“Dadweynaha Somaliland Waa Mid, Mucaarad Iyo Muxaafid Ba Muuse Ayaa Madaxweyne U Ah”.

0
29

Hargaysa (Kaafimedia)- Xildhibaan Dayib Xasan Boobe iyo xildhibaan Aaxmed Maxamed Diiriye Nacnac oo ka tirsan golaha Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiilada), ayaa sheegay in bulshada Somaliland ay tahay mid keliya oo ah qaran qudha oo Somaliland ah, mucaarid iyo muxaafid na uu madaxweyne u wada yahay Madaxweyne Muuse Biixui Cabdi, isla markaana ay ku garab taagan yihiin shaqada uu qaranka u hayo.

Waxaa kale oo labada mudane ay ku bogaadiyeen mdaxweyne Muuse socdaalka shaqo ee uu ku marayo gobolada bari oo ay tilmaameen in ay tahay mid loo baahnaa oo xilgeedii uu Madaxweynuhu ku tegay goboladaas.

Waxaanay ku hambalyeeyeen bulshada goboladaMadaxweynaha qaranku socdaalka shaqo ku maray sida qarannimada le ee ay u soo dhaweeyeen oo ay sheegeen in ay tahay mid ay bulshada gobolada bari ku muujiyeen sida ay Somaliland u tahay mid isku duuban oo aan wax la kala qaado ahayn ama aan la kala kaxayn karayn.

Waxaa kale oo ay farriin waano iyo dersi wanaag ah u direen madaxweynaha Soomaaliya oo ay kula taliyeen in uu tiisa hagaajiyo Somalilandna dersi wanaag iyo walaalnimo kula noolaado,haddiii uu qaadan waayanaya ay isaga u taallo.

Ugu horrayn Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac oo shirka jaraa’id e labada mudane ay shalay Hargeysa ku wabteen ka hadlayay ayaa yidhi. “Waxaan ku hambalyaynayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi socdaalka uu ku marayo gobolada bari ee dalka waanan soo dhawaynaynaa si fiican ayaana loogu soo dhaweeyay madaxweynaha dhammaan deegaanada uu maray,waxaanan leenahay madaxweynuhu wuu ku mahad sanyanyahay waanan uga mahadnaqaynaa dadweynaha gobolada ee bari ee dalka sidii ay madaxweynaha usoo dhaweeyeen,Soomaaliya waxaan leeyahay laba dal oo jaara ayaynu nahay wixii ina kala gaadhay waad ogaydeen markaa aynu noqono laba dal oo jaara Farmaajo waxaan leeyahay halkaaga ku ekoow.”

Xildhibaan Dayib Xasan Boobe oo ka mid ah golaha guurtida Somaliland oo isaguna arrimahaa ka hadlaya,ayaa yidhi.“Waxaan ku ammaanayaa dadweynaha ku dhaqan gobolada bariga ee dalka oo si fiican oo heer qaran ah usoo dhaweeyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi,waxaan leeyahay dadweynaha gobolada bari waad ku mahadsantihiin sidii aad usoo dhawayseen madaxweynaha mucaarad iyo muxaafidba Muuse Biixi Cabdi ayaa madaxweyne u wada ah, dadweynaha reer Somaliland waa mid mucaarad iyo muxaafidba waxaanan leeyahay shacabka reer Somaliland aynu garab istaagno kolba ciddii xukunka dalka haysa.”.

Kaafimedia Hargeisa Office.