Ma Taqaanaa 10-Ka Waddan Ee Ugu Muslimiinta Badan Adduunka?.

0
348

Diinta Islaamka oo ah diinta Xaqqa ah ee Allah uu ogolyahay ayaa ah diinta ugu faafitaanka badan adduunka iyada oo Tirada Muslimiintu boqol sanno ka hor ay u dhigmaysay boqolkiiba 12.6 halka ay maanta ka badan yihiin Boqolkiiba 23.2 bulashada caalamka ku nool oo u dhigantan 1.7 Bilyan Muslim.

Haddaba Waa kuwan 10-ka Waddan ee ay ku noolyihiin Musilimiinta ugu badan Addunka:

1-Indooniisiya: Waa waddanka uu Allah ku beeray Muslimiinta ugu tirada badan Caalamka waxaana lagu qiyaasaa in ay ku noolyihiin In ka ka badan 229.1 Milyan ruux oo Muslim ah. Saamiga Muslimiintuna waa 87.2 Boqolkiiba. 2-Pakistan: dalka Pakistan 96.4% waa Muslimiin, Waxaan lagu qiyaasaa Muslimka ku dhaqan ilaa 200.3 Milyan oo Muslim.3- Hindiya: dalka Hindiya oo Muslimkiisa lagu qiyaaso boqolkiiba 14.2 ayaa haddana ah dalka saddexaad ee ay ku noolyihiin Tirada ugu badan Muslimiinta Caalamka, Waxaana ku nool in ka badan 184.1 Milyan oo Muslim.

4-Bangaaladheesh: Muslimiinta dalkani waa 89.1% , Guud ahaanna waxaa ku dhaqan Muslimiin lagu qiyaasay ilaa 142 Milyan oo Qof. 5- Naayjeeriya: dalka Naayjeeriya oo ah dal Afrikaan ah boqolkiiba 51.6 waa Muslim, Waxaan lagu qiyaasaa tirada guud ee Muslimka in ka badan 105 Milyan oo ruux. 6- Masar: Bulshada Masar 90% waa Muslim, Guud ahaanna waxaa ku nool Muslimiin tiradoodu ay kor u dhaaftay 89.4 Milyan.

7-Iran: Jamhuuriyadda Iran 99.4 waa Muslimiin Shiico u badan, Waxaan ku dhaqan Muslimiin lagu qiyaasay ilaa 82.5 Milyan. 8- Turkiga: Turkigu 99.8% Waa Muslim, Tirada Guud ee Muslimiintiisuna waa 81 Milyan. 9-Aljeeriya (Al-Jasaa’ir): Waa dalka labaad ee Carab ah ee ku jira Liiskan Waxaan ku dhaqan ilaa 41 Milyan oo Muslim. Dalkani 99% waa Muslim. 10- Ciraaq: Waa dalka saddexaad ee Carab ah oo ka tirsan Liiskan waxaan ku nool Muslimiin ka badan 39.3 Milyan, Waxaan Muslim ah 98%. Dhammaad.