Guterres Oo Somalia Canaantay Haysom-na Ammaanay

0
30

Hargeisa (Kaafimedia)Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay in uu bedelayo Nicholas Haysom wakiilkiisii gaarka ah ee Soomaaliya eriday. Waxa uu sheegay in Mr Haysom yahay khabiir guulo ka gaadhay jagooyinka caalamiga ah ee uu soo qabtay iyo xarumaha Qaramada Midoobay ee uu ka soo shaqeeyay.
Waxa kale oo uu sheegay in habka Soomaaliya ula dhaqantay tahay mid ka baxsan hab macaamilka Qaramada Midoobay, islamarkaana ay u adeegsatay xeerka ay isu adeegsadaan laba dal. Waxa uu sheegay in habka Persona Non Granta ee ah in aan qofka dalka looga baahnayn ay isu adeegsadaan labada dal laakiin, UN-tu ka duwan tahay sidaas.

Warsaxaafadeedka Qaramada Midoobay oo Sayruuq Turjuntay ayaa u dhigan sidan:

Xoghayaha guud waxa uu si qoto dheer uga xumaaday go’aanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku dhawaaqday in aan dalka looga baahnayn wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ahna madaxa hawlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Haysom.
Xoghayaha guud kalsooni buuxda ayuu ku qaba Mr Haysom, waa waayo arag xushmad ka mudan shaqaalaha calaamiga ah kaas oo isaga laftiisu ka soo dhallaalay doorar sare oo hoggaamineed oo uu soo qabtay aaggan(shaqooyinka caalamiga ah) iyo xarumaha Qaramada Midoobay.
Qaaciidada ah persona non grata(Dalka lagaagama baahna) maaha mid lagu dabakho ama loo tixgeliyo shaqaalaha Qaramada Midoobay. Sida 1961 lagu qayaxay cahdigii Vienna ee xidhiidhka diblamaasiyadda (Vienna Convention on Diplomatic Relations,) qaaciidadan waxa lagu dabakhaya wakiillada diblamaasiyadeed kuwaas oo dal u dirtay dal kale oo ah xaaladda xidhiidhkooda laba geesoodka ah. Qaramada Midoobay ma aha dal shaqaalaheedana looma igman dalalka ay ka hawlgalaan laakiin, waxay ka hoos shaqeeyaan Xoghayaha Guud oo ay gutaan waajibadka masuuliyaddiisa.

Islamarkaa Xoghayaha Guud waxa gabi ahaanba ka go’an in la xaqiijiyo in baahiyaha dadka Soomaalidu safka hore ka noqdaan shaqada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) waxay u baahan tahay in ay awooddo sidii ay sida ugu wax ku oolsan ugu fulin lahayd shaqada loo igmaday ee ah in ay taageerto dalka (Somalia). Sidaas awgeed, wuxuu ku talo galay in uu wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud iyo Madaxda UNSOM uu si dhakhsa u soo magacaabo.

Kaafimedia Hargeisa