“Somaliland Waa Dal Aanu Walaalo Nahay Balse Waxa Jira Dad Ka Shaqeeya Kala Dilka Dadka” Safiirka Dalka Jabuuti.

0
54

Hargeysa (Kaafimedia):- Qunsulka dalka Jabuuti u fadhiya Somaliland Xuseen Cumar Kawaaleeye ayaa shaaca ka qaaday in ay xirsi-xijaab ka samaysan doonaan Gudoomiyahan xisbiga UCID Faysal Cali waraabe.

Kawaaleeye oo shalay warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisa iyo dadkiisa Jabuuti yihiin kuwo si weyn u xaqdhowra dalalka deriskooda ah, waxaanu yidhi, “Annagu haddaanu nahay dalka Jabuuti, waddan derisnimmada dhowra ayaannu nahay, waddan ummadaha jaarka iyo adduunweynaha ba tixgeliya ayaannu nahay.’

Danjire Kawaaleeye ayaa shaaca ka qaaday in horumarka dalkiisu gaadhay hormood u yihiin Madaxweynaha Jabuuti iyo Marwadiisa Khadra, waxaanu yidhi, “Horumarka dalkayagu gaadhay waxa hormood u ah Madaxweynaha Jabuuti Md Ismaaciil Cumar Geele iyo Marwadiisa Khadra Maxamuud Xayd iyo xukuumadiisa, waxaanay u dedaalayaan waa horumarka waddankooda,” ayuu yidhi.

Xuseen Cumar Kawaaleeye, waxa uu intaasi raaciyay “Jamhuuriyadda Jabuuti, hadii ay Dekedo badan leedahay, 9 dekedood ayaa Jabuuti ka socda, in dhamaatay, inna dhamaad ayey ku dhowdahay, inna waa la wadaa, waxaana hormood u ah Madaxweynaha iyo Marwadiisa oo ku hogaamiya waddanka maamul-wadaag, iyo wada-noolaasho iyo ixtiraax aduun-weynaha iyo waddamada jaarka ah,”

Qunsulka dalka Jabuuti u fadhiya dalka Somaliland Md Xuseen Cumar Kawaaleeye ayaa faahfaahin ka bixinayey iskaashiga dalkiisu la wadaago Somaliland, waxaanu yidhi, “Halkan Somaliland waa dal aanu walaalo nahay, balse waxa jira dad marwalba telefishanada afka ku haya jamhuuriyadda Jabuuti, oo kala dilka dadka ka shaqeeya, oo ah Faysal, waxaan leenahay ummadayada shaqsi ma kala dili karo.” ayuu yidhi. Isaga oo raaciyey “Waxaanu leenahay deris-wanaaga ha laga shaqeeyo, horumarka ha laga shaqeeyo, danteenu danta caamka ayey ku jirtaa, ixtiraamka dawladaha jaarka waa in la dhowro.”

Md Xuseen Cumar Kawaaleeye, Qunsulka dalka Jabuuti ayaa ugu baaqay Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal inuu ka waantoobo hadal-haynta madaxda dalka jabuuti, waxaanu yidhi, “Waxaan leeyahay, Haddii Faysal ku waashay, Madaxweynaha Jabuuti iyo Marwadiisa Khadra Maxamuud Xayd iyo dalka Jabuuti Xirsi-Xijaab ayaan uga qoraynaa.”

Kaafimedia Hargeisa Office.