“Xubnaha Komishanka Intooda badan xisbi gaar ah ayaa soo xushay doorashadii kaliya ee ay qabteena…,” Xisbiga Waddani

0
35

Hargeysa (Kaafimedia):- Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa waxaa ay si adag uga jawaabeen dib u dhaca doorashooyinka wakiilada iyo deeganka ee ay shalay ku dhawaqeen Kominshanka doorashooyinka Somaliland .

Gudoomiyaha ku Meel gaadha ah  Cabdiqaadir Jirde oo arintani ka Hadley waxaa uu sheegay in dib u dhaca doorashooyinkaas ay masuulyada  ay leedahay xukuumada iyo  madaxweyne Muuse Biixi isla markaana aaney aheyn wax la aqbali karo .

“Xubnaha Komishanka Intooda badan xisbi gaar ah ayaa soo xushay doorashadii kaliya ee ay qabteena…,” Xisbiga Waddani

Xildhibaan  Jirde ayaa cadeeyey in xisbiga Waddani aanu  marnaba aqbali doonin in doorasho danbe ay u qabtaan kominshan doorasho oo qaabkan hada uu yahay loo soo xulaayo.

Kaafimedia Hargeisa Office.