Maxaad Ka Taqaan Muraayadda Laga Dheehdo Nooca Dhiigga Madaxweynaha?

0
22

Muraayadda Shacbigu Ka Dheehdo Nooca Shakhsiyadda Hoggaanka Dalka.(xaafad iyo qaran)

Hubaashii Dhammaanteen Dalkeena Somaliland Waynu Wada Jecelahay.

Madaxweyne Kasta Oo Doorashada Kadib Kursiga Fuula,Waynu Soo Dhowaynaa,Waxaynu Diyaar U Nahay Inaynu Is Garab Taagno.

Waxaynu Jecelahay Inuu Dhiso Xukuumad Dalka Iyo Dadka Somaliland Oo Dhibaatooyin Badan Kasoo Gudbay,Cadaalad,Sinaan,Iyo Horumar U Horseeda.

Waxaynu Jecelahay Inuu Madaxweynahaasi Noqdo Mid Ka Fayow Cudurka Qabyaalada,Eex Iyo Nin Jeclaysiga,Iyo Cid Inuu Fogeeyo Ka Dheeraada,Dadka Oo Dhamina Uga Dhigan Yihiin Ubadkiisii.

Hoggaankaasi,Inuu Ka Caafimaad Qabo Qabyaalada,Iyo inay  Qalbigiisa degtay oo uu Ku Dhaqankeeda Dhiiri Geliyo,laba qodob baa u astaan ah.

1-Waxay Shacbigu Dareenkooda Koowaad Ka Qaataan Xubnaha Xukuumadda Uu Soo Dhiso.

2-Dareenkooda Labaad Ayaa Kadib Taas Waxa Ay Diirada Ku  Saaraan,Qasriga Uu Madaxweynuhu Dalka Ka Maamulo,Iyo Tirada Masuuliyiinta Gudaha Madaxtooyadiisa Sinaanshaha Saamiga Beelaha Ee Ka Jira.

Waxa Laga Yaabaa Shacbigu Iyaga Oo U Jeeda Xubnaha Masuuliyiinta Hay’adaha Dawladda Ee Xukuumada Uu Soo Dhisay Madaxweynuhu In Dheeli Tir La’aan Badani Ka Jirto,in aanay hadana durtaba balse ka rajo dhowraan bal inuu is garto oo tallaabadaas wax ka bedelo.

Hase Yeeshee Xubnaha Maamulka Qasriga Madaxtooyada,Waa Muraayadda Shacbigu Ka Daalacdo Nooca Shakhsiyadda Dhabta Ah Ee Madaxweynaha.

Waa Halka Ay Ka Helaan Natiijadii Shaybaadhka Nooca Dhiigga Madaxweynaha.

Ee Ay Ka Dhur Sugayeen Intii Muddo Ah.

Waa Halka Ay Ka Helaan Sawirka Himilada Wacan,

Sidoo Kale Taasi Lidkeeda Waa Barta Ay Ka Hagaasto Himiladii Shacbigu Qabay,

Han weynidii ay qabeen, waa halka ay ka saqiirto

Muuqaalka Ay Ka Biyo Diideen Shacbigu Inta Uu Ka Jiro Halkaasna Weligood Hadal Kama Dhegaystaan.

Dhegta way ka maqlaan hawrarta uu shubayo nuxurse uma laha.

Isagaana dhaawacay.

Ma Sax Baa,Mise Qalad.

Sidee Baad U Aragtaan?