Nuxurka Kulan Dhex Maray Madaxweyanaha Somaliland iyo Xogyahay Difaaca Ingiriiska Oo Safar ku Yimid Dalka.

0
30

Hargeysa (Kaafimedia) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabiley Wasiirka Difaaca ee Dalka Ingiriiska, Mudane Gavin Williamson oo booqasho rasmi ah ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankan oo ahaa mid saacado qaatay ayaa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska oo ay Somaliland xoriyadeeda ka qaadatay 1960-kii, iyadoo safarka wasiirkuna uu yahay safarkii u horeeyey ee masuul haya xilka wasiirka difaacu uu ku yimaado Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanu kulankaasi ku soo dhammaaday is-afgarad buuxa iyo in la sii xoojiyo cilaaqaadka labada dal ee Ingiriiska iyo Somaliland, lana dar-dar geliyo horumarinta arrimaha iskaashi ee ka dhexeeya labada waddan.

Waxaana Madaxweynaha kulankan ku wehelinaayey Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah, Gashaandhigga iyo Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u qaabilsan Dalka Ingiriiska.

Geeska Kale Dawladda Ingiriiska Ayaa ka Hadashay kulanka Xogyahaya Difaaca Iyo Madaxweynaha Somaliland.

Halkan Hoose ka Akhri. 

Halkan ka akhriso warbixin kooban oo ay dawladda UK ka soo saartay booqashadii Wasiirka gaashaandhigga ee UK, Mr. Gavin Williamson, uu ku yimid dalkan Jamhuuriyadda Somaliland. Qoraalka xukuumadda UK oo aan soo turjunay ayaa nuxur ahaan u dhignaa sidan hoos ku qoran:

Wasiirka gaashaandhiga ee dalka Ingiriiska Mr. Gavin Williamson, ayaa booqasho ku tegey Somaliland si uu ula kulmo Madaxweyne Muuse Biixi. Booqashada Wasiir Gavin Williamson oo noqonaya Wasiirkii u horeeyey ee ka socda xukuumadda Ingiriiska ee booqasho ku taga Somaliland ayaa waxay ka wada hadleen Madaxweyne Muuse Biixi arrimaha ay wadaagaan labada dal ee dhinacyada nabadgelyada iyo horumarinta dhaqaalaha iyo sidoo kale la dagaalanka argagixisada iyo doorka ciidanka Ingiriiska ee kala shaqeeya ilaalinta xeebaha Somaliland.

UK GOVERNMENT:

Defence Secretary Gavin Williamson travelled to Somaliland to meet with President Bihi. The first British Cabinet Minister to visit Somaliland, Mr Williamson discussed the shared priorities of security and economic development as well as counter terrorism and the role UK military plays in mentoring the Somaliland coastguard.

Abdisalan Mohamed Ismail