Dawladda Sacuudiga Oo Cambaareysay Go’aan Ka Soo Baxay Aqalka Sanet-ka Mareykanka.

0
63

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa gaashaanka u daruurtay qaraaro ka soo baxay Senate-ka waddanka Mareykanka, qaraarradaas oo qoraya in la soo afjaro gargaarka milateri ee uu Mareykanku siiyo xulafada ay Riyaad horkacaysa ee Yemen dagaalka ka wada,.

Waxa ay sidoo kale Sacuudiga beeniyeen eedda uu Senat-ka u soo jeediyay dhaxalsuge Maxamed bin Salmaan oo ay ku eedeeyeen in uu ku lug lahaa dilka weriye Jamaal Khaashuqji.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Sacuudiga ayaa tallaabada aqalka sanetka ee Mareykanka ku tilmaamtay “faragalin ku saleysan eedeeymo aan run ahayn”.

Bayaanka ay soo saartay wakaaladda wararka ee sacuudiga ayaa sidoo kale lagu sheegay: “in boqortooyada ay cambaareynayso go’aankii ugu dambeeyay ee aqalka Sanet-ka.”

Mareykanka si rasmi ah wali ugama jawaabin bayaanka ay soo saartay xukuumadda Sacuudiga.

Waxa ay gabi ahaanba beenisay xukuumadda Sacuudiga eedeeymaha ay u soo jeediyeen aqalka Sanet-ka.

Hadalka xukumadda Sacuudiga ayaa waxa uu ka dambeeyay ka dib markii aqalka sanetka ee Mareykanka ay Khamiistii u codeeyeen in Mareykanka uu joojiyo taageerada Sacuudiga uu ku taageerayo dagaalka Yemen.

Waxa ay sidoo kalea aqalka Sanetka si aqlabiyad ah u taageereen qaraar dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Binu Salmaan ku eedeeynayay dilkii wariye Jamal Khashoggi.

Waxa ay digniin adag u direen madaxwayne Donald Trump oo ay dhaliileen siyaasadahiisa ku wajahan Sacuudiga.

Balse madaxwayne Trump ayaa wacad ku maray in uu codka diidmada qayaxan ee Veto u isticmaali doono qararka aqalka sanetka.

Kaafimedia Hargeisa Office.