Culimaa’udiinka Oo Ka Digay Xaflado & Dabaal-deg Loo sameeyo Curashada Sannadka Cusub Ee Gaalada.

0
179

Hargaysa (kaafimedia) – Guddiga Wanaag-farista iyo xumaan reebista Somaliland ayaa ka digay in dalka laga sameeyo xaflado looga dabaal-degayo sanadka cusub ee Miilaadiga ee 2020-ka, kaasi oo Foodda innagu soo haya.

Guddigu waxay Xukuumadda Somaliland iyo ciidamada ammaanka ugu baaqeen in laga hor tago in aanay dhallinyaradu qabsan xaflado loogu dabaal-degayo sanadka cusub ee 2020-ka.

Sheekh Muuse Jaamac, ayaa ugu bulshadda reer Somaliland gaar ahaana dhalinyarada in aanay qabsan karin wax munaasibado ah oo loogu dabaal-degayo sanadka Miilaadiga ah, isla markaana aan Badaha loo tamashle tegi karin “Markaa waxaan u soo jeedinayaa bulshada islaamka ah, in aan ciid laga dhiganin,  la isku-na hambalyaynin,  la isku-na xafladaynin, hudheellada-na aan la isugu soo bixin, Badaha-na aan lagu yaacin. Wax Ajri ahna aan laga helaynin”ayuu yidhi sheekhu.

Sheekh Muuse waxa uu sheegay in xukuumadda looga baahan yahay in ay tallaabo ka qaado haddii ay bulshadu qaadan waayaan fariintooda.

Kaafimedia Hargeisa