Gudoomiye Saleebaan Oo Sheegay In Dib U Dhac Ku yimaada Qabsoomidda Doorashadu

0
126

“Haddii Uu Barito Yidhaahdo Madaxweynuhu Waar Mudadii La Ii Qabtay Doorashadii Kuma Qaban Karo, Waa Khasab In La Kordhiyaa, Dalku Dawlad La’aan Maayo….” Gudoomiye Saleebaan.

Hargeysa(Kaafimedia) – Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay inay arinta maalmahan la hadal hayo ee ku saabsan inay dib udhacayso Doorashada Baarlamaanka iyo Goleyaasha Deegaanku ay masuuliyadda Madaxweynaha tahay oo haddii uu Bari ku wargaliyo Golaha Guurtida inaanu wakhtigii loo qabtay ku qaban karin inay khasab tahay inay ka Gole ahaan ka fadhiisan doonaan oo ay wakhtiga la qaban karo dib ugu dhigi doonaan.

Gudoomiye Saleebaan ayaa Sidan ka sheegay Waraysi khaas ah oo uu siiyay Telefishanka Caalamiga ah ee Universal, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa sidan “Hadii Doorashadu Qabsoomi waydo waa la kordhinayaa, Waa la kordhinaya dalku dawlad la’aan maayo,Lakiin waxa waajib ah in Doorashada wakhtigeedii lagu qabto, Komishanka Doorashooyinku waa kuwii yidhi ma qaban karno Wakhtigeedii,  Mar haddii ay yidhaahdeen Wakhtigeedii ma qaban karno oo duruufna ay sheegteen Xilkii Madaxweynaha ayuu ku wareegay, Anagu dhago uma lihin waxaa ay yidhaahdeen Komishanku,  Anaga waxaa na Xukuma, Madaxweynuhu haddii uu yidhaahdo waar Doorashadii wakhtigeedii kuma qaban karno, markaasi ayaa qiil doodidayada iyo taladayada iyo go’aankayagu imanayaa, Anaga namasoo gaadhin wali, Madaxweynaha ayaynu ka sugaynaa, Wakhti badanina waa hadhay, oo wax la leeyahay Barito ayay ku egtahay maaha, Wakhti badanina waa hadhay, waa in inagu filan”.

Sidoo kale waxa uu yidhi“Haddii uu Barito Yidhaahdo Madaxweynuhu waar mudadii la ii qabtay doorashadii kuma qaban karo, talana wuu soo jeedin, Waa khasab in la kordhiyaa, Axsaab iyo cidii wal ee kalena waa inay sidaasi raali ku ahaataa. Haddi ay Doorashadu dib u dhacdo, saddexdooda ayaa ka masuul ah, Madaxweynuhuna Xisbi ayuu u madax yahay, Ina Cali Waraabe Xisbi ayuu u madax yahay, Cabdiraxmaan Cirro Xisbi ayuu u madax yahay, Saddexdooda oo isku duuban ayaa inooga masuul ah”.

Kaafimedia Hargeisa Office.