Wada Hadalkii Xisbiyada Somaliland Oo Burburay iyo Sababta Kaliftey.

0
120

Hargeisa (Kaafimedia)Kulamo todobaadadii la soo dhaafay u dhexeeyay hoggaanka xisbiyada Somaliland ayaa maanta natiijo la’aan ku soo dhammaaday. Kulamada oo ay hoggaaminayeen madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, hoggaamiyaha UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo guddoomiyaha WADDANI Dr Cabdiraxmaan Cirro ayaa maanta lagu kala kacay.

Xisbiga Waddani ayaa doonaya in la kala diro guddida doorashooyinka Qaranka oo uu ku eedeeyay in ay doorashadii Madaxtooyada musuqmaasuq sameeyeen. Xisbiga UCID ayaa doonaya in Komishanka lagu kordhiyo laba xubnood si xisbi walba u yeesho saddex xubnood laakiin, KUlMIYE ayaa si adag u difaacaya Komishanka doorashada.

Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani waxa uu sheegay in aanay wada hadallada ka soo bixin wax natiijo ah, islamarkaana aanu xisbiga talada haya ogolayn wax tanaasul ah in uu ka sameeyo kala dirista komishanka.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal ayaa sheegay in ay ka go’an tahay sidii doorashadu u dhici lahayd 2019, islamarkaana waxa uu madaxa u ruxay in ajandihiisa ah in guddida lagu daro laba xubnood oo xisbiga Kulmiye muujiyay in uu ogol yahay in mustaqbalka la kordhiyo guddida doorashada.

Wada hadallada oo burburay saddex bilood ka hor waxa dib u qabanqaabiyay ururo iyo dad waxgarad ah oo is xilqaamay waxaanay u muuqata in aanay xisbiyadu heshiinayn ilaa la dhexdhexaadiyo maaddaama aanay dhammaan dhinacyada ka muuqan wax tanaasul ah.