Nuxurka Kulan Dhex Maray Madaxweyne Biixi Iyo Xubno Ka Socoda Midowga Yurub.

0
20

Hargeysa (Kaafimedia) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa Maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ballaadhan oo ka socda midowga reer Yurub oo uu hoggaaminayo Ambassador Fulgencio Garrido oo ah ku xigeenka wakiilka midowga  Yurub u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo xubnaha wefdiga ah ee ka socday midowga Yurub, ayaa kulankooda diirradda ku saaray arrimo dhawr ah oo salka ku haya xoojinta Dimuqraaddiyadda Somaliland ka hana qaadday, wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya, isbedellada siyaasadeed ee Geeska Afrika, iyo arrimo doora oo la xidhiidha horumarinta arrimaha bulshada.

Madaxweynaha iyo wefdigu waxay ka wada hadleen isbedellada siyaasadeed ee ka socda Geeska Afrika iyo sidii uu u noqon lahaa mid nabadeed oo wax wanaagsan ku soo kordhiya mandaqa.

Waxa kale oo kulankaa lagu soo qaaday dhismaha waddada Berbera Corridor ee isku xidhi doonta Berbera iyo Wajaale sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen Midowga Yurub.

Waxa kale oo kulankaasi laga wada hadlay qabsoomidda doorashooyinka wakiillada iyo golayaasha deegaanka, isagoo Madaxweynuhu u sheegay weftiga in ay xukuumaddu dhinaceeda mar hore iska dhamaystirtay wixii looga baahnaa ee dhinaceeda ku xidhnaa.

Sidoo kale waxa laga wada hadlay  biyo balaadhinta magaalooyinka Hargeysa, Burco, Boorama, Ceerigaabo iyo Wajaale,  waxaanay xubnaha weftigu Madaxweynaha ku bogaadiyeen ballan-qaadkii uu Madaxweynuhu u sameeyey biyo ballaadhinta Caasimadda ee dhamayd halka Milyan ee doolar ($1Milyan).

Kaafimedia Hargeisa Office.