Deg Deg:Somaliland Xukkuumaddda Ayaa Mowqif Cad Iska Taagtey Go’aanka Somalia Ka Qaadatay Wakiilka Xoghayaha Guud.

0
282

January 2, 2019

Hargeisa, Somaliland.

WAR SAXAAFADEED

 Dawlada Jamhuuriyada Somaliland waxay u cadaynasaa  Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay  iyo Beesha Caalamka intaba in ay ka xuntahay go’aanka Somalia ka qaadatay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay  Mudane  Nicholas Haysom.

Dawlada Jamhuuriyada Somaliland iyadoo tixgelinaysa iskaashiga  iyo taageerada dhanka horumarka iyo bani’aadamnimada  ee ka dhaxeeya Somaliland iyo Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa  waxay  ku war-galinaysaa  Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay  in go’aankaasi aanu khusayn Somaliland, isla markaana ay dawladda Somaliland si buuxda ula shaqaynayso Jimciyada quruumaha ka dhexaysa iyo laamaheeda kala duwan.

Dawlada Somaliland waxay ku bogaadinaysaa Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane Nicholas Hayson in uu mudadii uu joogay xafiiska uu dedaal xoog leh u galay nabadaynta Somalia dhexdeeda iyo xal-uraadinta khilaafka Somaliland iyo Somalia.

Ugu dambayn, dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay aaminsantahay in go’aankan ka dhanka ah Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay  uu ka xeel dheer yahay waxa lagu sababeeyay, isla markaana uu ka dhalan karo cawaaqib xumo mustaqbalka.

Kaafimedia Hargeisa Office.