Wajiga Cusub ee Siyaasadda Arrimaha Dibadda Maraykanka iyo Isbadalada Ka Socda Gobolka Maxaa Fursado ugu Jira Somaliland? (WQ: Cabdinaasir Ibraahim Saacadaale).

0
45

Haatan ka hor, istiraatijiyadda siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraynkanka ee ku wajahan dunida inteeda kale, gaar ahaan dunida saddexaad  waxa ay ahayd mid ay  xuddun xoog u ahayd arrimaha ay ugu waaweynyihiin la dagaalanka argagixisada iyo fidinta dimuqraadiyaddu.  kuwaas oo inta badan  halbeeg u ahaa cidda (dawladaha) iyo waliba nooca macaamilka uu la yeelanayo.. Si kastaba ha ahaatee, waxa  muuqata hadda in maamulka cusub ee Maraykanku u arko in ay arrimahaasii ahaayeen  qalad laga galay kala hormarinta sida arrimuhu ugu kala muhiimsanyihiin mustaqbalooda isla markaana ay dabreen  horumarka Maraynkan iyo waliba in ay keeneen in  dalal tartan kula jiraa  uga dheereeyaan  meelo badan oo dunida ka mid ah oo ay ka mid tahay qaaraddan Afrika iyo waliba Aasiya.

Taa waxa dheer in lagu hungoobay dimuqraadiyaddii la rabay in laga hirgaliyo dalal badan oo dunida saddexaad ah iyada oo ay caddaatay in aan dimuqradiyad  macno lihi ka suuragalayn dalalka soo koraya ka hor inta aan aqoonta,  dhaqaalaha iyo dakhliga dadyawgaas wax la taaban karaa iska bedalin. Halkeebuu ku dambeeyey Gu’gii carabtu (Arab Spring)? ayaa ah su aasha taagan. Iyada oo dhanka kalena la isla garawsaday in arrinta argagixisadu tahay mid  ka dhalanaysa nooca nidaamyada maamul ee jira iyo heerarka liita ee nololeed ee dadka dalalkaa ku nool isla markaana ay tahay arrin  aan si  fudud looga faraxalan karin muddada dhaw.

Dhanka kale, waxa  isbedal muuqdaa dhawaanahanna ka dhacayay dhanka baahsanaanta awoodda (power distribution), oo waxa soo afjarmayay dunidii “qudbiga” kaliya lahayd. Taasi waxa ay keentay in Istiraatijiyadda cusub ee Maraykanku xisaabta ku darsanaysa  dunida haatan jirta ee ka duwan tii hore oo ah duni ay ka jiraan tartamo xooggan oo dhinacyada dhaqaalaha iyo hubka ahi.  Tijaabadii Ruushka ee dhawaan ee gantaalo shan goor in ka badan ka dheeraynaya xawaaraha codka, qabsashadii Ruushka ee Georgia, tii dhawaan ee qaybo ka mid ah Ukraine, xaaladda haatan ka aloosan Badda Madow,  iyo  sida firfircoon ee uu haatan Ruushku ugu lug yeeshay siyaasadda Bariga Dhexe. Marka lagu daro horumarka badan ee uu Shiinihu ka sameynayo dhinacyada dhaqaalaha iyo ciidanka iyo sida ay saamayntiisu ugu sii fidayso  dunida inteeda kale iyo  gaar ahaan qaaradaha Afrika. Arrimahan ayaa ah  kuwa  qasbay in dib u eegis lagu sameeyo istiraatijiyaddii siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraynkanka iyo hannaankii uu hore dunida soo koraysa ugula  macaamilayay.

Hadaba, istiraatijiyadda cusub ee Meraykanku waa  mid aan sidaa ugu sii sidkanayn xuquuq aadane, argagixiso la dirir, kalitalisnimo-diid iyo ilaalinta deegaanka- oo ahaa istiraatijiyado  ku salaysan nooc  isla toosni iyo dhamaystirnaan ( self-righteousness) ah.  Istiraatijiyadda cusubi waa mid ka duulaysa su’aasha ah danta Maraynkan halkay ku jirtaa?  Dilkii Khashogi iyo sida uu uga jawaabay ayaa tusaale nool u ah baaxadda isbedelka dhacay isaga oo  Trump  muujiyay in su’aalaha anshax iyo  kuwa xuquuqda aadane  ee la xidhiidha dilkii wariye Khashugi ay ka muhiimsantahay xidhiidhka dhaqaale iyo ka amni ee ka dhexeeya maraynka iyo Sacuudi Carabiya.

Sidoo kale, Isbadalkaa ku  dhacay istiritaajiyaddii siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka waxa aad looga dareemi karaa mandaqaddan aynu ku nool nahay ee Bariga Afrika oo dhawaanahan isbadalo isdaba joogi ka dhacayeen, gaar ahaan waddamada Jabuuti iyo Itoobiya.

Jabuuti

Waxa la khadiday lana dhaqangaliyay qaabkii loo yareyn lahaa doorka Jabuuti, oo ah dal si wayn ugu gacan galay shiinaha muddooyinkan dambe, ee dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha ee ay gobolka ku lahayd. Waxa la abuuray gaashaanbuur cusub iyada oo cunaqabatayntii iyo go’doomintii laga qaaday Eritrea lagana qayb galiyay siyaasaddii iyo dhaqaalihii gobolka.  Waxaana sidan la yeelay iyada oo aan tixgalin badan la siin walaacyadii iyo muramadii dhanka xuduudaha ahaa ee kala dhexeeyey Jabuuti habayaraatee…. Intaa waxa dheer, in la ballan qaaday in dhuumo gaasta Itoobiya sida la marin doono marinada badda cas ee Eritrea. Iyada oo arrintan dambena  saamayn la taaban karo oo taban ku yeelanayso dhaqaaalaha Jabuuti.  Waxa sidoo kale muuqata in loo sameeyey Itoobiya laba marin badeed oo cusub oo ay wax kala soo degto oo ah Somaliland iyo Eritrea si loo yareeyo ku tiriirsanaantii Jabuuti….. Jabuuti waa dal dhaqaale ahaan aad uga faa’iiday is haysigii muddada soo taxnaa ee u dhexeeyey Itoobiya iyo Eritrea iyada oo 95% waxyaalaha ay Itoobiya la soo degtaa soo mari jireen Jabuuti, waxase haatan muuqata  in Jabuuti ay cadaw u noqdeen dalal awood badan oo aanay cadaawadooda mahadin doonin.

Itoobiya             

Waxa isbadal lagu sameeyey  maamulkii Itoobiya iyada oo laga dhisay maamul aad ugaga dhaw reer galbeedka kii ka horeeyey ee Shiinaha aad ugu xidhmay.  Isbedelka ku yimi talada Itoobiya waxa uu qayb ka yahay dadaalo ay Washington ugu jirto in wax ka badal wayn lagu sameeyo Geeska Afrika iyada oo laga fogaynayo saamayntii dhaqaale ee Shiinaha oo uu suurogaliyay maamulkii uu Tigreegu hormuudka ka ahaa.

Xidhiidhka dhaw ee uu danaynayo in uu Maraykanku la yeesho Itoobiya maaha mid ku eeg kaliya heer federal, waxaase muuqata in uu danaynayo in uu xidhiidhkaa hoos ugu soo daadejiyo heer gobol iyada oo uu xidhiidho la samaynayo maamulada qawmiyadaha kala duwan.  Waxa taa marag u ah safarkii mar aan sidaa u sii dheereyn uu safiirka maraynkanka u fadhiya Addis Ababa ku yimi  xarunta ismaamulka Soomalida Itoobiya oo ah gobol gaas dabiici ah oo badani ceegaagto iyo farriintii iyo ballamihii  ay xambaarsanayd booqashadaasi.

Si kastaba ha ahaatee, in isbadaladan xooggooda uu Maraykanku wado macnaheedu maaha in aanay Itoobiya iyana dhinacadeeda hoos wadan damacadeedii gaar ka ahaa iyo doonisteedii ahayd in ay iyana isku sii ballaadhiso manadaqadda dhul ahaan iyo siyaasad ahaanba.

Dhanka kalena, waxa uu Maraynkanku xodxodosho iyo soo dhawayn kuwaa hore la mid ah ku wadaa dalalka Sudan iyo Kiiniya iyada oo lagu wado labadanina in ay qayb muhiim ah ka noqdaan xulufadan cusub ee siyaasad-dhaqaale ee laga unkayo  Bariga Afrika. Hassan al Bashiir, madaxwaynaha Suudaan oo haatan ka hor ahaa kali taliye  xasuuqyo ku eedaysan oo Maxkamadda Adduunka ee dambiyadu raadinayso ayaa haatan ku sugan Itoobiya isaga oo qayb ka ah madaxda bariga Afrika ee mid mid xayndaabka Washington loogu soo celinayo. Waxa Iyana mashaariic lacag aad u badani ku baxayso oo dhanka kaabayaasha dhaqaalaha ah uu Maraykanku ka hirgalinayaa dalka Kenya oo uu haatan ka hor Shiinuhu jidad tareen iyo wadooyin waaweynba hore uga dhisay.

Fursadaha Horyaalla Somaliland

Dabaylahan isbedel ee  haatan dunida ka dhacayaa waa qaar dan badani ugu jirto Somaliland. 27kii sanno ee u danbaysay qadiyadda madaxbannaanida Somaliland waxa ay ahayd mid ay isku tuurtuurayeen reer galbeedka oo talada dunida ku kali ahaa  iyo Qaaradda Afrika. Iyada oo marka horeba ay khalad ahayd in loo soo riixo qadiyada madaxbanaanida Somaliland Qaaradda Afrika laba sababboodba awgood. Waa ta koobaade madaxda Afrika halka looga talinayay waxa ay ahayd caasimadaha waaweyn ee reergalbeedka oo kamay madaxbannaanayn taladoodu cidihii hore u gumaysan jirtay. Arrinta labaad ayaa iyana ahayd in aanay dalalka Afrika intooda badani ahayn dalal xasilan. Dal walba waxa ku dhexnool umado si ama si kale aan ugu qanacsanayn sida ay wax u socdaan oo raadinaya fursado aayo ka tashi. Waana sababtaa ta keenaysay in aanu jirin dal Afrikaan ah oo ku dhiirada in uu noqdo ka koobaad ee ictiraafa Somaliland, isaga oo dalwaliba tiisu inay kala daadato ka baqayay.  Haddaba, haddii aanu reergalbeedku arrinta dabada aad uga riixayn, Afrikana  xaaladda ay ku jirtaa aanay saamaxayn in ay dhiirigaliso kala tagga Somaliland iyo Soomaliya,  arrintu saw may ahayn uun in Somaliland la marin habaabiyo oo ay daasho?

Haddaba marka la fiiriyo xaaladda haatan taagan, labada wax ee dhacay ayaa ah in taladii reergalbeedka dad dan ka hadlaya oo aan ka hadlayn afkaar waaweyn iyo falsado geedsare-waab ahi ay yimaadeen;  iyo in aanay dunidii sidii hore kali ugu ahayn reer galbeedku ee cido la kala doortaa meeshii yimaadeen. Marka ay sidaa tahay, talada u weyn ee Somaliland hortaalaa waa in ay dib u eegis ku samayso qaabkii hore ee qadiyada loo iibgeyn jira iyo in dibu eegis lagu sameeyo cidda laga iibinayo.

Somaliland wax ay u baahantahay in ay fahanto in qiimahadeedu ku qotomo labada arrimood ee ah halka ay ku taalo dhul ahaan iyo arrinta labaad oo ah khayraadkeeda dabiiciga ah. Waana labadaa labada ay tahay in suuq gaynta cusub  lagu saleeyo iyada oo aan waliba la soo koobayn albaabada la garaacayo ee loo dhigayo in ay Somaliland wadahadal la galayso cid kasta oo ay danteeda ka dhex aragto

Marka sidaa xaal yahay, meel wax laga sii bilaabi karo ayaa ah wajiga koobaad in xoogga la saaro London/Brussels  iyo Washington oo la yareeyo kharashkii ku bixi jiray Afrika iyada oo labadaana loo marayo “Lobby groups” weliba gaar ahaan Washington. Washington waxa maanta ka taliya ganacsato, waxaana saameyn badan ku leh shirkadaha saliidda qoda iyo kuwa u ololeeya! Haddaba, Si dadaalka reergalbeedka la galinayaa isna midho dhal u noqdo, waxa ay tahay ay jiraan iyana dadaalo laga samaynayo caasimadaha Beijin iyo Moscow, waxaanay xoojin doontaa arrintan dambe gorgortanka kuwa hore.

Marka la soo urusho, waxa Soomaliland hor yaala waxyaalo badan oo ay kala dooran karto iyo wax badan oo ay iibin karto, waxaase run ah in aan doodii hore ee ahayd doorashaan qabsannaa iyo argagixisaan la dagaalanaa aanay sii iibgalayn! Sidoo kale, waxa run ah inaanay laba arrimood midna Soomaliland ku gaadhayn ujeedadeeda: u baarri ahaanshihii reer galbeedka ee bilaa shuruudda ahaa, iyo ku dhex wareeggii Afrika.

Mar labaad fursad weyn ayaa Somaliland hortaal, su aashu se waa ma ka faa’iidaysan doontaa oo ma akhrin kartaa dabaylaha isbadal ee dunida ka dhacaya xilligan?

Kaafimedia Hargeisa Office,