Nuxur kamida khudbada wasiirkii Horee Wasaaradda Warfaafinta. Abdirahman Abdilaahi Faarax (Guribarwaaqo) Taas Oo Uu Ka Jeedin Doono Xaflada Xil Wareejinta.

0
340

Mudanayaal iyo Marwooyin Khudbada Aan maanta Idinla Wadaagi Doonaa Runtii Waa Mid Kooban, Waxaana Ka Maqnaan Doonin Dardaranka Iyo Caqabadaha Hortaagan Wasiirka Cusub Inaan Ugu Daro. Khudbadaydu Way Ka duwantahay khudbada Shaqsiyaadka siyaasiinta Ah Oo Markasta Ah Inay Iyagu is Amaanan.!
Hadaba Anuu dhaliishaydaan Ku soo darayaa Waayo Tuhunka Layga Qabaa Badnaa.!!

WAXYAABIHII II QABSOOMAY MUDADII YARAYD EEN XILKA WASAARADDA HAYAY.
1. Markii aan wasaaradda imid runti Gidaarada Wasaaradda Oo Cawlaanka Muuqday Isla Markiiba Waanu Rin Jiyaynay.
2. Sidaad la wada Socotaan Wasaaradda Dhamaanteed CC Kamera Ayaanu Ku Wada Xidhnay Talaaba Kastoo Wasaaradda Ka Dhacana waanu La Soconay.!
3. Wasaaradda Maalin Qudha Laydhku Kama Go’in Sababtoo ah shidaal Badan Ayaanu u Keeni Jirnay Maalin Walba.
4. Isduudiyaha Wararka Ee Tvga Waxoogaa qurxina ayaanu Ku Samaynay.
5. Runtii Anuu Af-soomali Saxaan Ku Hadlaaa Ama Aan Qoraa Sidaad Warbaahinta Ka Arkayseen Waxa Lakala Saariwaayay “U QAYBSAME IYO ERGAY, Ilaa Oon Dib U Sharaxay.
6. Qaarkamida Shaqaalaha Waxanu Ganaaxnay Waxaana Lagu Soo Oogay Dambi Ah’ Like Iyo Share, Taas Oo Ah Ka Hortag Inaanay Wasaaradda Waxba Ka Sheegin, Ila Haddana Qaarbaa Mushahar Koodi Aanu Ka Xanibnay Oo Iyagu Dhaga Adkaaday Ama Keena Diid Noqday.
7. Dhamaan Qaybtii Yurub Oo Lacag Badan halkan Looga Diri Jirayna waanu Soo Xidhnay Waxaanan Ka Soo Reebnay Hal Shaqsi Oo Kaliya.

Intaas waxaan Kaga Gudbayaa waxqabadkii Mudadii Aan Joogay Wasaaradda Ka Hirgalay, Inkastoo Caqabada Badani Iga Horyimaadeen Hadana Daadaal Aan Galiyay Wasaaradda Ayay Ahayd Intaasiba.

CAQABADIHII I QABSADAY IYO KUWA WALI TAAGAN EE WASIIRKA CUSUB AAN KU WAREEJINAYAAYO.
1. Bilowgii Horaba Wasaaradda Waxaanu Shaqada Ka Joojinay 24 Shaqaalaha Wasaaradda Ah. Arinkaasi Shaqalaha Waxa Uu Ku Keenay kala Shaki Badan Iyo Isku Jawaabid Warbaahinta Ah, Waa Inaad Shaqaalihii Isku Wadaa, Tuhunkana Ka Saartaa, Inta Duurka Gashayna Waa Inaad Wasaaradda Ku Soo Celisaa Sababtoo Ah, Hal Qofna Qarankan Kama Maarmo.
2. Wasiir Idaacadii waynayd Ee Qarankan lahaa Way Fadhidaa Lkn Qalabaa U Maqan.
3. Tvgii Qaranka Qaybtiisii lookalku Isna Wuu Fadhiyaa Laakiin Qalabkii Wuu noo Manqaa.
4. Xafiiskii u dhismaha danbeeyay Ee ugu casri Sanaa ayaa Isna Gubtay. Waxaanan ka Xumahay Inay Ilaa hadda shaqaale Masaakiini xidhanyihiin oo Xataa Qaarkood ilaa Bilowgii Somaliland Joogeen.
5. Runtii anuu shaqaalaha Kumaan Dhexmilmin Xafiisyadoodana makala Aqaan Laakiin Xafiisyo Badan ayaa Ku Yaala Wasaaradda. Masaajidkana Ka warhay Waxa Uu u Baahdo, Waa Koonaha Wasaaradda’ e.
6. Agaasime waaxeedyo Badan Ayaan U Kala Magacaabay Inkastoo Midna Bajadka Loogu Tala Galay Sideedii u Gaadhin, Taasna Maamul Daadajin U Samee Si Waxqabadkii Wasaaraddu U Muuqdo.
7. Laba Agaasime Oo Wasaaradda Ah Ayaa Iyagana Hanti Dhawrku Dhawaan Xidheen Inkastoo Si Dag Dag Ah Loosoo Daayay Taasna Wasaaradda Sumcad Dil Iyo Bar-madaw Ayay Ku Noqotay. Waa Inaanay Dib U Dhicin, Oo Isla Xisaabtan Yimaada Shaqaalaha Iyo Masuuliyiinta Hoosaba.

Nuxur Kamida Khudbada Wasiirkii Horree Wasaaradda Warfaafinta.!

WABILAAHI TOWFIIQ.

Marwaan sulub.