Wasiir Seed Oo Hungo Iyo Hargo Madhan Kala Huleelay Hadhimo Sharafeed Uu Haybtiisa U Fidiyay.

0
102

Wasiirka Wasaarada Horomarinta Beeraha S.Land Md Axmed Muumin Seed Oo Shalay Hadhimo Sharafeed U Fidiyay Haybta Uu Ka Dhashay, Kulanka Oo Ka Qabsoomay Hotel Saw Ee Magaalada Borama.

Ujeedada Ka Dambaysa Kulanka Ayaa Ahayd Sidii Beeshiisu Taageero Mug Iyo Miisaan Leh Mar Labaad Ula Garab Joogsan Lahayd Xukuumada M/Weyne Muuse Biixi Cabdi. Ayaa Hore Ugu Dhaariyay Golahiisa Wasiirada Inaanay Qabiil Ma Talin, La Shiri Karin, Sheegana Karin Oo Ay Qaranka Matalaan Kartidoodana Iyo Waayo Aragnimadooda Uu Kusoo Xushay Oo Aanu Qabiil Iyo Qof Midna U Keenin. Kulankan Ayaa Xogta Ku Daahnayd Ahayd Sidii Loo Kala Jabin Lahaa Midnimada Saamiga Iyo Tabashada Beelaha Gadabuursi Oo Ka Dhursugaya Saami Qaybsigii M/Weyne Muuse Balan Qaaday Markii Uu Ololaha Doorashadiisa Uu Ku Jiray In Hadii Reer Awdal Ay Codkooda Siiyaan Oo Uu Ku Guulaysto Kursiga Uu Wax Ka Qaban Doono Tabashadooda Ku Salaysan Cad Qaybsiga Kuraasta Barlamaanka Iyo Xilalka Kale Ee Dawlada. Taasi Oo Hada La Gaadhay Xiligii Uu M/Weyne Muuse Biixi Dhayi Lahaa Tabashada Beelaha Darifyada S.Land. Hadaba Iyadoo Sanadkani Curtay La Filayo In La Ansixiyo Xeerkii Lagu Soo Dooran Lahaa Golaha Wakiilada Cusub Kaasi Oo Ay Ku Lifaaqsan Tahay Saami Qaybsiga Gobolada Dalka Oo Ay Horay Ugu Qadeen Gobolada Darifyadu Loona Aanaynayo In Beesha Dhexe (3/2) Saddex Laba Meelood Wada Qaateen.

Iyadoo Dareenadaasi Xaasaasiga Ahi Tagan Yahiin Ayaa W/W/H Beeraha S.Land Md Axmed Muumin Seed Ayaa Guntiga Usoo Xidhay Sidii Uu Ukala Daadin Lahaa Midnimada Masiirka Iyo Saami Qaybsiga Xili Xukuumada Mucaaradad Adag Kaga Imanayso Gobolada Barriga S.Land, Taasi Oo Markale Reer Awdal Ay Sad Quudheed Iyo Soor Nacaybeed Saxanka Ugu Qaadan Lahaayeen. Hadaba Hadhimo Sharafeedkani Maanta Ka Qabsoomay Xarunta G/Awdal Ayaa Lagu Kala Kacay Kadib Markii Wasiurku La Gole Yimid In Beeshiisu Ka Fadhiisato Loolanka Saamiga Iyo Tabashada Guud Ahaan G/Awdal, Iyada Oo Wasiirku Uu Ku Beer Laxawsanayo In Aqoonyahano Iyo Siyaasiyiin Waaweyn Oo Ka Soo Jeeda Beeshiisa Ay Tan Iyo Bilawgii S.Land Sidii Ay U Raadinayeen Saamiga Iyo Masiirka Reer Awdal Ugana Raadinayeen Madalkasta Oo Somaali Iskugu Timaado Aakhirkii La Waayay Meel Ay Cidhibta Dhigeen.

Kulankan Hadhimo Sharafeedka Ayaa Haldoorkii Kasoo Qayb Galay Ay Gabi Ahaanba Ka Biyo Diideen Meeqaamka Iyo Ujeedada Xiligan Keentay Sanad Kadib Intuu Xukuumada Dhex Mushaaxayay Ayna Guud Ahaan Gobolka Awdal Ka Tabanayaan Hagrasho Uu Ka Gaabiyay Gurmadkii Duufaantii Sagar Ee Dad Iyo Duunyo Iyo Dalagba Xaaqday Oo Aanu Waxba Wasaaradiisu Ka Qaban Xataa Balanqaad Iyo Rajo Midna Laga Hayn Maadaama Uu Gobolkani 50% Uu Yahay Beeralay.

Taasi Oo Wasiirku Aakhirkii Hungo Kala Huluushay. Isku Soo Wada Xoori Dhacdadan Oo Ah Mid Ugub Ku Ah Taariikhda G/Awdal Ayaan Nuxurkeedu Kusoo Ururayaa Tix Kamida Gabayadii Abwaan Salaan Carabey Ee Ahayd: Nin Dhirbaaxo Quudheed Dugsaday Dhaqayadeed Maalye.

Kaafimedia Hargeisa Office