Dr Maxamed Cabdi Gabboose,  ayaa madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay in uu waddanka ku xukumayo siyaasadeed kooxaysan oo ku qotonka qaybi oo xukun.

0
278

Gabboose, ayaa sheegay in koox yar ku qadhaabtaan magaca Jeegaanta iyaga oo aan metelayn beelaha ay ka soo jeedaan balse iyagu shaqaysta.

Gabboose, ayaa ugu danbayn talooyin u soo jeediyay madaxweyne Biixi.

1. Inaad meesha ka saarto nidaamka kooxeysan ee loo aanay-nayo
kala irdhaynta bulshada umaddana aad dhex u noqotid.
2. Inaad garawshiiyo iyo xaal ka bixisid deelqaafkii umadda ku dhaqan Sanaag-bari kasoo gaaray Janaka Ciidamada Qaranka.
3. In aad mudnaan gaar ah siiso tabashadda goboladda, Awdal, Selel
Sool iyo Sanaag-bari kuwaas oo la’aantood aanay jiri karin Somaliland.
4. In aad aan adiga iyo bulshadda laydin kala waramin, ee aad albaabada u furto.
5. In aad hoos u eegtid cabashooyinka beelaha iyo raadadka ay reebtay doorashadii.
6. In aad ka waantowdid xadhiga wariyayaasha iyo cid walba oo fekerkeeda saliimka ah cabirta xoriyadoodina usoo celisid muwaadiniinta u xidhan aragtidooda.
7. In shirka laga iclaamiyay Burco looga faa’iidaysto turxaan bixinta beelaha.
8. In aad si dhaqso ah isugu yeedho waxgaradka iyo waayo-araga umadda, kalana tashato xaalada dalku marayo iyo sidii looga bixi lahaa.

Xasan Galaydh