Booqashada wasiirka difaaca ee ingiriisku uu Somaliland ku yimi waxay dad badani u haystaan wax hore loo sii qorsheeyay ama xariifnimo ay Somaliland ku kasbatay inuu u yimaado, lakiin arinku sidaas wuu ka duwan yahay.

0
142

Maalinnimadii ugu horaysay sannadka cusub ayey ahayd markii dawladda Somaliya ay dalkeeda ka caydhisay wakiilkii Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Somaliya, erigaasi wuxuu la yaab ku noqday beesha caalamka siiba waddamada reer galbeedka, isla markiibana waddamada reer galbeedka oo Ingiriisku hor boodayaa waxay isku dayeen inay arinkaas ku xaliyaan si hoose oo dublamaasiyadeed, arinta eryitaankana ay Somaliya ka noqoto iyadanu (Waa Soomaliye)waxay ka cabanayso hoos loola eego. Soo jeedintaas Ingiriiska iyo reer galbeedka uu wakiilka u ahaaba wateen, dawladda Soomaaliya way diiday waxayna ku adkaysatay inaanu ergeygaasi dib uga shaqayneyn Soomaaliya.

Haddaba maxaa dhacay?

Ka dib saddex cisho oo waan waan siyaasadeed ah oo dawladda Ingiriisku la lahayd dawladda Soomaaliya, markii waxba ka socon waayeen waxay isku dayday inay dhinaca kale uga wareegto oo golaha amaanku uu soo saaro qaraar uu kaga soo horjeedo go’aankii dawladda Soomaaliya ay ku eriday wakiilkii qaramada midoobay mr Nicholas Haysom.
Qaraarkaas ingiriisku watay wuxuu maalinnimadii jimcihii oo bishu ahayd 04-Jan.2019, uu u soo bandhigay shir uu la yeeshay afarta waddan ee kale ee golaha amaanka kula jira, waxaase dhacday in shirkaas oo albaabadu u xidhnaayeen la isku mari waayey oo Shiinuhu u si weyn uga soo horjeestay qaraarkii Ingiriisku watay, isagoo taageero weyna u muujiyey go’aankii dawladda Somaliya. wuxuuna shirkaasi maalintii jimcaha ku soo gabogaboobay in dawladda Shiinuhu ay soo jeedisay in wakhti la siiyo ay ku soo akhrido kagana soo baaran degto qaraarkan uu ingiriisku wato!.

Ingiriiska iyo reer galbeedku burkaba bahal kamay filayn (Shiine)!

Ingiriiska iyo reer galbeedku waxay aaminsanaayeen maadaama caawimada ugu badan ay dawladda Soomaaliya siiyaan inay had iyo jeer awaamiirteeda u hogaan samayso, lakiin bil xaqiiqan go’aaankii adkaa ee dawladda Soomaaliya iyo isgarabtaagii dawladda Shiinuhu wuxuu ku noqday amakaag iyo afkalaqaad, marnabana meesha soomay dhigan Dawladda Soomaaliya ee taagta daran ayaa sidaas isugu kiin soo taagaysa iyo gacanta Shiinaha ayey galeysaa dawladdaas taagta daran ee caawimada reer galbeedka ku taagani.

Haddaba dawladda Ingiriisku markii ay aragtay in Shiinuhu uu arinkii soo galay misana ayna Soomaaliya u hogaansameyn oo ayna ka noqonayn go’aanka eritaanka, wuxuu keenay inuu isdaad raaciyo oo maalinnimadii sabtidii oo bishu ahayd 05-Jan-2019 inuu golaha amaanka soo hordhigo qaraar isciil-kaanbin u badnaa lakiin aan waxba ka bedelin go’aankii dawladda Soomaaliya ee ku saabsaana arinka eryi taanka, qaraarkaas golaha amaanku wuu isku wada raacay, weliba dawladda Shiinuhuna waxay shirkii ka sheegeen haddal tiiqtiiqsi ahaa oo ingiriiska iyo xulafadiisa ku socday una dhignaa “Waa in golaha amaaanku uu ixtiraamaa madaxbanaanida dhuleed iyo madaxbanaanida siyaasadeed iyo midnimada iyo sharafta Soomaaliya”.

Weji gabaxii siyaadadeed ee Ingiriiska soo gaadhay shantaa cisho wuxuu keenay orodkii inuu ku tago Somaliland, taasina waxay guul u tahay shacabka iyo dawladda Somaliland waayo aduunku waa dano, ingiriiska iyo reer galbeedkuba danihii ay koonfurta ka lahayeen gacmo madhan ayey u eegtahay inay ka taagan yihiin, wasiirkan gaashaandhiga ee Ingiriiskuna wuxuu hordhac u yahay madax badan oo reer galbeeed ah oo Somaliland maalmaha ama usbuucyada ama bilaha soo socda ku soo aadan kuwaas oo u diraaya fariin dawladda Soomaaliya iyo xulafadeeda cusub ee Shiinaha fariintaas oo micnaheedu yahay haddii aanu Soomaliya weyno waxaanu haysanaa Somaliland oo aanu hiil iyo hooba isla garab taagayna.

Ugu danbayn maanta dawladda Soomaaliya waxay gashay khalad weyn oo dublamaasiyadeed oo khatar ah, iyada iyo dawladaha reer galbeedkana siiba Ingiriiska waxaa u bilowday dagaal diblomaasiyadeed oo dhowaan si toos ah u muuqan doona ama loo arki doonaba.

Somaliland maanta guushii ugu weyneyd ayey qarka u saaran tahay nabsigii diinku soo sidayna waxay u eegtahay inuu afka uga soo galay ee aynu si weyn oo aan ilduuflahayn uga faa’iidaysano fursadaas siyaasadeed!

Suleyman Yusuf dhakhtar

Kaafimedia Hargeisa Office.