Golaha Guurtida Somaliland Oo Saaka Fadhi Aan Caadi Ahayn Ka Yeelanaya Dib-U-Dhaca Doorashada Iyo Muddo Kordhin La Filayo Inay Samayaan.

0
118

Hargeysa(Kaafimedia)- Golaha guurtida Somaliland ayaa maanta oo sabti ah u ballansan fadhi aan caadi ahayn oo ay yeeshaan, sida uu shaaciyay Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtidda Somaliland Garyaqaan Cabdinaasir Aadan Beegsi, waxa Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtidu uu Mudaneyaasha ku wargeliyey in aanay ka baaqsan fadhigaas oo muhiim ah isla markaana lagaga hadli doono arrimo danaha Qaranka JSL, Sidaas darteed, inkasta oo aanu shaacinin waxyaabaha uu la xidhiidho ee lagaga hadli doono fadhigan aan caadiga ahayn, balse ilo xogogaala ayaa Hubaal u xaqiijiyay in fadhigan Golaha Guurtidda la iskugu yeedhay ka dambeeyey waraaq uu Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu u qoray Golaha Guurtidda inay waajibaadkooda ka gutaan doorashadii isku lammaaneyd ee Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka ee dib u dhacday.

Nuqulka Warqadda  madaxweynuhu u diray guurtida oo  Soo Gaadhay Shabakadda wararka KAAFIMEDI Ayaa  uu dhignayd  sidan: