“Puntland Iyo Dhulbahante Waxa Tusaale Ugu Filan Doorashada Cali Ciise Oo Ah Shaqsigii Ugu Waayo Aragsanaa Afrika”

0
24

Saleeban Yuusuf Cali Koore

Hargeysa (Kaafimedia) Wasiirka Horumarinta Biyaha Somaliland Saleeban Yuusuf Cali Koore, ayaa jawaab adag siiyey Madaxweynaha Puntland ee cusub oo ka hadlay qadiyada Khilaafka Gobolka Sool ee u dhexeeya Garoowe iyo Hargeysa. Wasiirka ayaa sheegay inaanay maslaxad iyo waxtar toona u haynin Gobollada Sool iyo Sanaag Maamulka Garoowe, balse ay taa bedelkeeda caqabad ku yihiin horumarka shacbiga Gobolkaas.

“Ninkaa madaxweynaha cusub ah waxa hadalkiisa ma muuqatay inuu kuwii hore la mid yahay, inkastoo markii la dooranayay aannu islahayn wuu ka duwan yahay, oo waxbadan buu kaga duwan yahay kuwii hore. Waxaan leeyahay, dadka deegaankaasi uma baahna dhib, waxay u baahan yihiin nabad iyo nolol, waxay u baahan yihiin horumar, inay la jaanqaadaan dadka derisyada ah ee hareeraha ka xiga ayay u baahan yihiin, dhin intii hor haku filnaato.

Aad iyo aad baan uga xumahay madaxweynaha maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland, ereyada uu yidhi, waa kuwo ummada rabta inay nabad ku naalooto aannay filanayn, dad badana waxa la lahaa, waxbuu kaga duwanaanayaa markuu soo baxo, laakiin la ogaa wuxuu noqday. Hadalka dadka beenta loogu sheegayana ee ah in meesha reer leeyahay, waxa ugu filan doorashadii Cali Ciise oo ah shaqsigii ugu waayo aragsanaa afrika, sagaal waddan oo afrika ahna soo dhisay. ” Ayuu yidhi wasiir Koore. “xukuumadda Somaliland markasta waxa ka go’an nabad, walaaltinimo iyo in lawadahadlo.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay

Kaafimedia