“ Adiga Badriyoow Ilaahay Dalka Kaa Qabay ” W/Q Sakariye Sudaysi

0
56

Waa Maalin Isniina Waxaana Lagu Jiray Dabayaaqadii Bishii Actober Ee 2017. Sidii Caadada Ahayd Wardoonkii Maalin laha ahaa Ayaanu Ku jirnay Aniga Iyo Sxbadey Badri Kozar Iyo Ahmed Siciid Maxamed Oo berbera Uga Soo warami Jiray Eryal Tv Oo Aanu Markaas Ka tirsanayn shaqaalaheeda.
Waxaa Maalmahaa Dalka Ka Socday udiyaar Garowga doorashadii Madaxtinimada Oo Xiisadeedu Dalka Si Siman Uga Taagnayd. Waxaanu Raacdada Wardoonkii Nala Galey Hotelka Summertime Ee Magaalada hargeisa. Si Lama Filaana ayaanu Ula kulanay Masuuliyiin Uu Kamid ahaa Madaxweynaha Hadda Ee Somaliland Mud. Muse Biixi Cabdi oo wakhtiga musharax u ahaa xisbiga kulmiye isaga iyo xildhibaan Hanad Oo Ka tirsan Golaha deegaanka Hargeysa.
Kaftan iyo hadalo xiise leh Oo Aanu isku tuurtuurnay kadib fadhiisanay Oo Si caadiya ayaanu xaalada Dalka Uga sheekaysanay. Cabaar woxoogaaya Ka dib ayuu Sxbkay Badri Kosar Musharax muuse Biixi Uga codsadey Waraysi inuu siiyo Oo waliba Ka jawaabo Siyaasiyiinta deegaankiisu waxay kulmiye Uga yaacayaan.

Muse Biixi intuu Qoslay ayuu Yidhi “ Adiga Badriyoow Ilaahay Dalka Kaa Qabay ” Qosol baa laysla Oogay Oo wixii meesha joogayba qaar Si niyada uqosla iyo Qaar Guul wadeeya. Is daad raacin Ka dib O’Day Badri waa Aftahane Haddalo badanbuu la noqday has yeeshee waxaa dhaxal gal noqotay odhaahda kasoo yeedhay Madaxweynaha Oo aanu Hadda kula kaftano Badri koosaar inkastoo aan ku yidhaahdo madaxweynaha indhihiisa iska ilaali haddii kale xadhigbaa ku leh Oo Jeelkaad liinta ku Cabi.\

Sakariye Sudaysi

Kaafimedia Hargeisa Office.