Warbixin kooban oo Wax Badan oo Noloshadda Badala Aad Ka Baran doonto.

0
52

Hargeysa  (Kaafimedia)Ayaan waxaa ay ka mid tahay hablaha araga naafadda ka ah ee ku nool magaaladda Hargeysa.

Daqiiqaddaha soo socda markaad akhrido warbixintan kooban waa hubaal in wax badan oo noloshadda badala aad ka baran doonto.

Ayaan waa muwaadin Somalilander ah, waxxaanay dhacdo aad u layaable oo dareen xanbaarsan ay la wadaagtay soo saaraha barnaamijkan Farxaan Maxamed Xidig waxaanay qisadani u dhacday sidan

Ayaan indha la’aanta miyaad ku soo dhalatay mise xanuunbaa keenay?
Maye walaal xanuunbaa keenay, (Bakooro) ayaa i haleeshay markaa labadeydii indhoodba waan beelay.
Hadafka u weyn ee aad nolosha ka leedahay muxu yahay?
Hadafka ugu weyn ee aan nolosha ka leeyahay waxaa weeyaan in aan wax barto, oo aan bulshadeyda kale ee araga qabta aan la jaanqaado.
Wali iskuul ma tagtey? Haa, markaa halkeed waxbarashadda ka gaadhey? waxbarashadii aniga oo saddex bilood marinaya ayuu iskuulkii naga xidhmay, kadib aniga uunbaa waxbarasho waayay.

Intaasi kadib Ayaan maansadan yar ee gaaban ayay dareenkeeda iyo ka dadka kale ee araga naafadda ka ahba ay ku cabirtay waxaany tidhi “In aanan cilmi badan laheyn oo aan cid walba ka hadhay, inuu xasad jiro inaan ley xurmaynahayn, markaan dib u eegeybaan Daahirow damqaday, Haddaan u bandhigo bulshadda baahidayadda guud, filkayo inaanu hiigsanaan rabnaa, dhaliil mooye runtii dhirigalin ma helo, erayo uurkayga gubayaan in badan maqlaa, hadii aan asteeyo erayadda waxaa ka mida, midhka ma hubtide indhoolow ilaaqda daa, miyaaney urugo iyo aheyn eray laga naxaa, aheyn ficil fool xun iyo eray laga fajaco, inaan araggabo hadii Eebe ii qadarey, maxaan galabsaday maxaa gooni leygu xidhay, miyaan danbi galay maxaa leygu diidan yahay, miyaanu xeer jirin miyaanan xuquuq laheyn, miyaanan qoreyn miyaanan qorshaha ku jirin, miyaanan dawladd iyo laheyn shacab ii damqadda, Muuse hanadow halyeygaanu dooranow, hanaan quruxow hogaankii dalkow imaqal, anago isku duuban oo nafadii dalka ah, xaqayagii maanan helin oo waanala xaqiray, adaa xilka noo haye xeeri naafado, xurmay kaa mudan yihiin ee xaqooda mari”Ayay tidhi Ayaan oo ah gabadh araga naafo ka ah”

In yar oo ka mida bulshadda araga naafadda ka ah ayaa fursadd u heshay inay waxbarato, halka, kuwo kale oo baadan wakhtigan aanay suurogal u aheyn inay waxbartaan, kadib markii dugsigii Indhoolayaashu uu xidhmay mana jirto, ilaa iyo haatan rajo laga qabo in dib loo furo.
Hase ahaate waxaa kaliya rajaddan lagu abuuri kara dhismaha dugsiga dadka araga naafadda ah iyo dib u hawlgalistiisa oo qiyaastii ku kacaya lacag dhan, boqol iyo konton kun oo dollar.
Hadaba hdii uu guuleysto mashruucani shan boqol oo qof oo araga naafo ka ah ayaa heli doona fursado waxbarasho, una horseeda fursado iyo horumar nololeed.

Hadaba ugu hagaaji wixii taakulo ah urrurka indhoolayaasha Somaliland oo ku hawlan dib u hawlgalinta dugsiga indhoolayaasha Somaliland.

Khadar Horyaal

Kaafimedia Hargeisa office.