Odayaal Taageeray Go’aankii Dawladdu Ku Xanibtay Hudheel Habeenkii Siraadan jiray.

0
66

Hargeysa (Kaafimedia)- Qaar ka mid ah Odayaasha iyo Waxgaradka bariga Hargeysa oo ay wehelinayaan Culimada gudida Wanaag Farista oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa taageeray go’aankii Xukuumadu ku xanibtay qaar ka mid ah Huteelada magaalada Hargeysa.

Waxgaradka iyo culimada ayaa ka sheekeeyay dhibaatada uu hudheelkaasi ku hayay xaafadaha iyo bulshada ku dhaqanba,

“halkan waxa ka jira hudheel la yidhaahdo, hudheelka libaaxyada oo ay xaafadu aad iyo aad uga cabatay, hudhaalkaasi oo ay ka dhici jireen danbi, dunuub waaweyn iyo macsi oo makarafoonno waaweyn inta geedaha la saaray ay seexan waayeen waayeelkii, caruurtii iyo kii bukay ee xaafada joogay.” Ayuu yidhi mid ka mid odayaasha xaafada new Hargeysa

Waxa ay sheegeen in horena aannay raali uga noqon waxyaabahii ka dhici jiray hudheelkaasi, imikana aannay ka noqon doonin, isla markaana ay u mahadnaqayaan xukuumadda, ciidanka booliska iyo cid kasta oo ka qayb ka qaadatay in la xidho huteelkaasi.

“Xaafadu horena way u caddaysay, imikana waxay caddaynaysaa in aannay ogolaan doonin, iyadoo kaashanaysa una maraysa waddooyinka sharciga ah in wixii xumaan ah ee macsi ah ee lagu samaynayo hudheelkaas iyo kuwa la midka ahba, in aannan yeeli doonin, aad iyo aad baanan ugu mahadnaqaynaa ciidanka booliska iyo taliyahoodaba.”

Hudheelkan oo ku yaalla Bariga magaaladda Hargeysa ayaa inta badan habeenkii siraadan jiray, waxa uu lahaa qaybo lagu tunto ilaa waa bariga, iyadoo ay iskugu iman jireen dhalinyarada rag iyo dumar.

Dhawaan ayay ahayd markii wasaaradda arrimaha guddaha ay soo saartay amar gabi ahaanba lagu xayirayo in hudhaalkaasi shaqeeyo habeenkii.

Kaafimedia Hargeisa Officce.