Ma ogtahay ?

0
194

Cuba waxay ahayd waddankii ugu horeeyay ee lagu ansixiyo istaraajiyada cusub ee ay hay’adda caafimaadka adduunka (WHO) u samaysay ka hortago isu gudbinta HIV-ga ee hooyada iyo ilmaha. (MTCT)

Si taas loo gaadho, Cuba waxay ka shaqaysay si loo hubiyo helitaanka adeegyo tiro badan, oo ay ku jiraan helitaanka hore ee daryeelka dhalmada (Atenatal care) oo ay weheliyaan baadhida xanuunka HIV oo loo samaynayo gabadh waloo uur leh, sidoo kalena lagu baadhayo xanuunada galmada lagu kala qaado sida xabada, waraabowga, jabtida iyo chlymidia.

Keliya xanuunadan galmada laysugu gudbiyo lagama baadhayn haweenayda uurka leh uun se waxa weheliyey oo baadhis la mid ah loo samaynayay ninkeeda.

Ujeedada u weyn ee laga lahaa baadhidan ayaa ahayd in laga warqabo haddii ay hooyadu leedahay mid ka mid ah xanuunadan inaanay gaadhsiin ilmaheeda mudada umusha iyo naasnuujinta, taa bedelkeedana la sameeyo ka hortagyo dheerada.

Adeegyadani waxay qayb ka ahayeen adeegyada guud ee daryeelka caafimaadka adduunka. (Universal healthcare program) ee ku saabsan wax u qabashada iyo daryeelka hooyada iyo dhalaanka iyadoo lagu darayo xeeladaha lagu daweeyo HIV iyo cudurada kale ee galmada laysugu gudbiyo, si loo helo dhalaan bad qaba iyo taran caafimaadsan.

Markii mashruucani si habsami ah uga hirgalay dhulka Cuba waxa ku dayday oo iyaguna go’aansaday inay fuliyaan sharcina ka dhigaan wadamada ay ka mid yihiin Thailand iyo Belarus oo ansixiyey sanadii 2016 inay qasab tahay in lamanaha is qaba laga baadho HIV iyo xanuunada kale galmada, wakhtiga guurka iyo wakhtiyada gabadhu umulayso ama uurkaba qaado.

Waa muhiim inaynu wax badan ka barano wadamada tarankooda caafimaad ka fikiraya, bulshadooda daryeelkeedana waajib iska saarey.

Maxamed Abiib adiga sxb kaa Eng Muxiyadiin waxaad wadeen hawl in badan anfacaysa daryeelka iyo caawinta xanuunadan wax badan oo wacyi iyo waano ahna la wadaagteen bulshada fariimihiinu haba u badnaadaan ” ha is baananee is baadh”

Haddaba aynu dhalinteeda iyo qarankeedaba u sheegta inay kalsooni muujiyaan oo guurka ka hor is badhan si laysula taliyo tarankeena fayo qabkiisana loo sugo iyadoo allah talo la saranayo.

Mohamed Shucayb (Marty)