Go’aan Xayiraadda oo ay Maxkamadda Gobolka Marroodijeex Dul dhigtay Dugsiyadda Nuuradiin.

0
420

Hargeysa:(Kaafimedia )Maxkamadda gobolka Hargeysa, ayaa dugsiyadda Nuuradiin ku xukuntay in aanay daabacan karin manhajka qaranka ee waxbarashada dalka.

Maxkamadda gobolka Maroodijeex ayaa dugsiyada Nuuradiin ku riday xukun ka mamnuucaya in ay daabacdaan Manhajka Waxbarashada Somaliland.

Qoraalka Maxkamadda ayaa lagu sheegay in dugsigu si sharci darro ah u daabacday Manhajka oo ah sir Qaran oo wasaaradda waxbarashada ama cid ay ogolaansho u siisay oo kaliya daabici karto.

Maxkamadda ayaa amartay dhammaan madbacadaha gaarka loo leeyahay iyo tan Qarankaba in aanay dugsiyada Nuuradin Schools u daabicin Mahnajka, islamarkaana dugsiga laftiisu isku dayin in uu daabacdo ilaa amar dambe waxaana fulinta amarkan lala socodsiiyay taliska booliska.

Xayiradan oo soo gaadhay warbaahinta ayaa waxaa ay u dhigneyd sidan:—-

Ujeedo:– Amar Xayiraad U Daabacaadda Manhajka JSL Dugsiyadda Nuuradiin

Markey aragtey : qoraalka codsiga xafiiska xeer ilaalinta guud ee qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee sumadiisu tahay, XIG/H1600/2018 kuna taariikheysan 25/12/2018 ujeedadiisuna tahay codsi xayiraad dabacasho in la soo saaro dugsiyadda Nuuradiin, sababto ah in sifo sharciga aan waafaqsaneyn ay u dabacanayaan manjahka qaranka oo ah sir iyo hanta qaran, cida daabici kartaa kaliya ay tahay wasaaradda waxbarashadda iyo Sayniska iyo cidii ay ogolaanshiyo u siiso oo kaliya.

Hadaba sida ku cad qoraalka codsiga ee dalabka xayiradda iskuulkaasi waxaa uu dabaacday isaga oo aan wax ogolaansho ah heysan, isaga oo ka badelay jaldigii iskuulkooda macluumaadka qaranka, sida ku cad qodobadda 54,55, Ee XLR 66/1977 oo ah xeerka ilaalinta xuquuqda qoraalka kaas oo uu dastuurkeenu u ogolaaday in lagu dhaqmayo xeerka caalamiga ah, iyo xeerarkii aynu ka dhaxalay dawladda Soomaaliya inta helayo xeerar badela.

Markey aragtay:— In dacwadd ciqaab ahi ka taalo eedeysane Mahad Ibraahim Maxamed ina Aamina Bakaal L/40 jir ah, sid ku cad qoraalka xafiiska xeer ilaalinta ee eedeysanuhu sii wado daabicista manhajka dalka iyadda oo aanu ogolaashiyo laga heysan wasaaradda waxbarashada iyo sayniska maxkamaddu oo aaney wax go’aana ka soo saarin dacwadaasi, sidaasi darteed asbaabaha sare ku xusan oo dhan danta guud ee cadaaladda iyo qodobka 292.295XHM waxaanu soo saarney sidan hoose.
Amarkii xayiradda

Maxkamaddu waxaa ay xayiraad saartay daabacaddii loo daabici jiray dugsiyadda Nuuradiin buugaagta manhajka dalka, sida darteed waxaa la faraya dhammaan madbacadaha madaxa banaan iyo madbacadaha qarankuba in aaanay u daabici Karin manhajka dalka iskuulkaasi sare ku xusan, ilaa inta amar danbe ka soo baxayo.

Waxaa la faraya dugsiyadda Nuuradiin inay u dhaga nuglaadaan awaamiirta maxkamadda oo aaney dabaacan Karin daabacadaasi manhajka dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

waxaana la faraya taliyaha ciidanka booliska Jamhuuriyadda Somaliland in ay maxkamaddu ay xayiraad saartay daabacadaasi manhajka dalka kana saartay dugsiyadda Nuuradiin in aanu daabacan Karin laga bilaabo maanto ay bishu tahay 27/12/2018.

Cidii xayiradaasi jabisana aad ku soo eedeyso xayiraad jabin sida ku xusan qodobka 308.XCG. xayiradani waxaa ay soo baxday maanta oo ay taariikhdu tahay 27/12/2018.

Wabilaahi Tawfiiq iyo wada-shaqeyn wacan
Cabdisalaan Sheekh Xasan Axmed
Ku simaha gudoomiyaha maxkamadda gobolka Marroodijeex
Hargeysa.

Kaafimedia Hargeisa Office.