“Cabdiraxmaan-Guulwade Ayaa Kun Jeer Farmaajo Ka Fiican, Waayo Wax Allaaliyo Wixii Uu Qabaybuu Soo Dhigay”

0
43

Hargeysa (Kaafimedia ) Cabdiraxmaan oo caan ku ah naanaysta Guulwade oo sarkaal ciidan ka ahaan jiray xukuumadii milatariga ahayd Siyaad Bar, ayaa dhawaan maruu shir jaraa’id ku qabtay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ka sheegay hadal gef iyo meel ka dhac ku ah ummadda Somaliland, isla markaa taabanaya dareenkooda.

Cabdiraxmaan Guulwade oo xubin ka ahaa guddida wadahadalka Somaliland iyo Somalia ee madaxweyne Farmaajo soo magacaabay, ayaa si badheedha u difaacay xasuuqii dadka reer Somaliland uu kula kacay taliskii dawladdii Maxamed Siyaad Barre, kaas oo uu sheegay inuu sax ahaa.

Boobe Yuusuf Ducaale oo ka mid ah aqoonyahanka Somaliland, isla markaana wax badan ka qoray halgankii dalka lagu xoreeyay ee dhaqdhaqaaqii ururkii SNM ee xiddida u saaray taliskii Maxamed Siyaad Barre, ayaa si adag uga jawaabay hadalkaasi ka soo yeedhay Cabdiraxmaan Guulwade.

Mujaahid Boobe ayaa sidoo kale ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, inuu la qabo oo uu garab taagan yahay hadalkaa gefka iyo xumaanta ku ah shacabka reer Somaliland, waxaana uu ugu baaqay xukuumadda Somaliland inay go’aan iska taagto waxa kala gudboon hadalka ninkaasi la yidhaa Guulwade, isla markaana waa siduu hadalka u dhigaye ay soo taagto maxmadda dambiyada caalamiga ah.

“Kun jeer Cabdiraxmaan baa Farmaajo ka fiican, waayo wax allaaliyo wixii u qabaybuu soo dhigay. Waxaa iyo wax ka daran baa haddaba ummaddan ku yaala, halkaas wax wadahadal ah oo ka furmayaana ma jiraan, hor fadhiisi la hor fadhiisanayaan ma jiro, xukuumaddana waxa aanu ka doonaynaa wixii hadalkan kala gudboon inay ka yeesho oo ay maxkamadda caalamiga ah u gudbiso, isagaa markhaati isugu filan, isagaa caddayn isugu filan, wax loo baadidoonayaana ma jirto, haddii kale dee been baynu isku maaweelinaynaa. Shacabkanina waa shacabkii duruusta la yaabka leh dhigay, hadday maanta timaadana, tii tu ka daran ayaanu dhigi doonaa.” Ayuu yidhi mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale oo hargeysa ugu waramayay warbaahinta qaar.

Kaafimedia