Bare Sare. Cabdisalaan Yaasiin Oo Nasiib-darro weyn Ku Tilmaamay Golaha Wakiillada S/land.

0
19

“Way Jiraan Waddamo Inala Mid Ah Oo Ay Doorashooyinku Dib-U-Dhacaan, Laakiin Inay Dhawr Iyo Toban Sano Qaar Shan Loogu Talogalay [Golaha Wakiillada] Fadhiyaan, Guurtidu Iska Fadhido Uun, welibana Mushaharka Kordhistaan innagoo dadkii Masaakiinta ahaa Arkayna Xaaladoodu Siday Tahay..”

Hargeysa (Kaafimedia ) Prof. Cabdisalaan Yaasiin oo ka mid ah siyaasiyiinta madasha wadatashiga iyo toosinta qaranka oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa nasiib-darro ku tilmaamay golaha wakiillada Somaliland oo loo qorshaynayo in muddo kordhintii 5aad loo sameeyo. Prof. Cabdisalaan Yaasiin waxa uu sheegay in muddo kordhin markii shanaad ah oo loo sameeyo golaha wakiillada ay hoos u dhigayso sumcadda Somaliland ku leedahay dunida. “waa ayaan-darro aad iyo aad u weyn in mar shanaad loo kordhiyo golaha wakiillada. Waa arrin aynnu dhaqan ka dhiganay runtii, Somaliland oo dhan ayayna ceeb ku tahay.” Ayuu yidhi Prof. Cabdisalaan Yaasiin

Waxaanu intaasi raaciyay “shacabka, dabcan waxbuu dooranayaa oo isaga masuuliyad toos u saarani ma jirto, laakiin masuuliyadu waxay saaran tahay, waa xisbiyada iyo xukuumadda iyo goleyaasha laftooda. Waxa kale oo ay masuuliyadu saaran tahay oo ay tahay inay ka muuqato, dastuurkeenna, waayo cilada dastuurka ku jirta waxa weeye, dadkani iskamay fadhiyeen haddii ay dastuurka ku jirto muddo iyo qaab loo kala dirayo, laakiin waxa aad moodaaba in aan dastuurka lagu darin markii la samaynayay, qaab look ala diro goleyaasha, badalkeeda taas waxa lagu daray qaab wax loo kordhinayo, siiba guurtida loogu daray inay kordhin sameeyaan.

Prof. Cabdisalaan Yaasiin waxa tilmaamay sida hannaanka dimuqraadiyadda ay uga soo horjeedo, korodhsiimada, maadaama Somaliland inta badan sheegato hannaanka dimuqraadiyadda. “Muddo kordhintu waa ay ka soo horjeedaa Dimuqraadiyadda, waayo marka aad leedahay dumuqraadiyad iyo doorashaan galayaa, waxay tahay in waqti loo qabto, waqtigeedaasna lagu qabtaa, haddii waqtigeeda lagu qaban waayo macno badan samayn mayso. Waa ay dhacdaa mararka qaar in waddamo badan oo innaga nala mid ah doorashooyinku dib u dhacaan, laakiin inay dhawr iyo toban sanno, qaar loogu talogalay shan sano inay fadhiyaan ay fadhiyaan saddex iyo toban sanno, guurtidu inay iska fadhido uun oo waliba oo waliba mushaharka kordhistaan, masaakiintii oo aynu arkayno xaaladoodii siday tahay.” Ayuu yidhi

Prof. Cabdisalaan Yaasiin waxa uu u soo jeediyay xisbiyada qaranka inay ka tagaan isjiidjiidka oo ay dabciyaan waxa ay isku hayaan, gaar ahaan dhinaca xukuumadda.

Kaafimedia Hargeisa Office.