Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Socdaalka Madaxweyne Muuse Oo Xalay U Hoday Burco.

0
18

Burco (Kaafimedia)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo socdaal shaqo maalintii 11-aad galay ku marayey gobollo badan oo dalka kamid ah, ayaa xalay kusoo hoyday magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco.

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo hiirtii hore ee shalay kasoo baqoolay magaalo-madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo, isla markaana kulammo shaqo oo kala duwan ku qaatay magaalooyin tiro badan oo ku teedsan inta u dhaxaysa Burco iyo Ceerigaabo, ayaa xalay fiidkii hore kusoo hoyday magaalada Burco, waxana safarka madaxweynaha faah-faahin ka bixiyey Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Weftiga madaxweynaha oo soo caawa soo gaadhay magaalada Burco, saakana kasoo ambabaxay magaalada Ceerigaabo, waxa uu madaxweynuhu maanta ku hakaday oo uu hawl-maalmeed shaqo kusoo qaatay magaalada Ceel-Afweyn, halkaas oo uu kaga qabgalay dhammaystirka nabadayntii deegaanka Ceel-Afweyn, isaga oo kulamo kala duwanna la qaatay ergooyinkii dhexdhexaadinaysay beelaha walaalaha ah iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Ceel-Afweyn.”

Madaxweynaha iyo weftigiisa waxa lagu soo dhaweeyey dhammaanba magaalooyinka u dhexeeya magaalooyinka Ceerigaabo iyo Burco, waxana uu la hadlay shacabka ku dhaqan magaalooyinkaas oo ay ka mid yihiin Gadh-gumreed, Berkadda Cali Xirsi, War-idaad, Xayira, Ina Af-madoobe iyo Beer, iyada oo dadweynaha ku dhaqan magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco ay madaxweynaha iyo weftigiisa si weyn usoo dhaweeyeen, una gelbiyeen dhinaca guriga madaxtooyada magaalada Burco.

Afhayeenku waxa uu guud ahaanba bulsho-weynta ku dhaqan deegaannada madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayaa socdaalka shaqo ku tageen oo soo dhaweyn aan kala hadh lahayn ku qaabiley, waxana uu safarka madaxweynaha ku tilmaamay mid loogu kuurgelayey xaaladda dalka, isla markaana lagu dardargelinayey mashaariicda horumarineed ee xukuumaddu ka waddo deegaanno badan oo gobollada Bariga dalka ah, laguna dhagax-dhigay mashaariic hor leh oo xukuumaddu deegaannadaas ka hirgelin doonto.

Dhinaca kale Md. Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland wuxuu shalay magaalada Ceel afweyn ee gobolka Sanaag ku dhagax-dhigay xurun cusub oo ay ka dhisanayso Wasaaradda Xanaannada Xoolaha iyo Kalluumaysigu.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa kaloo uu soo maray deegaannada Gadhka Warsame-xaad iyo Berkadda Cali Xirsi oo ka tirsan gobolka Saraar, waxaanu madaxweynuhu magaalooyinkaas ku qaabiley boqolaal qof oo u muujiyey taageerada ay u hayaan xukuumadiisa, waxaanu dhex lugeeyey masaafo dheer iyagoo dadweynuhu ku dhawaaqayeen halku –dhigyo ay niyadsamaan ugu muujinayeen madaxweynahooda.

Madaxweynuhu wuxuu socdaalkiisan oo loogu magac-daray “Nabad iyo Midnimo” uu mashaariic kala duwan ka furay, qaarna ka dhagax-dhigay gobollada Saaxil, Togdheer, Daad-madheedh, Saraar, Sool iyo Sanaag, waxaanu kulamo kala duwan la yeeshay madaxda maamulada gobollada, kuwa degmooyinka, madaxda dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan lixdaas gobol.

Ugu danbayna Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu kormeer ku sameeyey wejiga labaad ee jidka isku xidha magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo oo ka bilaabanta deegaanka Xayira, kuna dhammaan doonta Gar-ciidle.

Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Mudane Cabdilaahi Abokor Cismaan, oo madasha shaqada dhismaha waddadu ka socotay ku sugnaa, ayaa madaxweynaha uga warbixiyey sida ay hawsha dhammaystirka waddadu u socoto, waxana uu shaaciyey inay ku dedaalayaan sidii ay u dhammaystiri lahaayeen wejiga labaad ee waddadaas oo haatan meel fiican maraya.

Madaxweynuhu waxa uu indhihiisa ku arkay habsami-usocodka fiican ee shaqada loo wado, isaga oo shaqaalaha wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadkana ku dhiirrigeliyey sida wanaagsan ee ay xilka iskaga saareen inay qabyo-tiraan waddadaas qaranka halbawlaha u ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu si mug leh u bogaadiyey masuuliyiinta iyo shaqaalaha wasaaradda Hawlaha guud iyo horumarinta sidadka, waxana uu ku dhiirrigeliyey inay laban-laabaan dedaalkooda, isla markaana maanka ku hayaan in wixii ummaddu qabsato guul lagu gaadhi karo, isagoo caddeeyey inuu si dhaw ula shaqayn doono, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Waan hambalyeynayaa wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, si gaar ahna waxan u hambalyeynayaa, farsamada waddooyinka, waxana aan idinku bogaadinayaa in muddadii sanadka ahayd aad dhammayseen 57-KM, haddii Toddobadii biloodba intaas la dhammeeyo, waddooyin badan baa inoo dhammaanaya, innaga oo wax qabsanno mooyaane cidina waxba inoo qaban mayso, dal walbana dadkiisa ayuun baa dhista, aad iyo aadna waan idiin bogaadinayaa, waanan idinla shaqaynayaa.”

Kaafimedia Hargeisa Office.