Fal-Celin Iyo Falanqayn: Barnaamijkii Wax-Qabadka Xukuumadda Ee Sannadkii Tegay, Wasaaradaha Aan Waxbadan Qaban.

0
160

Qalinkii: Abdirahmaan KLO

Barnaamushka wax qabadka xukuumadda ee sannadlaha ahaa, waxaa loo diyaariyey hab isku dheeli-tiran islamarkaana waxaa diyaariyey rag ruug cadaaya oo magac iyo milgaba ku leh shaqadda warfaafinta ee ay bulshada  u hayaan inkastoo hablaha barmaamushkan ka qayb galay yaraayeen, waxay u dhigeen si xirfad heersare ah oo habaysan iyagoo hay’ad wal oo dowladu leedahayba ka soo qaatay waxqabadkii oo si kooban loo diyaariyeye isla markaana sikin walba ku sheegaayey waxqabad hay’yadaas, inkastoo mararka qaar aan arkaayey muuqaalo shisheeye oo ay ku dareen sida markay ka hadlayeen qodaalka beeraha aad arkaysay dad afrikaana oo ay sawiradooda ama muuqaaladooda isticmaalayeen.

Guud ahaan barmaamushkan cidii daawatayba wuu raali galiyey waayo wuxuu barbilow fiican u ahaa howl hor leh iyo in lala xisaabtami karo xukuumadda iyaduna ay ogaato in dadwaynihii soo doortay sugaayo oo uu ka rabo in waxqabadkasta oo xukuumaddu qabato ay soo bandhigto taas oo keenaysa in xataa xukuumaddu lafteedu ogaato meelaha ayna wax badan wali ka qaban. Wuxuu soo bandhigay barmaamushku guulo la taaban karo walo ay wasaaraduhu ku kala horeeyaan waxqabadka taas oo muujinaysa waxqabadka wasiir walba, howl karnimadiisa iyo sida uu u fahamsan yahay shaqadiisa.

Intii aan daawanaayey barmaamushka waxaa jiray wasaarado aan wax la taaban karo soo bandhigin sida Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-galinta iyo Dhaqanka, Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo Wasaarada Gaashaan dhiga, iyo kuwo kale.

Hadaan ku horayno WASAARADDA WARFAAFINTA WACYI GALINTA IYO DHAQANKA, waxaanka cudur daaranayaa ugu horayn in faaladani ahayn mid aan ula jeedo ama ku weeraraayo madaxda wasaaradda, shaqaalaha wasaaradda, iyo wariyayaasha soo saaray barnaamushka toona, laakiin waa iga TALO, TUSAALAYN iyo TOOSIN uun ee yaan si kale loo qaadan, waxaanan eegi doonaa meelaha gaabku ka jiro.

WASAARADA WARFAAFINTU waxay qaranka u haysaa saddex shaqo oo waa wayn sida ka muuqata magaceeda (1.WAR-WAAFINT, 2.WACYI-GALIN,  3. IYO DHAQANKA). Hadaba markay noqoto in la sheego waxqabadkii wasaaradda waxay bulshadu uga fadhidaa in ay soo bandhigo wixii uga qabsoomay horumarinta saddexdaa qaybood. Waxaan ognahay wasaaradda warfaafintu in ay tahay hormoodka wasaaradda marka loo eego waxaa looga baahan yahay oo ah in ay ku hadasho afka dowlada iyo in ay bulshada ku wacyigaliso wadaniyada, dal-jacaylka, isku xidhka bulshadda, baridda muwaadinta xaqa iyo xuquuqda dastuurku siiyey, u sheegida waajibaadka laga rabo muwaadinku in uu fuliyo, la dagaalanka qabyaalada, soo bandhigida horumarka xukuumada iyo waxqabadkeeduba waa howl u taala wasaaradda warfaafintu in ay qabato oo ay bulshada ka haqabtiro hadh iyo habeenba.

Hadaba barmaamushkii ay soo bandhigtay wasaaradani kumaan arag waxqabad wayn oo kujira marka laga tago sawiro laga soo qaaday dhismaha wasaaradda iyo waxqabad yar oo kooban oo la xidhiidha wixi ay qabatay 12kii bilood ee tagay, taasina waxay ku tusayaa in wasaaraddu guud ahaan aanay lahaynba wax (COMMUNICATION STRATEGY ama COMMUNICATION POLICY) taas oo tilmaami lahayd u jeedada dhab ah ee xukuumadu ka leedahay wasaarada warfaafinta wacyi galinta iyo dhaqanka.

Siyaasadaasi waxay ka caawin lahayd wasaaradu sidii ay u tayeyn lahayd guud ahaanba barmaamushyada ay baahiso, in laga fikiro tayeynta barmaamushyada waxay keenaysaa in la helo wacyi galin dhaba oo ku wajahan muwaadiniinta si ay u helaan fariinta sax da ah iyo warar hufan oo hubaal ah.

Waxaa loo baahan yahay in wasaaraddu ay isticmaasho teknoolajiyada casriga ah ee maanta la isticmaalo, sida adeegsiga Social Media sida face book, Twitterka, Youtubka, iyo website ay yeelato wasaaraddu taas oo si joogta ah loogu xidho wararka iyo barmaamushyada ka baxa wasaaradda taas oo sahli lahayd in muwaadiniitu ay ka haqab beelaan wararka dowladda ee saxda ah.

Bulshaddu waxay maanta warka ku kala qaadataa waa Tiknoolajiyada casriga ah, sida kuwan aan kor ku soo sheegnay, waxaa muhiima iyaduna in la sameeyo DATA CENTRElagu kaydiyo dhamaanba dhaatada iyo macluumaadka wasaarada sida (Videoyada, Sawirada, Codadka) si markii loo baahdo la isticmaalo. Horumarinta xirfadda wariyayaasha iyo howl wadeenadda waa arrin kale oo loo baahan yahay in la qabto. Helitaanka qalab hufan oo casriga oo howl wadeenadu ku shaqeeyaan waxay horumarin karta shaqada ay wasaaraddu qaranka u hayso.

Waxaa kale oo muhiima in la helo (COMMUNICATION CHANNELS) sida Radio, iyo TV dalka dibadiisa iyo gudihiisaba wada gaadha si ay bulshadu uga haqab beesho wararka dowladda meelkastooy joogaanba dibad iyo gudaba, ma hubo tayadda radioga iyo TVga hada inoo shaqeeya laakiin waxaan ogahay in ay yar yihiin dadka hada dhagaystaa ama daawadda iyadoo ay jiraan meelaha qaar ayna gaadhin TVga iyo Radioguba iyadoo bulshadda ku dhaqan goobahaasi ay xaq u leeyihiin helidaanka warar sugan oo la xidhiidha waxqabadka dowladooda.

HORUMARINTA IYO CASRIYEYNTA WAKAALADA WARARKA EE SOLNA

Si loo helo warar sugan oo ku salaysan xaqiiqada waxaa wasaaraddu u baahan tahay in ay horumariso, oo ay casriyeyso wakaalada wararka qaranka (SOLNA) taas oo shaqadeedu tahay isha-qaybisa wararka dowladda oo tafatiran una qaybisa Wargaysyadda, Majaladaha, Idaacadaha iyo Telefiishinada iyo dhamaanba ilo wareedyada jira dibad iyo gudaba ee doonaaya in ay helana warar xaqiiqo ah oo runta ku salaysan oo faaf reeb iyo hufnaana lagu sameeyey.

Horumarinta, casriyeynta iyo caalamiyeynta wakaaladani waa u muhiim qaranka waxayna qayb ka qaadan kartaa in la helo warar hufan oo xataa ay qaadan karaan wakaaladaha kale ee caalamku, kuwaas oo u baahan in ay warka helaan il sugan. Waxay kor u qaadi kartaa karaamada qaranka Somaliland.

Inkasta oo ay wakaaladaasi jirto hadda  waxaan u baahan nahay in la tayeeyo oo laga dhigo mid heer caalami ah, oo wararkeeda iyo ilwareedyada ay warka ka helaysaaba ay noqdaan kuwo lagu kalsoonaankaro tayo ahaan iyo tiro ahaanba.

WACYI-GALINTA: Sidaan hore u soo sheegnay wacyi-galintu waa tiir kale oo ka mida tiirarka ay ka koooban tahay Wasaarada Warfaafinta Wacyi-galinta iyo Dhaqanku, wacyi-galinta oo macnaheedu yahay waano iyo wax u sheega muwaadiniinta waxay u baahan tahay in iyana loo sameeyo siyaasad cad oo wacyi-galineed oo la xidhiidha horumarinta dhinacyadda WAXBARASHADA, CAAFIMAADKA, FAYO-DHOWRKA BIYAHA IYO DEEGAANKA, ILAALINTA HORUMARINTA DEEGAANKA, DHOWRISTA XAQA IYO XUQUUQDA MUWAADINTA, UGA DIGISTA BULSHADDA CUDURADDA FAAFA, ADKAYNTA NABAD-GELYADA, KA DIGISTA QABYAALADDA IYO KALA QOQOBKA BULSHADDA, WACYI-GALINTA DHAQANKA, ILAALINTA AFKA IYO SUUGAANTA, iyo wax yaabo kale oo ay tahay in bulshadda laga wacyi galiyo sida Aafooyinka balwadaha ay ka midka yihiin mukhaadaraadka iyo wixii la mida ee bulshada dhib ku haya.

Faafinta wacyigalinta bulshadda ee heer wasaaradeed ama heer xukuumadeed waxay u baahan tahay in loo maro si heer sare ah oo cilmiyeysan iyadoo la adeegsanaayo habka technolijiyada casriga ah ee maanta jirta si si dhibyar bulshada loo gaadhsiiyo, waxay u baahan tahay in la sameeyo siyaasada wacyigalinta qaranka si loo helo fariimo cad cad oo bulshada lagu wacyigalinaayo kuwaas oo ka baxa dhammaanba warbaahinta dowlada sida TVga iyo Radiogaba.

HORUMARINTA DHAQANKA: horumarinta iyo dhiirigalinta dhaqanku waa mid ka mida shaqada ay wasaarada umadda u hayso taas oo aan uga fadhino in ay waxwayn ka qabato. Waxaan odhan karnaa qaybtani waa qaybta ugu muhiimsan shaqada wasaaradda waayo DHAQANKU wuxuu iskugu jiraa HUGA, HOYGA, CUNTADA, AFKA, iyo SUUGAANTA ay bulshadu soo jireenka u leedahay, tani waa sababta aan u leeyahay qaybtani waa qaybta ugu muhiimsan wasaarada iyadoo intaas oo dhanba laga rabo horumarinteeda, ururinteeda iyo kaydinteedaba, iyadoo aan ognahay in riboodkii la baahiyey ee waxqabadka xukuumada ayna kuba jirin wax ka hadlaaya sida ay wasaaradu u dabakhday wacyigalintii iyo qaybtan dhaqanka, inoomay sheegin wixii ay ka qabatay labadan qaybood mudadaa sannadka ahayd sidaa darteed waxaan odhan karnaa wax wayn kamay qaban.

Qaybtan dhaqanku waxay u baahan tahay in laga sameeyo barmaamushyo ku saabsan dhamaanba dhaqankeena sida ciyaaraha kala duduwan kuwaas oo gaadhaaya ilaa 45 ciyaarood oo dhamaanba laga ciyaaro gayigeena Somaliland kuwaas oo u baahan in loo carbiyo dhaliyar ku ciyaarta oo inta laga duubo ka dibna la rikood gareeyo si jiilka dambe ugu aayaan iyadoo kuwa hada joogana lagu baraayo qalabka warbaahinta iyagoo gurheena jooga arrintan oo dar dar hor leh iyo xiisaba galinkarta habsami ula socodka bulshada ee warbaahinta dowlada taas oo  sumcad hor leh u soo kordhin karta wasaaradda.

Waxay dhalinyaradu u baahan tahay in lagu tartansiiyo suugaanta afkeena ee badda ah, si loogu dhiiri galiyo in ay dhalinyaradu suugaanta iyo afkaba u bartaan kuna soo kordhiyaan waxyaabo cusub oo casrigan la jaanqaada, waxaa loo baahan yahay in la tababaro qorayaal da yar, in la carbiyo abwaano dayar, fanaaniin, iyo dhaqan yaqaan suugaan dhaadhiya oo mustaqbalka badbaadiya afkeenan iyo dhaqankeenaan ay tiknoolajiyadu meesha ka sii saarayso.

Wasaarada Warfaafintu waxay u baahan tahay in ay samayso studioyo casriga oo wax lagu duubo kuwaas oo la jaan qaadi kara kuwa caalamka ee wax lagu duubo, waxay u baahan tahay wasaaradu in ay samayso tiyaataro casriga oo bulshada laga wacyi galiyo sida TIYAATARKA WACYI GALINTA ARRIMAHA DIINTA, TIYAATARKA WACYI-GALINTA DHAQANKA IYO SUUGAANTA, IYO TIYAATARKA DOODAHA ONLINEKA AH ee arrimaha horumarka bulshada, siyaasada iyo waxyaabaha kale ee cusub.

Waxaa laga yaabaa in aad iswaydiiso waxan oo tiyaatara xagee laga dhisayaa? Xageese lacag looga helayaa? Way fududahay jawaabtaasi, wasaarada warfaafintu waxaan la soconaa in ay leedahay dhulka ugu balaandhan wasaaradaha oo ah dayrkii idaacada ee RADIO HARGAYSA kaas oo qaybtiisa dambe hadii si fiican loo maamulo ay ka dhismi karaan dhammaanba 3 tiyaatar ee casriga ah iyo waliba parking ama halkii baabuurta la dhiganaayey, taas oo ay dhammaanba bulshada cidii caways sax ah u baahataa ay tagi karto habeenkii, iyadoo anshaxeedana ay wasaarada warfaafinta iyo wasaarada diinta iyo awqaaftu iska kaashan karaan hab iyo hanaan u socodka tiyaataradan.

Dhaqaalaha ka soo baxa 3dan tiyaatar waxaa lagu maal galin karaa shaqaalaha wasaarada warfaafinta wacyigalinta iyo horumarinta dhaqanka gaar ahaan kuwa maamula tiyaataradan, shaqaalaha wacyigalinta dhaqanka iyo fanaaniintaba si ay niyad fiican ugu helaan shaqadooda una gutaan.

Guntii iyo Gabagabadii tibaaxahan aan taabtay waa kuwo aan isleeyahay way u baahan tahay wasaarada warfaafintu in ay qaado hayaan keeda dambe si loo dar dar galiyo shaqo wanaaga wasaarada, iyadoo haday intaa iyo in kale oo fikirkooda ay ka keenaan madaxda wasaaradu ay sannadka dambe soo ban dhigi doonaan wax-qabadwayn oo bulshadu u holato.

Maqaalkan Maqaalka Xiga waxaan ku naaqishidoonaa mid ka mida Wasaaradaha kale ee aan waxbadan soo bandhigin Insha Allah. Lasoco..

By @KLO.