Warbixin Ku Saabsan Xanuunka Gangerida. W/Q Mohamed Shueb Ahmed.

0
193

Gangrene waa xanuun lala xidhiidhiyo dhimashada xubno ka mid ah unugyada jidhka sababtoo ah qulqulka dhiiga gaadha unugyadaasi oo yaraada ama caabuq ay sababtay ili ma aragtayda bakteeriyadu oo haleela.

Badanaa xanuunkan gangeridu waxa uu abaara ama sameeya xubnaha ay ka midka yihiin lugaha gaar ahaan suulasha, faraha iyo qaybaha hoose laxaadka, sidoo kale waxa uu xanuunkani samayn karaa muruqyada iyo xubnaha uur ku jirta.

Fursada uu kugu haleeli karo xanuunkani aad bay u sareysaa haddii aad la nooshahay xaladaha qaar dhaawici kara unugyada dhiiga ee jidhkaaga, kaasi oo samayn kara qulqulka dhiiga ee jidhka. sida xanuunada macaanka iyo (atherosclerosis) oo ah unugyada dhiiga qaada oo adkaada qulqulka dhiiguna ay adkaato inuu si fudud u maro

Daweynta gangeridu waxa ka mid ah qalitaan loo sameeyo qofka ay haleesho, waxaana laga gooya lagana tuura unugyada dhintey ee jidhka, waxa sidoo kale qofka lagu daweeya dawooyinka jeermis dilayaasha sida (antibiotic) iyo in sarre loo qaado heerka oxygen xubnaahasi, maadama oo sababihii ay u dhinteen ay u weynayd oxygen dhiigu keeni jirey oo ka go’day xubnahaa.

Ka soo kabashada xanuunkani, hadba waxay ku xidhan tahay sida bilowga hore loola tacaalo loona daweeyo.

Calamadaha Xanuunka
=================

Marka gangeridu saamayso maqaarka jidhkaaga waxa qofka lagu arkaa calamadahan ama isbedeladan.

-Midabka maqaarka oo isbedela, waxa uu noqdaa cawlaan, ama buluug ama basali mararka qaarna casaan iyadoo ay ku xidhan tahay nooca gangerida qofka ku dhacday.

-Barar ama inay ku samaysmaan qofka finan dheecaanka buuxo

– Khad si cad loo arkayo oo u dhexeeya maqaarka caafimaadka qaba iyo kan dhaawacan.

– Xanuun daran oo si lama filaan ah qofku u dareemo kaasi oo ay wehliso kabuubyo.

– Ur qadhmuun iyo dheecaan joogto ah oo ka yimaada meesha uu xanuunku haleelay

-Maqaarka oo khafiifa sameeyana iftiin iyo timaha oo ka taga meeshaas.

-Maqaarka oo dareema qabaw, siiba markaad tabato.

Haddii aad la kulantay nooc ka mid ah gangere sida (gas gangrene ama internal gangren) waxaad ogaan kartaa in:

-Meesha ay samayeen ay yeelato barar iyo xanuun aad ah.

– Ama xumad heerkulkeedu hooseeyo iyo guud ahaan inaad dareento inaanad cafimaad ahaan wacnayn.

Xaalada loo yaqaano (Septic Shock) oo ah marka dhiiga guud ahaantii uu sameeyo caabuqu, qofkuna koomo ama miyir doorsoon la galo xalada darteed, qofka waxa lagu arkaa calamadii miyir doorsoonka ee ay ka mid ahayeen.

-Cadaadiska dhiiga oo hoos u dhaca
– Xumad ama qandho heerkeedu aad u sareeyo mararka qaarna gaadha 96.8 F (36 C)
– Garaaca wadnaha oo kordha
– Wareer ama dawakhaad
– Jaahwareer

Goormay tahay inaad dhakhtarka la kulanto
================================

Gangeridu waa xaalad aad u khatar ah oo u baahan in si degdeg ah loo daweeyo. Wac dhakhtarkaaga ama u tag haddiiba aad dareento xanuun joogto ah oo aanad sharixi karin meesha uu kaa hayo, sidoo kalena aad leedahay calamadahii aynu sarre ku soo xusnay.

Maxaa Sababa Gangerida
===============

Gangeridu way kugu dhici kartaa haddii la helo mid ka mid ah sababahan.

-Qulqulka dhiiga oo ku yaraadaha xubnaha jidhka
-Caabuq
-Iyo dhaawac

Noocyada Gangerida
==============

Gangerida Qalalan: waxa lagu gartaa maqaarka oo qalalan iyo isaga oo iska bedela midabkiisa asalka ah isagoo ka taga buni iskuna bedela basali, buluug ama madaw. Noocan qalalani waxay u kobocdaa si qunyar ah badanaana waxay ku dhacdaa dadka qaba xanuunada wadnaha iyo unugyada dhiiga qaada iyo dadka macaanka leh

Gangarida Qoyan: waxa lagu gartaa oo ay caan ku tahay qoyaan sida barar iyo dheecaan badanana waxa sababa caabuqa bakteriyada, badanaa waxay leedahay xanuun daran sidoo kale waxa weheliya dhaawac ay gaadhsiiso unugyada ay haleesho, noocan qoyani waxay u bahan tahay in dhakhso loo daweeyo si anay jidhka ugu faafin qofkana noloshiisa galaafan.

-Nooca hawada ah: badana waxay samaysa unugyada hoose ee muruqyada, waxaana laga yaaba inaanu maqaarku isbedelin haddii noocani ku haleesho. Noocan badana waxa sababa bakteriyada loo yaqaan (Clostridium perfringens,) waxaanay sababta dhaawac iyo nabaro u baahan qaliin sidoo kale sunta ay sii deynayso bakteriyadani waxa uu wasahkheeya dhiiga, waxaanu sababa in unugyada jidhku dhintaan. nocaani sidoo kale waxay u bahan tahay daweyn degdeg ah.

  •  Gangerida samaysa unugyada gudaha ee jidhka: waa mid badana samaysa dheefshiidka, midhicirada iyo qabsinada ilaa kaadi haysta, waxaanay timaada badana marka unugyada dhiiga gaadhsiiya xubnahasi uu xidhmo ka dibna ay dhiig waayaan. waxaanay sababtaa xumad iyo xanuun daran.
  • – Gaangerida Nooca Afraad: waa mid samaysa xubnaha taranka, badanana waxay ku dhacdaa raga, dumarkuna waa qaadi karaan noocan. badanaana waxa sababa caabuqyada ku dhaca xubnaha kaadimareenka. xubnaha tarankana waxa laga dareema barar, xanuun iyo dhaawacyo maqaarka ah.
  • – Waxa jira nooc dhif ah oo loo yaqaan (Progressive bacterial synergistic gangrene (Meleney’s gangrene). badanana waxay timaada xiliyada lagu guda jiro qaliimada gaar ahaan laba usbuuc ka dib qaliinka.
  • Yaa halis ugu jira in xanuunkani uu haleelo
    =================================

    Dadka inta badan halista u ah in xanuunkani saameeyo waxa ka mid ah dadka la nool xanuunada.

  • – Macaanka – Xanuunada ku dhaca unugyada dhiiga qaada — Qof la kulmay dhawac daran ama galay qaliin culus.
    -Qofka caba sigaarka — Qofka difaaciisu hooseeyo.
    – Iyo dadka qaata dawooyinka qaar ama isticmaala daroogooyinka.

    Dhibaatooyinka ka dhalan kara xanuunkan
    ==============

    Xanuunkani waxa uu ku horseedi karaa dhimasho ama geeri, sidoo kale waxa uu ku geyeysiin karaa naafonimo.

    Ka hortaga Xanuunka
    ================

    – Ilaali daryeelka xanuunka aad la nooshahay ee macaanka: ka war hay jidhkaaga guud ahaan, lana soco wixii ku soo kordha haddii aad isku aragto wax ka duwan calamadihii caadiga ahaa ee jidhka fadlan la xidhiidh dhakhtar

    – Misaankaaga yaree
    – Jooji isticmaalka tubakada sida sigaarka iyo badeecada
    – Nadiifi nabarada yar yar kuna dhaq saabuun iyo jeermis dilayaal dhakhtar kula eegay
    – La soco heerkulka jidhkaaga

    Ogaanshaha iyo Daaweynta Xanuunka
    =======================

  • Waxa lau ogaada xanuunkan in la sameeyo tijaabo baadhsi dhiiga ah si looga eego caabuqa bakteriyada sababta xanuunka, waxa kale oo wehliya in qofka loo diro sawiro ay ka mid yihiin X-ray Ct-scan iyo MRI.

    Daaweyntu waxay ku xidhan tahay hadba heerka uu taagan yahay xanuunku, haddii uu yahay mid halistiisa weyn tahay waxa muhiim ah in qofka loo sameeyo qaliin, lana soo gooyo unugyadaa dhintey si loo ilaaliyo fayoqabka xubnaha kale
    Inta waxa dheer in qofka lagu kaabo jeermis dilayaasha antibiotic iyo oxygen kobciyayaal

    Intaa waxa ka dambeeya oo aan ku soo gabagabaynayaa maqaalkaygan in qof wal oo xanuunkani haleelay lagana daweeyey uu sameeyo la socod joogto ah oo ku saabsan cafimaadkiisa, kuwa la nool xanuunada halista u ah in xanuunkani ku haleelana ay la socdaan xaladooda.

    Waa walaalkiin Maxamed Shucayb oo idin leh ha is baananee is baadh.

    Tixraacyo

    Mayoclinic hospitals
    Davidson latest edition.

Mohamed SHucayb  Ahmed.