Nuxurka Farriin Wargelin Ah Oo Uu Soo Saaray Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaallaha Dawladda Somaliland.

0
350

Wargelin Fasax: Bilowga Sannadka Cusub ee 2019

Mudaneyaal iyo Marwooyin,

Sida aad la socotaan berito oo Salaasa ah waxa ay ku beegan tahay bilowga sannadka cusub ee 2019

Sidaa darteed, guddida Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu iyaga oo qiimaynaya in Shaqaalaha Dawladdu helaan fasax sannadeedka ay xaqa u leeyihiin waxa ay ku wargelinayaan Shaqaalaha Dawladda JSL in maalinta Salaasada oo ku beegan 01/01/2019 ay noqon doonto maalin fasax halkaas oo Shaqaalaha Dawladdu ka nasan doonnaan maalin hawleedkii shaqo iyada oo shaqada lagu soo laaban doonno maalinta Arbacada ee bishu tahay 02/01/2019 hadii Alle yidhaa

Ugu dambayn, Waxa aan u rajaynayaa shacab weynaha Jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaanna shaqaalaha dawladda JSL in Sannadka sanadkiisa ay ku gaadhaan guul, gallad iyo gobonimo.

Sharmaarke Axmed Muxumed Geelle
Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda