Weedha Wargeyska Ha Wareegto Giraantu Waxay Qaado Ha Weydo.

0
21

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maalmihii ugu danbeeyay-ba socdaal ku marayay qaar ka mid ah gobollada dalka ayaa tilmaamay in aanay wada hadal la geli doonin maamulka Soomaaliya ilaa inta ay ka miyir sanayaan.

Guddoomiyaha xisbiga ugu taageeradda yar ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa markiiba ka daba-qaatay oo go’aankii madaxweynaha durray, Islamarkaana sheegay in wadda hadalkaas uu qayb ka ahaa. “Waxaanu aragnaa hadalkaasi madaxwynaha mid ay caadifadi ka keentay, wada hadalkaasi waxa la bilaabay 2012kii, waxa noo yeedhay oo tallada naga qaybgaliyey madaxweyne Siilaanyo,” Ayuu yidhi Faysal.

Guddoomiyaha UCID oo sida uu sheegay Madaxweynaha beryahan danbe oo dhan ka cadhaysanaa, ayaa la is weydiiyay waxaa gaadhsiiyay in mucaaradadii uu gaadhsiiyo illaa xad Somalia xaggeeda uu ka soo safto, halkii ay ka ahayd inuu midnimmada illaaliyo wixii tabashooyin guddaha ahna aanu u marrin arrin aan isaga khusayn. Waxaa kale oo soo baxay guddoomiyaha UCID waxaa wadda hadalkan ugu jira.

Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xassan ayaa buug xassarad badan oo uu qoray, Islamarkaana dad badani u arkeen inuu tusaalle u yahay fudeyd mudanayaas laggu durri jiray ayaa waxaa uu ku xussay isna oo uu la yaabay Faysal Cali Waraabe oo uu si dad ban u muujiyay in uu ka cadhoodo oo dagaal ku gallo arrin aanu hubsan. Waxaa kale oo ka muuqata in odaygu wax ka jecel yahay wadda-hadalka Soomaalia. Waxaana Xirsi yidhi “Waxay ahayd habeen habeennada ka mid ah markii aannu shir isugu nimi madaxweynaha iyo qaar ka mid ah xubnihii wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya. Mid ka mid ah ayaa soo jeediyey in Faysal Cali Waraabe laga reebo guddida wadahadallada, isaga oo eedaymo u soo jeedinaya. Anigu waxaan jeclaa in labada xisbi mucaaradba nagala qayb qaataan, balse waxaa saddex xubnood oo kale isku raaceen in laga reebo. Go’aankiina sidii ayaa lagu qaatay. Markii shirkii dhammaaday ayaa ninkii fekradda soo jeediyay telefoon u diray oo ku yidhi: Faysal shirkaa waa lagaa reebay! Galabnimadii danbe ayuun baan isku soo baxnay Faysal oo cadhaysan oo hadallo kulul igu boobay. Markii hore waxaan is idhi deji, balse aad ayuu u kacsanaa gudgoomiyuhu. Ugu danbayntii wuxuu ka hadlay warbaahinta isaga oo dhaleecayn iyo maag igu wajahan ka hadlaya, aniguna waan u jawaabay.”

Siyaasiga Cali Maxamed Yuusuf ayaa isna hadalkan Faysal ka jawaabay oo tilmaamay in guddoomiyuhu xiiso dheeraad ah u qabbo. “Faysal keligii ha loo ogolaado inuu ku xiiqo wada hadalka gudhan ee galoofta ah ee la hubo in aan wax natiijo ahi ka soo bixi karrin, waayo aad buu isagu xiiso ugu hayaa inuu mar kasta horfadhiisto cid kasta oo dafirsan xaqa shacbiga Somaliland ay u leeyihiin inay ka tashan karaan aayahooda”Ayuu yidhi Cali.

Waxaana uu intaas ku darray oo uu yidhi Cali. “Weli waxay dabada hayaan waa tii fashilantay lafteedii Somalilandna waxay u arkaan maamul goboleed la mid ah maamul goboleedyada ka jira Soomaaliya ee aan xataa iyaga laftoodu hoos tegin Muqdisho. Farmaajo ma waxa lagula hadlaa isagoo rumaysan in Madaxwaynaha Somalilandna uu madaxwayne ka yahay maamul goboleed ka tirsan dalka uu isagu (Farmaajo) isku wado inuu ka yahay Madaxwayne. Taasi madaxda Somaliland ee ogoli miyaanay ahayn khaayimul waddaniin waayo dee waa khiyaaamo qaran aniga xagayga. Markaa madaxda Muqdisho riwaayadooda beenta ah iyagu ha isu dhigaan oo ha iska daawadaane bal inaga maxaa inooga gidhiish ah? Faysal Cali Waraabana horta shacbiga Somaliland intuu isagu metelaa? Malaha ma oga mise xisaabtu way ka qaldan tahay?”

Qallinku ku tiigaalli maayo, Guddoomiye Faysal mana odhan karno Mr 4%. Waayo, waxaa uu hoggaamiyaa xisbi Qaran intii doontaaba ha taageerto’e. waxaynuse leenahay ku soo laabo Xayndaabka ooh aka gudbin.

Mise xaalkaagu waa heestii odhan jirtay.

Waqal hooray dhankaygaa

nimco waagu iftiimay

wa dhanteedda Xareeda

wabiyaal qulqulaya

Hadaanan la wadaagin

Wal-walkaa dhacayaa

wax ba iima tarayoo

wirinwiir abaariyo

waxba weeyi xagaygee

Ha wareegto giraantu

Wax ay qaado ha weydo.

Dawan

Kaafimedia