“Turkigu Warqad Nooma Soo Dirin,” Somaliland.

0
333

Hargeisa (Kaafimedia)Dawladda Somaliland ayaa ka hadashay ergayga dawladda Turkigu dhawaan u magacowday wada hadallada Somaliland iyo Somalia waxaanay sheegtay in aanay wax qoraal ah oo arrintaas ku saabsan ka helin dhanka Turkiga “Horta wax qoraal rasmi ah oo naga soo gaadhay Turkiga ma jiro ilaa hadda, arrinta saxaafadda uun baanu ku aragnay,” Sidaas ayuu yidhi Liibaan Yuusuf Cismaan wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Somaliland oo shir jaraa’id qabtay.

Waxa kale oo uu sheegay in aanu macno badan ku jirin in Turkigu soo magacaabo ergay “In Turkigu ergay magacaabay xikmad badan kuma jirto. Marka la eego dalalka danaynaya in ay dhexdhexaadiyaan Somaliland iyo Somalia; waa in labada dhinac ku heshiiyaan meesha lagu wada hadlayo, dawladda Turkigu dhawr jeer ayay wada hadalladii ka dhacay Ankara iyo Istanbul marti galisay waanay ku mahadsan yihiin laakiin, marka wax kuu shaqayn waayan waxa uu sunaha noloshu sheegaya in sidii si ka duwan arrinka loo galo si aad u hesho natiijada aad u baahan tahay, cidda dhexdhexaadinaysana waa in ay dhexdhexaad noqoto labada dhinacba ku kalsoon yihiin oo aan dano ka lahayn labada waddan midna, marka arrimahaas ayaa ka muhiimsan in ergay la magacaabo iyo in aan la magacaabin waayo wakhti badan ayaa inagaga lumay wada hadalladii ka dhacay Ankara iyo Istanbul waxbana kama soo bixin wixii ka soo baxayna lama fulin,” Sidaas ayuu yidhi Mr Liibaan.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Somaliland waxa uu sheegay in aanay madaxda Soomaaliya diyaar u ahayn in dib loo bilaabo wada hadalladii burburay ee labada dhinac, islamarkaana kuwii hore dhankooda ka socon waayeen.