Wasiirka Beeraha Oo War-bixin Siiyey Guddiga Joogtada Ah Ee Golaha Guurtida Somaliland.

0
43

Hargeysa (Kaafimedia) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Muumin Seed ayaa Maanta kulan la yeeshay Guddiga joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland.

Wasiir Seed oo uu Wehelinayey Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Saam Axmed Jaamac, ayaa Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtidu ugu tagay Codsi ay hore ugu direen, kaasi oo nuxurkiisu ahaa inuu uga xog-warramo Hawlaha Wasaaradda Beeruhu gacanta ku hayso iyo sannadkii u dambeeyay waxyaabaha u qabsoomay.

Wasiirka oo Codsigaa ka jawaabaya ayaa Saaka tagay Xarunta Golaha Guurtida oo ay ku sugnaayeen Guddiga joogtada ah ee Golaha Guurtida, waxaanu Wasiirku intii aanu hor-tagin Guddiga joogtada ah uu Xafiiskiisa ku booqday isla-markaana ku soo salaamay Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, kaasi oo isaguna ku soo dhaweeyay Xafiiskiisa.

Intaasi ka dib, Wasiirka horumarinta Beeraha JSL, Md. Axmed Muumin Seed wuxuu Hoolka Shirarka ee Golaha Guurtida uu Xog-warran faahfaahsan ku siiyey Guddiga joogtada ah, waxaanu uga warramay hawlaha ay xilligan Gacanta ku hayso Wasaaradda Beeruhu, waxaanu tilmaamay in sannadkii tagay ay Wasaaraddu hirgalisay Saddex Mashruuc oo waaweyn, kuwaasi oo kala ah Mashruuca Banka Wajaale oo Dalagyo kala duwan laga beeray dhul Cabbirkiisu ka badan yahay 700 Hector, sidaasi si la mid ahna Wasaaraddu Dalagyo badan ka qodday deegaannada Beer ee Gobolka Togdheer iyo Xaaxi ee Gobolka Daad-madheedh ee Somaliland.

Wasiirku wuxuu u sheegay Guddiga Joogtada ah ee Guurtida in Mashaariicdaasi midho-dhaleen, qaarkoodna meel wanaagsan marayaan.

Sidoo kale, Wasiir Seed wuxuu hadalkiisa ku daray inay qorshaha ugu jirto in sannadka cusub sidaasi oo kale dalagyo laga beero gobollada Sool iyo Sanaag, maaddaama buu yidhi qorshaha Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi yahay in dalku isku filaansho ka gaadho dhanka Cuntada.

Wasiirka horumarinta Beeraha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Wasaaraddu leedahay illaa 10 Cagaf oo Beeraha lagu qodo ah, sannadkan gudihiisana ay soo iibiyeen Cagaf weyn oo ah nooca Dalagyada lagu gooyo ama lagu jaro.

Wasiir Axmed Muumin Seed waxa kale oo uu tilmaamay in Qorshaha Wasaaraddu yahay inay sii kordhiyaan dedaalkooda la xidhiidha kor u qaadista Wax soo-saarka Beeraha.

Waxa kale oo uu Wasiirku uu Guddiga uga warramay sida Wasaaraddu ugu  guulaysatay inay Dadka ku jihayso inay Dhulkooda wax kala soo baxaan.