Maxa Sobobay Dib Dhaca Doorashooyinka Wakiiladda Iyo Deegaanka Somaliland Halkan Ka Akhriso?.

0
30

Hargeisa (Kaafimedia)Akhriso Warsaxaafaddeedka ay Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland ay Madaxweynaha Warqada ugu direen in Doorashadii Golayaasha Wakiilada iyo Deegaanka dib u dhac Ku yimid

CAQABADAHA

KDQ markii uu diyaariyey dhammaan qorsho hawleedyadii waxa ka hor yimi caqabado badan oo isugu jira, kuwo Sharci, Dhaqaale iyo muranno Siyasadeed, oo ka horyimid shaqadii, diyaar garowgii iyo geedi-socodkii Doorashooyinka.

Caqabadahaas waxa ka mid ah ;-

  1. Xeerarka Doorashooyinka;- KDQ wuxuu isku-dhaf iyo kaabis ku sameeyey bishii May 2018, Xeerarkii Doorashooyinka, kadib markuu la tashaday daneeyayaasha kala duwan ee arrimaha Doorashooyinka. Xeerarkaas oo aan weli la ansixin oo ilaa maanta horyaala Golaha Wakiillada
  2. Saami-Qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiilada; Sida laga warqabo waxa mudo dheer caqabad ku ahaa qabsoomida Doorashooyinka Golaha Wakiillada arrinta Saami Qaybsiga Gobolada oo ilaa maanta aan xal loo helin.
  3. Wadashaqayn la’aanta Xisbiga Waddani; wuxu bishii March 2018 ku dhawaaqay in uu joojiyey wadashaqayntii u la lahaa KDQ taas oo ilaa hada taagan.
  1. Is-faham la’aanta xisbiyada; Waxa jiray dedaalo ay wadeen xisbiyada Qaranku oo ay doonayeen inay kaga wada-hadlaan arrimaha Doorashooyinka, ilaa haddana aan dhamaystirmin.
  2. Miisaaniyada Diiwaangelinta iyo Doorashooyinka ;Xukuumada Somaliland waxay bixisay qayb kamid ah miisaaniyadii, lakiin markii uu abuurmay Jawiga aanu kor ku soo sheegnay waxa adkaatay in la wada helo dhammaan miisaaniyadii Doorashooyinka oo qayb ka mid ah ay bixin jireen qaadhaan-bixiyayaashu.

Kaafimedia Hargeisa Office.