noofambar, 2018 (Kaafimedia) – Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa Xildhibaannada Golahaasi u soo jeediyey in la dhiiri-geliyo Warbaahinta si ay hore ugu soo wadaan horumarinta ay Qaranka ugu jiraan.

Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan oo Shir-guddoominayey Fadhigii Shalay ee Golaha Guurtida, ayaa isagoo hal-celinaya cabasho xildhibaannada qaarkood ka muujiyeen in aanay Wargeysyadii Hargeysa ka soo bixi jiray aanay bilihii u dambeeyay sidii Caadiga ahayd u soo bixin, ayaa sheegay in Warbaahintu u baahan tahay in lagu dhiiri-geliyo shaqada ay Ummadda u hayaan, halkii lagu canaanan lahaa khaladaad ay sameeyaan, waxaanu yidhi isagoo arrimahaa ka hadlaya “Nimankan Warbaahintu way wanaagsan yihiin, Jariiraddu miyey soo baxaysaa haddaan laga iibsan, isku heli maysaan Jariiraddu ha soo baxdo iyo qiimaheeda ku iibsan mayno.”

Guddoomiyuhu wuxuu soo jeediyey in la iibsado Wargeysyada ka soo baxa Caasimadda “Wax badan oo ka xun ba waynu ku qasirnaa (Lacagta) ee aynu ogolaano (iibsiga Jaraa’idka)…” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in Warbaahinta ay Wargeysyadu ka mid yihiin ay Hay’adaha Qaranka ka mid yihiin “Jaraa’idku waxay ka mid yihiin Hay’adaha Qaranka, dhallinyaro way yihiin (Suxufiyiintu), laakiin Anigu waxaan qabaa inay dedaal badan wadaan, Warka way innaga dhergiyaan, waxogaaga ka dhiman ee dalabta ahna (way ka gudbi)…”

Ugu dambayn, Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan wuxuu soo jeediyey in la dhiirigeliyo Warbaahinta Somaliland “Waxaan soo jeedinayaa inaynu dhiiri-gelino.”ayuu yidhi.

Kaafimedia Hargeisa Office.