15 Qof Oo Ka Mid Ah Shaqaalaha Wasaaradda Beeraha Oo Abaal-marino La Guddoonsiiyey.

0
117

Hargeysa (Kaafimedia) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Muumin Seed iyo Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi Dr. Axmed Cali Maax ayaa Maanta Shahaado-sharafyo iyo Abaal-marino lacageed guddoonsiiyey 15 Xubnood oo ka mid ah Shaqaale-weynaha Wasaaradda Beeraha, gaar ahaan Shaqaalaha Xarunta dhexe ee Wasaaradda, kuwaasi oo Waaxda Shaqaalaha Wasaaraddu u aqoonsatay inay ahaayeen Shaqaalihii aan intii ay Wasaaradda ka shaqaynayeen aan Maalin ka habsaamin shaqadooda.

Munaasibad ballaadhan oo Maanta lagu qabtay Xarunta Wasaaradda ayaa Wasiirka iyo Agaasimaha guud Shahaado-sharafyo iyo Abaal-marino ku guddoonsiiyeen 15 xubnood oo iskugu jira Rag iyo Dumar, kuwaasi oo laga soo dhex xulay 182 Qof oo Shaqaalaha Xarunta dhexe ee Wasaaradda Beeraha, loona aqoonsaday in aanay weligood shaqadooda ka habsaamin, sidaasi darteedna ay Mutaysteen in la dhiiri-geliyo.

Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha ee Wasaaradda Beeraha, Yaasmiin Xasan Siciid oo ugu horreyn halkaa ka hadashay ayaa faahfaahisay ujeeddada Xafladdan loo qabtay iyo sababta keentay in Shaqaalahan 15-ka ah la abaal-mariyo.

Wasiir Seed iyo Agaasime Maax oo Xafladda hadallo ka soo jeediyey ayaa iska daba-maray in Shahaado-sharafyada iyo Abaal-marinnaha lacageed ee ay guddoonsiiyeen Shaqaalaha tiradoodu tahay 15-ka Qof loogu talo-galay in lagu dhiiri-geliyo Shaqaalaha kale si ay u dedaalaan.

Wasiirka iyo Agaasimuhu waxay sheegeen in Shaqaalaha Wasaaraddu yihiin kuwa Mishiinka u ah dedaallada Wasaaraddu kor ugu qaadayso Wax soo-saarka Dalka isla-markaana Masuuliyiin ahaan ku faanayaan Shaqaalaha Wasaaradda Beeraha.

Kaafimedia Hargeisa Office.